Kelmedihii uu Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan magaalada Kismaayo uga jeediyey warbaahinta

31 Jan 2021

Kelmedihii uu Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan magaalada Kismaayo uga jeediyey warbaahinta

Galab wanaagsan, Md. Madaxweyne.

Waxaan rabaa in aad ku bilaabo in idiinka mahadceliyo , adiga – madaxweyne Axmed Maxamed Islaan ‘Madoobe’ iyo kooxdaada soo dhaweynta diiran ee aad halkan Kismaayo iigu sameyseen maanta.

Waxaa halkan igu weheliya qeybo kala duwan oo ka mid ah qoyska QM ee Soomaaliya – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunada Aduunka, Cesar Arroyo; Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Hay’adda QM ee Qaxootiga, Johann Siffointe; Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Aduunka, Dr. Mamunur Rahman Malik; Md. Andrew Read oo ka socda Hay’adda QM u qaabilsan Beeraha ahna Isuduwha Kalluumeysiga Soomaaliya.

Kuwani waaa qeyb yar oo ka mid ah 15-ka hay’adood ee ka hawlgala, una taageeraan dadka.

Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta joogno Kismaayo. Waxa ay u dambeysaa booqashooyin aan ku tegeynay dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka ee Soomaaliya bilowga 2021. Waxaan u nimid in aan kala hadalno madaxweynaha iyo kooxdiisa shaqada ay Qaramada Midoobay halkan ka wado ee ay ku taageereyso Juballand 2021-ka iyo wixii ka dambeeya.

Barnaamijyada kala duwan ee halkan ka socda, dadaalada QM waxaa ka mid ah taageerada la siiso caafimaadka iyo badqabka aas aasiga ah, kobcinta dhaqaalaha iyo ilaalinta dadka kuwooda ugu nugul.

Waxaan rabaa in aan idinla wadaago dhawr tusaale  kuwaas ka mid ah.

Barnaamijka Cunada Aduunka waxa uu ka shaqeynayey xoojinta sida ay bulshada reer Jubbaland ugu babac dhigi lahayaeen daadaadka, cunta yarida iyo masiibooyinka kale. Shaqooyinkan horumarineed waxaa ka mid ah, barnaamijka nidaamka cuntada iyo badqabka.

Waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada gargaar ee mudada dheer ka socday Jubaland – halkaas oo ay Hay’adan Cunada ku taageerto dad gaaraya 400,000 (Afar Boqol oo kun) oo ay cunto yari hayso, u fidiso barnaamijyo nafaqeyn ah iyo raashinka Dugsiyada (Schools). Iyo, waxaa jira fiiro gaar ah oo ay u yeelato nafaqeynta hooyooyinka iyo carruurta da’da yar.

Tusaale kale oo ka mid ah shaqada uu Barnaamijka Cunada Aduunka halkan Kismaayo ka hayo waa dayactirka Dekedda Kismaayo. Barnaamijka Cunada Aduunka waxaa soo saaray qalfoof ka haray laba markab oo quusay  kuwaas oo maridda Badda caqabad ku ahaa.

Qalfooftaas meesha laga saaray waxa ay sahli doonaan saadka gargaarka bani’aadannimo ee soo mara Dekadda, laakiin sidoo kale waxa ay fursad muhiim ah u tahay horumarinta adeegga dhaqaale ee Jubaland.

Ay’adda Caafimaadka waxa ay si dhaw ugala shaqeysaa Wasaaradda Caafimaadka ee Jubaland, iyo midda heer Federal, si loo xaqiijiyo in dadka Jubaland fursad fiican u helaan daryeelka caafimaad.

Dabcan tani waxaa qeybka ah in gacan laga geysto ka jawaabidda COVID-19. Lakiin, WHO, bilooyinkii dambe waxa ay sidoo kale mashquul ku ahayd gacan ka geysashada ol’olihii ballaarnaa ee tallaalka. Waxaa ka mid ahaa ol’olihii dabeysha ee 11-ka degma ee la tegi karay lagu gaaray carruur gaareysa 300,000 (Saddex Boqol oo Kun). Iyo, bishii Oktoobar ee sanadkii hore, Hay’adda Caafimaadka Aduunka waxa ay sidoo  halkan Kusmaayo ka sameysay ol’ole tallaalka jadeecada ah, halkan (Kismaayo oo ah goob ay jadeecadu ku xoogan tahay, waxaa ay ka tallaashay carruur ka badan 56,000 (Konton iyo Lix Kun).

