Keenitaanka iyo hirgelinta tallaalka Covid-19 ee Soomaaliya

15 Mar 2021

Keenitaanka iyo hirgelinta tallaalka Covid-19 ee Soomaaliya

Imaanshaha iyo Hirgelinta Tallaalka Covid-19

Tallaaka COVID ee Oxford/AstraZeneca oo ah tiradiisa 300,000 waxa uu gaari doonaa shaqaalaha safka hore ah iyo dadka kuwa ugu nugul


Mogadishu – Dadaallada lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed xilligan uu jiro cudurka safmareenka ah ee coronavirus (Covid-19) ayaa xoogeystay maanta xilli uu dalka soo gaaray tallaal tiradiisu yahay 300,000, looguna talagalay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo dadka kuwa ugu nugul ay xaaladdooda caafimaad liidato sida ay ku taliyeen guddiga qaran ee kahortagga COVID-19 si loo xakameeyo loona yareeyo dhimashadda kadhalatay xanuunka COVID-19.

Soomaaliya waxay ka heshay xarunta caalmiga ah COVAX in ku filan tallaalka ugu yaraan 20% tirada Guud ee dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu gaarsiin doono tallaalka wajiyo kala duwan.

Ujeeddada COVAX waa in la dadajiyo horumarinta iyo soo-saarista tallaalka COVID19, iyo in la xaqiijiyo in dal walba oo caalamka ka tirsan uu si siman oo caddaalad ah u heli karo Talaalka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliyaa waxay si joogta ah  wada haddalo iyo  dadaal ugu jirtaa si loo kordhiyo qoondada tallaalka COVID-19 loona gaarsiiyo bulshada inteeda badan.

“Tallaalka Covid-19 waxaa uu yimid xilli Soomaaliya wajaheyso ladagaalanka soo laba kacleynta cudurka Covid-19, waxaana lagu xakameyn karaa oo keliya markaan dhammaanteen iskaashanno. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shaqaalaha Daryeelka Caafimaadka iyo dadka kale ee mudnaanta loo siiyay qeybta kowaad ee tallaalka in ay qaataan tallaalka si aan u ilaalinno shaqaalaheena caafimaadka, shaqaalaha kale ee safka hore ku jira  iyo dadka halista badan qaba” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nur.

Kadib markii Xanuunka Covid19 uu ka dilaacay Soomaaliya bishii Febrayo 2020 waxaa ladiiwangaliyay  8,946  kiis oo la xaqiijiyey in uu ku dhacay xanuunka COVID-19, waxaa ku jira tiro dhimasho gaaraysa 349 sida ku xusan warbixinta usbuuclaha ah ee soo wada saaraan Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’ada Caafimaadka Aduukna, WHO. Laga soo bilaabo 1 ilaa 22 bisha Febraayo 2021, isugeynta 1,432 kiisas oo cusub iyo 76 dhimasho ayaa laga diiwaangeliyay Muqdisho oo kaliya. Tani waxay ahayd kororkii ugu badnaa ee la arko toddobaad gudihiis laga soo billaabo bishii Maajo iyo Juunyo 2020 markaas oo uu safmarku meeshii ugu sarreysay gaaray, xilligaas oo la diiwaangeliyay 500-600 oo kiisas isbuuc kasta.

“Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu diyaar u yahay in ay ku taageeraan Dowladda Soomaaliya sidii loo hirgelin lahaa tallaalka COVAX. Waxaa naga go’an in aan Dowladda Federaalka Soomaaliyaa kala shaqeyno sida loo gaari karo dadka kuwa ugu nugul  iyo shaqaalaha safka hore ku jira si loo xakameeyo faafitaanka cudurka, iyo in dadka Soomaaliya ay si dhaqsa ah uga soo kabtaan cudurka safmarka ah Covid19  isla markaan aan  sii wadno xoojinta  dadaalada horumarka ee  dhinaca nabadda iyo xasilloonida” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

Tallaalkan oo ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oggolaansho u siisay in loo isticmaalo xaaladaha deg-degga ah, isla markaana rukhsad ka haysta Machadka Serum ee dalka India, waxa kaliya uu u baahan yahay qaboojiye caadi ah, kaas oo sahlaya in la safrin karo, lana keydin karo.

Wasaaradda Caafimaadka iyadoo ka ambaqaadeysa waayo-aragnimadeeda ballaaran ee ay u leedahay fulinta ololeyaasha tallaalka waxay ka shaqeyn doontaa wacyi-gelinta dadweynaha si ay u taageeraan, una fahmaan qiimaha iyo wax-ku-oolnimada tallaalka iyo ka faa’iideysiga nidamaka dhisan ee lagu qeybin karo tallaalka.

Waxay taariikhdu na baraysaa in tallaaladu ay waxtar leeyihiin, amaba dabargoyaan cudurrada faafa. “Waxaa noo dagsan nidaam xooggan oo aan ku fulin karno ololeyaasha tallaaka iyo in si ammaan ah lagu gaarsiin karo tallaalka COVID-19 shaqaalaha safka hore. Hirgelinta koowaad ee tallaalkan waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo loo qaaday marka la eego dagaalka ay Soomaaliya kula jirto COVID-19,” ayay tiri Dr. Fawziya Abiikar Nur, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka. 

“Tallaalku waxa uu waddamada kale ka caawiyey hoos-u-dhigidda faafitaanka COVID-19, waxaanna ku kalsoonahay in uu anfici doono bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan dhiiri gelinaynaa inaan sii xoojineyo tallaabooyinka kale ee ka-hortagga  xanuunka sida joogteynta gacma dhaqashada, xirashada af-xirka, kala foogaanshada, balaarinta baaritaanada bulshada ee Cudurka Covid-19, in la xoojiyo dabagalka dadka cudurka uu haleelay iyadoo la adkeynayo sahanka COVID-19 iyo in la karantiilo dadka leh astaamaha COVID-19”.

Si bulshada loogu wacyigaliyo faa’iidada uu tallaalka, shaqaale wacyigelin sameeya ayaa la hawlgalin doona si ay ugu dhiirigaliyaan  bulshada isticmaalka tallaalka COVID-19. Waxa ay sidoo kale xoojin doonaan muhiimadda ay leeyihiin tallaabooyinka ka-hortagga COVID-19 oo ay ku jirto in si joogta ah loo dhaqdo gacmaha, loo xirto af-xirka  iyo ku dhaqanka kala-fogaanshaha.

 

 

For more information, please contact: 

Ministry of Health and Human Services  
Khadar Hussein Mohamud | coordination@moh.gov.so | +252615602637/ +252614924062 
Mukhtar Abdi Shube | epi@moh.gov.so | +252615541871

WHO and UNICEF
Fouzia Bano | banof@who.int | +252619235880
Eva Hinds | ehinds@unicef.org | +252613642635

UNSOM
Dana Palade | palade@un.org | +252619988017