Saaxiibada beesha caalamka waxay ka codsanayaan hogaamiyaasha Soomaalida in ay heshiis gaaraan

6 Apr 2021

Saaxiibada beesha caalamka waxay ka codsanayaan hogaamiyaasha Soomaalida in ay heshiis gaaraan

Muqdisho – Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu* waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi'da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Xuseyna muhiimadda uu leeyahay Shir-madaxeedka la qorsheeyay ee DFS-DXDF, Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta  iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto.

 

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.