Ilaalinta Carruurta

Ilaalinta Carruurta

Waajibaadka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ka mid ah ilaalinta carruurta ay saameeyaan dagaallada hubeysan, kuwaas oo ay ka mid tahay ka taageeridda Soomaaliya si looga hortago loona soo afjaro xadgudubyada xuquuqda carruurta ee ay sameeyaan dhinacyada isku dhacsan iyadoo diiradda la saaraayo sidii loo kobcinlahaa fulinta qorshayaasha Dawaladda ee ku aaddan carruurta iyo iskudhacyada hubeysan.

Qeybta ilaalinta carruurta ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (CPU) waa qeybta xuquuqul insaanka iyo kooxda ilaalinta carruurta (HRPG) waxaayna masuul ka tahay fulinta waajibaadka ilaalinta carruurta.

Tan iyo markii lasoo raray 2013-kii, qeybta ilaalinta carruurtu waxa ay ka taageereysay Dawlada Federaalka Soomaaliya (FGS) fulinta laba qorshe oo ku saabsan CAAC. Bartamihii Juun 2013-kii kooxda shaqada ee CAAC waxa ay sharaxeen qorshe hawleedka si lo soo nooleeyo fulinta qorshayaasha CAAC. Inkastoo qorshe hawleedka loo qabtayfarsamo ahaan bishii Diseembar 2018, waxaa wali la sugayaa saxiixyada dukumentiyada siyaasadeed.

Ajandaha CAAC ee Qaramada Midoobay waxa uu qeyb ka yahay hawlgallada amniga iyo nabada ee Qaramada Midoobay, sida ku xusan qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1261(1999), 1314(200), 1379(2001), 1460(2003), 1539(2004), 1612(2005), 1882(2009), 1998(2011), 2068(2012), 2143(2014), iyo 2225(2015) iyo dhammaan qoraallada la xiriira ee madaxweynaheeda, kuwaasi wadajir ah u abuuraya qaab wax ka qabanaya ilaalinta carruurta ay saameeyaan iskudhacyada hubeysan.

Qorshayaasha waxqabadka ee Soomaaliya kuwaasoo loo turjumay Soomaali waxaan agu kala saxiixday ballanqaadyo u dhexeeyay Qaramada Midoobay iyo Ciimada Qaranka, kuwaas oo lagu soodaray 2006-dii in ay galeen xadgudubyo daran oo ka dhan ah carruurta warbixinta sannadlaha ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan carruurta iyo iskudhacyada hubeysan. Dhinacyada kale ee liiska kujira waa Al-shabaab, kuwaasoo laga qoray in ay qortaan, adeegsadaan, dilaan, waxyeeleeyaan, walibana afduubtaan carruurta iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga sheegay qorashada iyo adeegsiga carruurta.

Iyadoo ay wehlineyso Hay’adda Qaramada Midoobay Carruurta u qaabilsan ee UNICEF, qeybta ilaalinta carruurta (CPU) oo la gudoomineysa guddi hawleedka dalka u qaabilsan korjoogteynta iyo warbixinta farsamada ee ay sameysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xeerka 1612(2005) si u kor joogteeyaan ugana warbixiyaan lixda xadgudub ee daran ee xuquuqda carruurta.

Lixda xadgudub ee daran waxa ay kala yihiin:

  • Dilka iyo waxyeelleynta carruurta
  • Qorashada iyo adeegsiga carruurta
  • Kufsiga iyo qaababka kale ee xadgudka jinsiga ah ee carrurta ka dhanka ah
  • Afduubashada carruurta
  • Weerarada iskuulaadka iyo isbitaallada
  • Diidmada helitaan caawinta bini’aadanimo ee carruurta

Warbixinnada ay soo gudbiso CTFMR waxaa loo adeegsadaa in sare loogu qaado wacyo gelinta xaaladda adag ee carruurta ay saameysay dagaallada Soomaaliya, wargelinta ka hortaga iyo hawlaha u qareemida, si loo qaado tallaabo lagu kala saarayo carruurta iyo ciidamada iyo kooxaha hubeysan, si loo qabto dambiilayaasha ku xadgudba xuquuqda carruurta loogana hortago xadgudubyo dheeraad ah. Hawlaha barnaamijyada ee laga ogaaday xogtii lasoo aruuriyay ee hawlaha la socodka iyo ka warbixinta farsamada oo ay fulisay UNICEF iyo ururada la shaqeeya.

Xogaha lasoo ururiyay ayaa si isku mid ah loo siiyay Global Horizontal Note (GHN) iyo wax bixin sanadeedka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan carruurta iyo iskudhacyada hubeysan (CAAC).

Qeybta ilaalinta carruurta waxa ay la shaqeysa hay’adaha dawlada sida Wasaaradda Difaaca, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo shaqawadaag kala duwan oo caalami ah iyo ha’adaha Qaramada Midoobay, maaliyada iyo barnaamijyada.

