Khudbaddii furitaanka ee Ku-xigeenka Xoghayaha Guud uqaabilsan Arrimaha Siyaasadda ee Madasha Heerka-Sare ee Heer Wasiir ee Soomaaliya ee

19 Nov 2014

Khudbaddii furitaanka ee Ku-xigeenka Xoghayaha Guud uqaabilsan Arrimaha Siyaasadda ee Madasha Heerka-Sare ee Heer Wasiir ee Soomaaliya ee

Copenhagen - Mudane Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed,

Mudane Helle Thorning-Schmidt, Ra’iisul Wasaaraha Denmark,

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Waxaa sharaf ii ah in aan halkan idinla joogo maanta. Waxaan u mahad celinayaa dadka sida gacanta furan noo marti geliyay, Dowladda Denmark, iyo dhamaantiinba dadaalka aad ugu jirtaan Soomaaliya.

Waxaan salaan idinkaga sidaa Xoghayaha Guud, isagoo booqday Muqdisho bishii hore booqashadana uu ku wehliyay Madaxweynaha Bangiga Aduunka iyo saaxiibo kale oo badan kana socday gobolka – waa calaamad kale oo tusineysa wax qabadka sii balaaranayo ee sii qota dheeraanayo oo caalamku ka wado Soomaaliya.

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Mudada ka badan 30-ka sano ee aan ka shaqeynayay arrimaha caalamig ah weligay imasoo marin sanad lamid ah sanadka 2014. Waxaan aragnay dhibaatooyin qallafsan, colaad iyo darxumo bani’aadan oo ka dhacay Bariga Dhexe, Ukraine iyo Galbeedka Afrika.

Soomaaliya waxay kusoo baxday si taas ka duwan – dhibac ifeyso, iyo sameynta bog cusub oo xaga wanaaga ah.
Dabcan tani mecneheedu ma ahan in geedigu fududyahay. Markii uu la hadlayay Golaha Amaanka, Wakiilkeena Gaarka ah Nick Kay wuxuu ku tilmaamay waddan “kasoo toosaya/baraarugaya riyo/qarow naxdin leh”. Mugdiyadii hore ee Soomaaliya (ku jirtay) ayaa weli nagasii hor muuqda. Dunida soo kabanaysana waxay leedahay caqabadeheeda.

Laakin madashan inta ay socoto, si wadajir ah ayaan wax uga qaban karnaa caqabadaha, oo aan si saraaxo ah uga wada howlgeleyno – ayadoo indheheena furanyihiin, ayaan diiradda saareynaa tubta naga horreyso.

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Wax badan ayaa la xaqiijiyay tan iyo marki aan ku kulannay Brussels sanad uun ka hor.

Marka hore, Soomaaliya waxay tallaabooyin u qaaday xaga dhismaha maamul goboleedyada, kuwaa oo asaas u noqon doona dowlad federaal ah. Waxaan doonayaa in aan ugu hambalyeeyo saaxiibadeena Soomaaliyeed dadaalada ay wadaan ee u baahan geesinimo weyn iyo isu tanaasul ka yimaada dhamaan dhinacyada.

Waxaan ku faraxsanahay in aan halkan ku arko oo ay nala joogaan wakiiladi gobolada Soomaaliya oo ay kamid yihiin Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka socdo Puntland iyo Mudame Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka socdo Maamulka Kumeelgaarka Jubba. Shaqada aad wada leedihiin ee ku aadan dhismaha maamul loo dhanyahay oo dadka matala, ayaa fure u noqon doona mustaqbalka Soomaaliya iyo in laga mira-dhaliyo Heshiiskeena. Waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa in aan ballan qaado taageeradeena, iyo in aan idinku dhiirri-geliyo si gaar ah in aad dumarka uga qeyb gelisaan heer kasta shaqada aad qabaneysaan.

Marka labaad, ololihii ka dhanka ahaa Alshabaab horumar ayaa laga gaaray. Waxaan bogaadinayaa geesinimada iyo naf-huridda xoogagga amaanka ee Soomaaliyeed iyo AMISOM. Geesinimadooda iyo naf-hurnimadooda ayay uga kiciyeen Alshabaab goobohoodii ugu dambeeyay, waxaana uga tiirsannahay (ciidanka amaanka Soomaaliyeed iyo AMISOM) dhinaca adkeeynta amaanka iyo in la furo wadooyinki loo mari lahaa goobahaas bilaha soo socdo.

