Ka fal-celinta COVID-19 ee Soomaaliya: Xaalad adag oo wajeheysa dadka Soomaaliyeed ee naafada ah 'inta lagu guda jiro safmarka ba'an

14 May 2020

Ka fal-celinta COVID-19 ee Soomaaliya: Xaalad adag oo wajeheysa dadka Soomaaliyeed ee naafada ah 'inta lagu guda jiro safmarka ba'an

Mogadishu – Masiibada caalamiga ah ee Coronavirus (COVID-19) ayaa saameyn aad u weyn ku yeelatay dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed, iyadoo taabatay cid casta.

Laakiin, waxaa jirta hal koox oo uu sigaar ah saameyn ugu yeeshay fayrasku: dadka naafada ah. Qaar ka mid ah kooxaha bulshada rayidka ah ayaa isku dayaya in ay arrintaas wax ka qabtaan.

“Waad fahmi kartaa saameynta uu COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha. Dadku hadda waa ay cabanayaan, waxa ayna dhibaatada dareemi doonaan xitaa marka laga adkaado fayraska, ”ayuu yiri agaasimaha iyo aasaasaha Shabakadda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed (SODEN), Maxamed Faarax.

“waxa uu sii raaciyay, “dadka naafada ah waxay noqon doonaan kuwa dhibaatadu ku sii badato. Qiyaas inta badan dadka naafada ah waxay ku tiirsan yihiin taageerada qoyska iyo dawarsiga jidadka - qiyaas waxa ku dhici doona haddii aysan helin taageero.

Soomaaliya gudaheeda, waxaa lagu qiyaasaa in boqolkiiba 15-20 ay ka yihiin bulshada – ku dhawaad 1.5 milyan oo qof - ayaa la nool naafanimo, sida lagu sheegay warbixin 2014 ka soo baxday Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA). Xitaa ka hor masiibada COVID-19, dadkaani inta badan waxay ahaayeen kuwo bartilmaamed u ah takoor, taasoo adkeysay inay helaan daryeel caafimaad, mid waxbarasho iyo adeegyada kale ee bulshada.

Kuwa aadka u nugul

Welwel gaar ah oo ay qabaan kooxaha bulshada rayidka ahi waa tallaabooyinka iyo tilmaamaha shaqsiyadeed ee lagu taliyey in looga hortaga masiibada inaysan u dabcin dadka naafada ah - oo badankood horeba u nugulaa. Tusaale ahaan, tillaabooyinka ka hortagga ah sida agab gacmeedka gacanta

lagu qaadi karo oo ay hagaajiyeen masuuliyiinta maxalliga ah ee Muqdisho uma sahlana in ay isticmaalaan dad naafadaha ah ee adeegsada kuraasta naafada.

“Farriimaha ugu badan ee ololaha waxaa loogu talagalay dadka aan naafada aheyn. Tusaale ahaan, kala fogeynta bulshada loolama jeedo dadka naafada ah, maxaa yeelay waxay ku tiirsan yihiin taageerada dadka kale marka ay dhaqdhaqaaqayaan,” ayuu yiri Cabdifatax Xassan Cali, oo ah Agaasimaha Digital Shelter, oo ah hay'ad ka shaqeysa u doodista xuquuqda dijitaalka iyo kor u qaadista dijitaal aamin ah.

Xitaa helitaanka macluumaadka dadweynaha ee ay soo saareen mas'uuliyiinta ayaa caqabad ku ah Soomaalida naafada ah. Sababo la xiriira bandowga, dad badan oo naafo ah ayaa laga xiray ilaha macluumaadka, kuwaas oo badidoodu horeba ay ugu liiteen helitaanka tikniyoolajiyada dijitaalka ah si ay u helaan macluumaad waxtar leh.

“Saamaynta ay ku yeelanayso dadka naafada ah waa mid aad iyo aad u xun. Waxaa laga saaray ololihii wacyigelinta. Waa kooxda inta badan laga saaray dijitaalka, ”ayuu yiri Mudane Cali.

