Kaaliyaha Xoghayaha-Guud u qaabilsan arrimaha siyaasadda ayaa ku boorriyay Soomaaliya in ay sii waddo geedi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhisidda

25 Aug 2017

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud u qaabilsan arrimaha siyaasadda ayaa ku boorriyay Soomaaliya in ay sii waddo geedi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhisidda

 

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Mudane Jeffrey Feltman ayaa booqasho ku tegay Soomaaliya 24-25 Agosto. Intii uu ku guda jirar booqashada, oo uu ku wehliyay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Michael Keating, ayuu wadahadal la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. 

“Ballan-qaadka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku ballan-qaadday wax u qabashada dhamaan dadka Soomaaliyeed waa arrin aad loogu riyaaqo” ayuu yiri Mudane Feltman. “Ballan-qaadyadaas waxaa ku jira shaqo abuur, kaabayaasha dhaqaalaha, la-dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta adeegga rayidka iyo horumarinta amniga.” Wuxuu Dowladda Federaalka ah ku boorriyay wax ka qabashada arrimaha aadka muhiimka ugu ah guul ka gaarista geedi-socodka nabadaynta iyo dowlad dhisidda, oo ay kamid tahay horumarinta iyo soo afjaridda geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka, si loo amba qaado [hanaanka] federaalka ee dalka. Diyaargarowgu waa inuu hadda billowdaa si loogu gogol xaaro doorasho dadweyne oo leh halbeeg caalami ah oo dhacda marka la gaaro 2020/2021.

Mudane Feltman wuxuu carrabka kusii adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta habka isla-xisaabtanka si wax looga qabto loogana hortago xadgudubyada [ka dhanka ah] xuquuqul insaanka. “Sidoo kale, waxaan ku boorrinaynaa Dowladda Soomaaliya inay xaqiijiso wadahadal iyo ka-qaybgal wax-ku-ool ah oo haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tira badanyahay ay ka-qaybgalaan geedi socodka siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta,” ayuu yiri.

Isagoo bogaadinaya dadaallada AMISOM iyo ciidanka amniga ee Soomaaliyeed ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa Mudane Feltman wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kordhiyo dadaallada lagu horumarinaayo ciidamada amniga Soomaaliyeed ee sida isasoo taraysa u xoogeysanaya. Tani waxay dowr muhiim ah ka cayaari doontaa fududaynta wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee laga wareejinayo AMISOM laguna wareejinayo [hay’adaha] Soomaaliyeed, iyo xaqiijinta amniga ee muddada fog. “Muhiimadda ay leedahay taageerada Midowga Afrika, iyo dowrka AMISOM ay ka cayaarayso nabadaynta Soomaaliya ma ahan wax la yaraysan karo,” ayuu sheegay Mudane Feltman.

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Qaramada Midoobay ee Dowladda Federaalka ah, iyadoo ay gacan ka geysanayaan saaxiibada muhiimka ah ee caalamiga ah, taageeradaas oo ku aaddan hirgelinta qaab-dhismeed Amni Qaran oo caqli gal ah iyo hab dhamaystiran oo loo wajoho siyaasadda taas oo ay ku jiraan la-dagaallanka xagjirnimada gacan ka-hadalka leh iyo horumarinta maamulada deegaannada.