Isbitaalka Gobolka Baay: 85 sano ayuu daryeel caafimaad siinayey dadka deggan Koonfur Galbeed Soomaaliya

28 Feb 2021

Isbitaalka Gobolka Baay: 85 sano ayuu daryeel caafimaad siinayey dadka deggan Koonfur Galbeed Soomaaliya

Baydhabo –Nasiino iyo deganaansho ayaa dhif iyo nadir ku ah Isbitaalka Gobolka Baay ee magaalada Baydhabo.

Maalin kasta, mashquulka joogtada ah ee ka jira isbitaalka gudihiisa waa mid caadi ah, waayo, Isbitaalka ayaa xudun u ah bukaanada ka kala yimaada guud ahaan dhulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudaha waxaa ku jira Kalkaaliyayaasha caafimaadka oo caawimaad sameynaya, dhakhaatiirtu waxay sameynayaan kormeerka qaybaha ah iyagoo hubinaya heerka bogsashada bukaannada.

“Waxaan ka imaadey degmada Waajid; saddex maalmood ayay igu qaadatay inaan halkan soo gaaro. Waxaan ku jiray isbitaalkan sideed maalmood aniga oo qaadanaya dawooyin ay dhakhaatiirtu ii qoreen. Ugu dambeyntiina, saakay Dr. Aaden wuxuu iga jaray fartii lugtayda oo muddo dheer xanuun igu haysay,” ayuu yiri Ibrahim Cali Isaaq, oo ah 70 jir bukaan ah oo ka soo kabanaya xanuun uu muddo dheer la jiifay. Degmada Waajid waxay qiyaastii 95 kiiloomitir waqooyi-galbeed ka xigtaa magaalada Baydhabo.

Banaanka, Xigtada iyo asxaabta ayaa ahaa kuwa dhex jooga jardiinooyinka isbitaalka iyagoo sugaya inay arkaan kuwa ay jecelyihiin ee la baxnaaninayo.

Waxaan ka soo tagay tuulada Usley. Gabadhaydu had iyo jeer way matageeysay waxaana haysay qandho aad u kulul. Waan ogaa in cisbitaalkaan uu si wanaagsan u daaweeyo carruurta, oo uuna bixiyo cunto sedax waqti ah. Waxaan ku jiray qaybtaan tobankii maalmood ee u dambeeyay. Alxamdulilaah, gabadhayda hadda way fiicantahay,” ayay tiri Faadumo Xasan Macallim, oo ah hooyada dhashay Aamina Cusmaan oo laba sano jir ah, iyada oo hadda ku soo dhex caafimaadeysa qaybta carruurta. Tuulada Usley waxay qiyaastii 70km dhanka waqooyi ka xigtaa magaalada Baydhabo.

Ibrahim Cali Isaaq iyo Aamina Cismaan ayaa ka mid ah in ka badan 20,000-qof oo Isbitaalka lagu daweeyo sannad kasta.

Isbitaalka Gobolka Baay, waxaa uu ku yaalaa bartamaha magaalada Baydhabo, oo ah xaruunta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, waa xarun caafimaad oo adeeg daryeel  caafimaad bilaash ah  siisa 24/7 dadka deggan saddexda gobol ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo gobolka deriska la ah ee Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland.

Isbitaalka waxaa gacanta ku haya maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo uu taageero ka hela hay’adaha samafalka caalamiga ah. Waxaa uu leeyahay sideed waaxood oo shaqaynaysa, kuwaas oo ay ka midyihiin qalliinka, dhalmada, caafimaadka carruurta, nafaqada, daaweynta bukaan socodka iyo sheybaar. Waxaa ka hawlgasha 18 dhaqtar oo ka mid ah tirada guud ee Shaqaalaha oo ah 285, waxaana uu leeyahay 400 sariirood oo loogu talagalay bukaanada.

Horumarka Balaaran

Isbitaalka 85-tii sano ee uu jiray waxaa soo martay xaalado badan.

“Isbitaalka Gobolka Bay waxaa la dhisay 1936. Wuxuuna ka mid ahaa dhismayaashii uu dhisay maamulkii gumeystaha Talyaaniga. Waxaa uu daboolay baahi caafimaad oo jirtay wuxuuna yareeyey safaradii magalada Muqdisho daawada loogu aadi jiray,” ayuu yiri C /fataax Ibraahim Xaashi, oo tan iyo 2015-kii ahaa agaasimaha isbitaalka.

Mudane Cabdifataax, jaceel gooni ah ayuu u qabaa isbitaalka maadaama uu isla isaga ku dhashay 1981. Ka hor intaan loo magacaabin xilka agaasimanimada isbitaalka, waxaa uu la soo shaqeeyey hay'adaha samafalka ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jirto Hay’adda Qaramada Madoobay ee Baarista Miinada ee loo yaqaano “UNMAS”. Carruurnimadiisii, waxaa uu goobjoog u ahaa qaar ka mid ah dhibaatooyinkii soo maray isbitaalka gobolka Baay.

Sida xarumo kaloo badanba ku dhacday, isbitaalka waxaa saameyn ku yeeshay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991. Intii u dhaxeysay 1992-1999, gacan ku haynta maamulkiisa dhowr jeer ayuu isbedelay.