Sida laga soo xigtay SODEN, oo u doodda xuquuqda iyo xoojinta dadka naafada ah, waxaa jiray shan qof oo Soomaali ah oo naafo ah oo u geeriyootay COVID-19 intii u dhaxeysay 16-kii Maarso iyo 25-kii Abriil magaalada Muqdisho oo keliya.

"Waxay ahaayeen kooxaha nugul ee bulshada Soomaaliyeed ee aan heli karin adeegyo daryeel caafimaad oo wanaagsan inta lagu jiro xaaladda uu sababay CVIDID-19. " ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay 26 Abriil SODEN.

Waxay intaas raacisay in xaalada Soomaaliya ay adagtahay. Sida waddamada kale, waxay wajaheysaa caqabado aad u weyn marka loo eego jawaabta masiibada, laakiin waxay leedahay caqabado dheeri ah oo ka dhashay sannado badan oo colaado sokeeye iyo iskahorimaadyo ah, waxayna ilaa iyo hadda Soomaaliya xoogga saareysaa dib-u-dhiska.

Waqtiga Ramadaanka

Xiriirka ka dhexeeya bisha barakeysan ee Ramadaan iyo COVID-19 wuxuu kaloo soo bandhigay dhibaatooyin caawinta u baahan ee heysta dadka naafada ah - gaar ahaan helitaanka agabyada ay u baahan yihiin sida cuntada iyo dharka iyo sidoo kale in laga caawiyo waxyaabaha muhiimka ah ee bishan la xiriira, maadama ay ku sugan yihiin xaalad adag.

“Maaddaama dukaamadu ay xirnaayeen inta lagu jiro bishaan, qoysaskuna ay keydsadeen cunno ay ka mid yihiin cunto fudud, qudaar, iyo cabitaannada loo baahan yahay si loogu afuro - dadka naafada ah ayaa weli ah xubnaha bulshada ugu baahida badan,” SODEN ayaa sidaa tiri, iyadoo codsaneysa gargaar la siiyo dadka naafada ah inta lagu jiro ka fal-celinta COVID-19 iyo Ramadaan-ka.

Kooxdan ka tirsan bulshada rayidka ah waxa ay ku baaqeysaa in dadkan la siiyo deeqo ka kooban xirmooyin kaalmo ah oo loogu talagalay Ramadaanka.

“Ilaa hadda, SODEN, oo kaashanaysa Abilis Foundation oo ka socota Finland, ayaa raashin u qaybineysay dadka naafada ah iyo kooxaha kale ee nugul ee ku jira xeryaha dadka barakacay ee Muqdisho. Waxaan wax gaarsiinay 81 qoys, ”ayuu yiri Mudane Faarax. "Way adagtahay in hal meel la iskugu keeno, sidaa darteen waxaan ugu tagnay guryahooda."

Khatar aad u sarreysa

Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) wuxuu sheegay in COVID-19 uu yahay tijaabo bulsho, dowlado, iyo mid shaqsiyadeed, isagoo intaa ku daray in la joogo waqtigii wada-shaqeyn iyo iskaashi si wax looga qabto fayraska, si loo yareeyo waxyeellada, inta badan lana qaado tallaabooyinka lagu joojinayo faafitaanka fayraska.

Gaar ahaan, dadka laxaadka la ', OHCHR waxay sheegtay inay qatar ugu jiraan COVID-19, jawaabaha ay bixinayaan maamuladu ee looga hortagayo cudurkan waa in ay kujiraan dadka naafada ah.

Hay'adda Qaramada Midoobay waxay sheegaysaa in kala fogeynta bulshada, keli ahaanta iyo talaabooyinka kale ee deg degga ah ay u baahan yihiin inay tixgeliyaan baahida dadka naafada ah ee ku tiirsan taageerada ururada muhiimka u ah jiritaankooda. Sidoo kale, mas'uuliyiintu waa inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu dammaanad qaadayo sii wadidda taageerada shabakadaha caaawiya dadka naafada ah inta ay dhibaatadu jirto.