Hay’adda Beeralaha iyo Cuntada (FAO) waxa ay gacan ka geysatay dhisidda hay’ad kalluumeyso. Taageeradan waxaa ka mid ah qaabeynta iyo dhisidda 16 doomo kalluumeysi iyo bixinta agab casri ah iyo tababbaro buuxa.

FAO waxa ay sidoo kale bixisay mashiinada looga faa’iideysto tamarta la cusbooneysiin karo iyo tallaagado qaboojiyeyaal ah, kuwaas waxa ay horumariyeen soo jillaabidda kalluunka iyaga oo yareeyey kalluunka xumaada, sare u kaca qiimaha kalluunka iyo waliba waxa ay waxtar ku kordhisay  sugnaanta cuntada ee Jubaland.

UNHCR, hay’adda qaxootiga, waxa ay taageertaa dadka soo laabtay, kuwa gudaha ku barakacay iyo bulshada dib u dejinta ugu sameeyey guud ahaan Jubaland. Waxyaabaha ay qabatay 2020 waxaa ka mid ah, dhisidda in ka badan  1,000 (Kun) xirmo guryo ah iyo kaabeyaal kale oo ay dhistay dadka soo laabanaya, sidoo kale waxa ay taageertay dadka ku nool guryaha uu saameeyey daadka. UNHCR waxa ay sidoo kale gacan siisay in ka badan 28,000 (Sideed iyo laabatan kun) oo arday si sare loogu qaado tirada is qorta, gaar ahaan gabdhaha.

Markale, kuwaani waa uun qaar ka mid ah tusaaleyaasha – laakiin, waxa ay ka bixinayaan sawir guud taageerada qoyska QM, iyo waxa aan rejeyneyno in aan ka sii ambaqaadno anaga oo dhageysaneyna waxa ay mas’uuliyiinta Jubbaland rabaan mustaqbalka iyo waxa ay rejeynayaan Qaramada Midoobay, xilli aan sugeyno in aan hore u wadno iskaashigeena dhaw.

Madaxweyne Axmed Islaan iyo aniga waxaan sidoo kale isla gorfeynay xaaladda siyaasadda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.

Qaramada Midoobay waxa ay ka mid ahayd saaxiibadii caalamka ee soo dhaweeyey dabayaaqadii toddobaadkii hore soo xulistii Kooxda Hirgalinta Doorashooyinka ee heer Dowlad Gobolleed.

Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa ku dhawaaqistii Shirka Wadatashiga Qaran ee uu Dhuusamareeb kula yeelano madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo’ hoggaamiyeyaasha Dowlad Gobolleedyada 13-ka Febraayo.

Waxaan soo dhaweyneynaa doorka madaxweynaha ee qabashada shirkan waxaana ku baaqeynaa in ka qeybgalka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka iyo Dowladda Federalka uu noqdo mid wax dhisaya, iyada oo ay jirto ruuxiyad isu tanaasul si loo wada gaaro heshiis lagu fulinayo nidaamkii doorasho ee 17-kii Sebteembar.

Iyada oo ay doodahaas ka mid tahay, waa muhiim in tanaasul  ku saabsan maamulka iyo amniga Garbahaarey loo sameeyo si loo xaqiijiyo in habraaca doorashada uu ugu dhaqan galo iyada oo uu saldhig u yahay heshiiskii  17-ka sebteembar. Waxaan rejeyneynaa in doodahaas horumar dhalo waxaana ku baaqeynaain ay dadaalada sii socdaan.

Madaxweynaha iyo aniga waxaan sidoo kale isla soo qaadnay dagaaladii gudaha iyo hareeraha Balad Xaawo ka dhacay 25-kii Janaayo, waxaan tacsi u diray qoysaskii ku waayey kuwii ay jeclaayeen oo ay ka mid yihiin muwaadiniinta aan waxba galabsan iyo tirada carruurta ah. Waxaan ku nuux nuuxsadan in waqtigani yahay waqtigii is xakameynta iyo in xaalada colaadeed la joojiyo, iyo taasi ay u hoggaansamaan kuwii qeybta ka ahaa dagaaladii dhawaan.

Markale, mudane madaxweyne aad ayaan adiga iyo kooxdaada uga mahacelinayaa waqtigiina iyo soo dhaweynta diiran, Waxaan sugeynaa in aan si wadajir ah adiga iyo kooxdaada u wada shaqeyno si aan mustaqbal kan ka wanaagsan ugu dhisno bulshada reer Jubaland sanadka 2021 iyo wixii ka dambeeya.