“Markii dagaalka sokeeye uu qarxay, xaruntii ugu weyneed ee caafimaadka magaalada Baydhabo waxaa waqtiyo kala duwan la wareegay dhinacyadii dagaallamayay. Dadkuna waxay bilaabeen inay daaweyn ka raadsadaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee deriska ah sida Nayrobi iyo Adhis- Ababa,” ayuu yiri Mudane Cabdifataax.

 Dilkii 1997-dii loo geystay dhakhtar ka tirsanaa dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee (MSF) oo ka shaqeynayey halkaas ayaa diiwaanka u gelisay xilliyo adag. Dhammaan taageeradii ka imaani jirtay Qaramada Midoobay iyo ururrada aan dawliga ahayn ee caalamiga ah waa la joojiyay.

Waxaa bilaabmey isbedel 2007. Hay'adda Talyaniga ah ee aan dawliga ahayn ee loo yaqaano “COOPI” ayaa u istaagtay inay taageerto isbitaalka, waxaana durbadiiba soo raacay kuwa kale sida Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo MSF-Holland.

Dib u cusbooneysiinta taageerada ayaa sababtay isbitaalka inuu dib u dhismo oo balaarto. Hadda, taageerada caalamiga ah ee iyaga iyo ururada kale ee aan dawliga ahayn uu ka helo isbitaalka waxaa ka mid ah agabka caafimaadka iyo daawooyinka, mushahaarka shaqaalaha iyo dhismayaal cusub.

 Dhawaan, Isbitaalka waxaa lagu kordhiyey laba dhismo oo cusub, iyo sidoo kale xarun qashinka lagu gubo oo gacan ka geysaneysa yareynta wasakheynta deegaanka. dhismayaasha cusub ee lagu soo kordhiyay waxaa si rasmi ah xariga uga jaray Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Mudane, C/casiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ bishii Diseembar 2020.

“MSF waxay dhowaan noo dhistay laba waaxood oo waasac ah, kuwaas oo kala ah qaybta dhalmada dumarka iyo daaweeynta Carruurta oo ay weheliso xarunta qashinka lagu gubbo oo ah meel si fudud u burburisa qashinka isbitaalka,” ayuu yiri Mudane cabdifataax.

 Dhammaan dadaaladani waxay ka caawiyeen isbitaalka inuu gaaro halka uu maanta joogo.

"Sanadkii 2020, Isbitaalka Gobolka Baay wuxuu qaabilay 6,551 qof oo bukaan socod ah, 8,820 qof oo helay daryeelka degdegga ah iyo 5,808 qof oo bukaan jiif ah," ayuu yiri Mudane Cabdifataax.

Shaqaale heegan ah

 Ka sokow taageerada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, maamulka isbitaalka waxaa uu shaqaalaha caafimaadka ku ammaanayaa guusha xarunta ay gaartay.

Mid ka mid ah waa Dr. Aadan Cabdiqaadir Nuur, dhakhtar qaliinka guud ah oo ka hawlgalaayey  isbitaalada laga so bilaabo 2012.

Waxaa uu ku dhashay magaalada Baydhabo sanadkii 1985, dugsiga hoose, dhexe iyo sare ayuu ka bartay magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisa dhaqtarnimo ka soo dhamaystay jaamacada Jilin ee magaalada Changchun ee dalka Shiinaha sanadkii 2011.

"Kadib waxaan ku soo noqday Soomaaliya si aan ugu adeego dadkayga," Dr. Aaden ayaa yiri sidaas.

 Rabitaankiisa ah inuu soo laabto oo u adeego dadkiisa ku nool dalka waxaa kalifay waaya-aragnimadiisa sannadihii colaadaha ee Soomaaliya.

“Sannadkii 2006, aniga iyo saaxibadeyda waxaan booqan jirnay isbitaalada magaalda Muqdisho si aan dhiig ugu deeqno. Isbitaalada waxaa buux dhaafiyay bukaanno qaba dhaawacyo badan oo ka dhashay dagaaladii qaraaraa ee u dhexeeyay dhinacyada is haayey. Marka, waa iska cadahay waxaan u doortay barashada xirfadda caafimaadka,” Dr. Aaden ayaa yiri.

Maalmaha dhakhtarkan qaliinka ayaa ah kuwa dheer oo dhib badan, inta badanna ay ka mid yihiin saacado qalliino culus ah, haseyeeshee, weli wuu ku dhiiranyahay inuu sii wado.

"Maalintaydu waxay ka bilaabmataa kormeeridda qaybaha subaxdii hore si aan dib ugu eego xaaladda bukaannada, waxaa ii xigto fulinta qalliinmada la qorsheeyey, kadibna waxaan aadaa qaybta loo yaqaano “ICU-da” si aan u qiimeeyo xaaladda bukaannada markale. Ka dhaqaatiir ahaan, mararka qaar waxaan shaqeeynaa saacado dheeri ah marka ay dhacaan qaraxyo ama dagaalo culus - laakiin aad ayaan ugu farxaa runtii, oo maalinta ayaa ii wacanaata markasta oo aan la kulmo bukaano caafimaaday.” Dr. Aaden ayaa sidaas yiri.