Waa in aan sii wadnaa taageerada Soomaaliya ee xagga xasilinta iyo dhisidda amni waara. Hab dhameystiran oo ah la dagaallanka argagixisada waa in uu kamid noqdaa arrimahaas.

Marka sadexaad, waxaan aragnay horumar laga gaaray xaga wax wadaqabsiga ee ku aadan hufnaanta maaliyadeed ayada oo loo maraayo Gudiga Maamulka Maaliyadda. Tani waxay muhiim u tahay kalsooni u sameynta dhaqaalaha Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba. Wax badan oo kale waa in la sameeyo. Laakiin maalgashiga dhaqaale ee caalamiga ah waa mid muuqdo oo soo kobcaayo.

Marwooyin iyo Mudanayaal,

Guud ahaan Soomaalioya waxay ku sugantahay xaalad ka wanaagsan tii ay ku jirtay waqti hore. Guulahaan waxay ka dhasheen wadashaqeyn istiraatiijiyadeed oo wax-ku-ool ah, heer caalami iyo madaxda federaalka ee Soomaaliyeed gudohooda, taas ayaana inagu beertay kalsooni iyo aaminaad.

Taasi waa sababta aan u dareensanahay murugo weyn oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee hadda taagan.
Wararka iyo muuqaalada ka jiray Muqdisho usbuucyadii lasoo dhaafay ma ahan kuwo cusub. Waxay na xasuusinayaan qarowgii hore: in dib loogu noqdo burburki siyaasadeed ee hore iyo natiijooyinkiisi – ballamo aan lagasoo bixin, fursado la lumiyo, horumar dib u dhac ka dambeeyo.

Tani ma ahan wixi dadka Soomaaliyeed ay weydiisteen madaxdooda. Mana ahan wixii ay daka Soomaaliyeed iyo saaxiibadood AMISOM ay u hureen naftooda. Beesha Caalamka ahaan, waxay gilgileysaa kalsoonidi aan qabnay ee ah qiimaha ay leedahay halista aan u geleyno Soomaaliya – jismi/maaddi ahaan, ciidan ahaan, dhaqaale ahaan.

Run ahaantii waxaa rajeynayaa in tani aanay noqon mustaqbalka Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed oo kaliya ayaa qaadi karo tallaabooyinka loo baahanyahay ee lagu xaqiijinaayo midnimo iyo xasillooni dowladda dhexdeeda ah, iyo in dib loogu noqdo horumarki loogu dhaqaaqayay wadada saxda ah.

Waxaan ku boorrinayaa Mudane Madaxweyne iyo dhamaan saaxiibadeena Soomaaliyeed in aad xaqiijisaan xal degdeg ah oo laga gaaro xasaradaha hadda taagan, adinka oo ballan qaad cusub sameeynaayo oo xagga midnimada, xasilloonida iyo gaarista ahdaafta ah, kuwaas oo aad ballan qaadeen.

Taa bedelkeeda, hadaan nahay saaxiibada caalamiga ah waa in aan sii wadnaa ku shaqeynta mabaadi’da wax wadaqabsiga ee aan ballan qaadnay, oo aan fulinnaa ballamihii Heshiiska (Hiigsiga Cusub).

Si wadajir ah ayaan dhamaanteen ugu baahannahay in aan si wanaagsan u hubinno in maalgashigeena iyo ballameheena ku aadan Soomaaliya ay la jaan qaadaan natiijooyinka la gaaro.

Heshiiska (Hiigsiga Cusub) oo aan maanta cusbooneysiin doonno wuxuu sii ahaan doonaa aaladda saxda ah. Waxaan rajeeynayaa in aan yeelanno wadahadal maanta anagoo ah wada-howlgalayaal. Aan si gaar ah u xasuusanno ballanqaadkeeni ahaa in Hiigsiga Cusub uu yahay mid garab taagan dadka Soomaaliyeed, manaafacaadkiisana ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. Annagu waxaan ku caawineynaa sidii dhidibada loogu aasi lahaa dimoqoraadiyadda, xasiloonida iyo baraaraha kuwaa oo noloshooda ay dib ugusoo hagaajinayaan.

Waxaan idiin rajeynayaa shir-weyne mira-dhal ah.