Shaqooyinka gaarka ah ee CPU waxaa kamid ah:

  • Xoojinta la socodka iyo warbixinta farsamada iyo ka jawaabcelinta xadgudubyada daran: la socodka iyo warbixinta ku saabsan xadgudubyada daran ee xuquuqda caruurta iyadoo loo hogaansamayo xeerarka la xiriira ee golaha ammaanka.
  • La shaqeynta iyo taageerida DFS si loo fuliyo qorshehawleedka Soomaaliya ee kusaabsan CAAC: awood u dhisida qeybaha ilaalinta carruurta ee wasaaradaha la xiriira iyadoo tababar la siinaayo, horumarinta siyaadaha iyo hawlo wadajir ah.
  • Taageerida shirka gudaha ee kusaabsan xuquuqda carruurta iyo xoojinta habweyn oo lagu ilaaliyo carruurta oo ay kujirto u ololeynta ansixinta borotokoollada shirka ku saabsan xuquuqda carruurta ee ka qeybqaadashada carruuta dagaallada hubeysan (OPAC): siinta taageero farsamo iyo awood u dhisid Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka  inta lagu guda jiro hawsha qabyo qoraalka ee xeerka carruurta.
  • Gaarsiinta iyo wacyo gelinta arrimaha kusaabsan ilaalinta carruurta: horumarinta wacyi gelinta iyo qalabka dhiirigelinta ee ilaalinta carruurta.

Guulaha CPU waxaa kamid ah:

  • Hawlo baaritaan ah oo ay la fulisay UNICEF iyo qeybta ilaalinta carruurta ee Wasaarada Difaaca ee xerooyinka militariga si loo hubiyo in ay carruur joogaan. Carruur lasoo helay in ay hawsh u socotay ayaa lasii daayay waxaana la geeyay xarumodhaqancelin si loogu diyaariyo in ay bulshada dib u dhex galaan. Inta ay socotayhawshabaaritaanka ee la qabtay intii u dhexeysay Janaayo 2017-kii ilaa Maarso 2018-kii tirade guud ee carruurta lasooqabtay waa 23, laba kamida horraan ayaa laga saaray oo waliba la geeyay xarun dhaqancelineed oo kutaalla Baydhabo, halka wali kuwa kale aan laga saarin oo aan la dhaqancelin.
  • Waxa ay tababaro iyo hagitaan ku saabsan ilaalinta carruurta siisay shaqaalada cusub ee la soo daabulay ee nabad ilaalinta ah, ujeedadu waxa ay tahay in ka qeybgalayaasha ay awood u yeeshaan in ay isku howlaan ilaalinta carruurta ee shaqadooda quseysa, sidaas darteedna ay si firfircoon uga gacangeystaan ilaalinta carruurta.
  • In ay tababar siiso shaqa-wadaagga oo ay kamid yihiin Ciidanka qaranka Soomaaliya, Booliska Soomaaliya, shaqaalahaqeybta ilaalinta carruurta ee Wasaarada Difaaca, Garsoorayaasha iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka si awood loogu siiyo daneeyayaasha in ay ka qeybqaataan dedaallada ilaalinta carruurta. Laga soo bilaabo Janaanyo 2017-kii ilaa Luuliyo 2019-kii guudahaan 6,565 askari oo isugujira 6,207 rag ah iyo 358 dumar ah ayaa loo tababaray ilaalinta carruurta iyo xuquqda carruurta.
  • Abuurida wadiiqo loo wadaago xadgudubyada laga diiwaangeliyay dhinacyada dagaalka si loo guraadiyo jawaabcelinta ku haboon: uqareemida taliyaha xoogga dalka oo 21-kii Agoosto  2017-kii soosaaray ammaro guud oo lagu ilaalinayo laguna hortagaayo qorashada iyo adeegsiga carruurta; hindisida iyo hubinta oggolaansha laba habraac oo nidaam hawgal ah, mid waa soodhaweynta iyo gacan soo galinta carruurta laga soosaaray kooxaha hubeysan (2014), iyo kan kale oo ah wareejinta carruurta uu saameeyay dagaallada hubeysan (2018).
  • Kala shaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay in diyaarad lagu sooq aado 102 carruur ah (kuwaas oo ama laga soo bad baadiyay, isa-soodhiibay ama la qabtay iyagoo ka barbardagaallamaya kooxohubeysan) oo laga soo qaadayo gobollada lanageynayay xarun dhaqancelis oo kutaalla Muqdisho’ baaritaanka iyo 5971 askari oo loo tababar ay ilaalinta carruurta iyo awood u dhisida xubno kamida haweenka iyo qeybta ilaalinta carruurta ee Booliiska Soomaaliya.