Kulan dawlada hoose ah, ayuu khabiir QM ka tirsan ku iftiimiyay xalka caqabadaha ay keentay kobaca magaalooyinka ee Soomaaliya

21 Oct 2018

Kulan dawlada hoose ah, ayuu khabiir QM ka tirsan ku iftiimiyay xalka caqabadaha ay keentay kobaca magaalooyinka ee Soomaaliya

Muqdisho - Kulan ay yeesheen mas'uuliyiinta dawladda hoose ee Soomaaliya, ayaa khabiir sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay uu muujiyey baahida loo qabo xal waara oo deg deg ah laga gaadho caqabadaha ka dhashay magaalaynta deg dega ah ee Soomaaliya.

Waddankan ku yaala Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay dalalka ugu horeeya korintaanka magaaleynta ee caalamka, qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha oo magaalooyinkiidii ku laabanaya ay yidhii ay sabab u yihiin in dadka miyigu u guuraan magaalooyinka.

"2.6 milyan oo Soomaali ah ayaa gudaha ku barokacay - waa tiro aad u badan marka la eego guud ahaan tirada guud. Tani waa caqabad bani'aadamnimo oo aad u ballaaran, laakiin sidoo kale waxay saameyn aad u weyn ku leedahay horumarka dalka iyo ugu dambeyntii ammaanka, dhismaha dawladnimadda, "ayuu yidhi Walter Kaelin, oo ah La-taliyaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Barakacayaasha gudaha.

"Haddii aan xal waara loo helin dadkaas, waxaan u maleynayaa in ay adagtahay in Soomaaliya ay hore-u-marto," ayuu raaciyay.

Khabiirka Qaramada Midoobay ayaa ka hadlayey rajooyinka ku aadan 'Xalalka Gudaha ee Barakacayaasha Magaalooyinka', kulanka saraakiisha dawladda hoose, wakiillada ururada bulshada rayidka ah iyo khabiirada Qaramada Midoobay si ay u falanqeeyaan doorka maamulka dawlada hoose ee xal u helida dhibaatooyinka magaalooyinku keeneen.

Kulankan oo ka dhacey Magaalada Muqdisho, wax aka qaybgalay duqa magaalada, iyo sidoo kale duqa magaalooyinka Baydhaba iyo Bosssaso ee gobolada bay iyo Bari.

Soomaaliya, in ka badan hal milyan oo rag, haween iyo carruur ah ayaa ku nolol barakacnimo oo ay ka dhaxleen colaadihii dalka ka dhacay, boqolaal kun oo qof ayaa la rumeeysan yahay in ay abaaraha awgood ay ku barokaceen.

Dhaqdhaqaaqa baaxada leh ee bulshada miyigu ugu soo wareegayso magaalooyinka ayaa caqabado cusub ku soo kordhiyey bulshada Soomaaliyeed, kaliya maaha arrimaha dhismaha iyo qaab nololeedka tuulooyinka ama magaalooyinka, laakiin sidoo kale waxa ay cadaadis dheeraad ah ku hayaan bulshooyinka martida loo yahay oo naftooda la halgamaya khayraadka xaddidan.

Meelaha laga welwelsan yahay waxaa ka mid ah bixinta adeegyada asaasiga ah, abuurista fursadaha nololeed, helida iyo xuquuqda aasaasiga ah ee lahaanshaha dhulka iyo guryaha; dhawrista iyo xuquuqda barakacayaasha iyo inay helaan cadaalad.

"Waxa muhiim ah in laga fekaro mawjadaha barakacayaasha muddada dheer iyada oo isbedelada magaaleynta ee dalku uu marxalado kala duwan soo maray sanadihii lasoo dhaafay, iyo in isbedelkani yahay mid sii socon doona”  ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Soomaaliya u qaabilsan, Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP), George Conway, oo ka hadlay kulanka.  

"Isbedelka cimilada ee Soomaaliya dartiis," ayuu sii raaciyay, "waxaynu dhamaanteen aragnay in dadka miyigu si aad ah ugu soo guurayaan magaalooyinka loona baahan yahay in magaalooyinku kordhiyaan fursadaha gurgeynta, kobcinta adeegyada aasaasiga ah, iyo fursadaha shaqo oo loo sameeyo dadka kusoo biiraya magaalooyinka”

Si wax looga qabto dhibaatooyinka soo jiitamay ee barakacayaasha iyo arrimaha ku xeeran, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Qaramada Midoobay iyo haayadaha kala duwan ee kale waxay ka wada shaqeynayeen “Helida Xalal Waara”, hawshan oo ah barnaamij bilaabmay sanadkii 2015. Barnaamijkan oo ay hogaaminayso Dawalada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa nidaamkan ka dhigtay mid la jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka si loo gaadho u jeedada ah in si wadajir ah loo wada sameeyo hanaan iyo barnaamijyo lagu gaadhayo xalal waara.

Mr. Kaelin waa Khabiir arrimaha barakacayaasha, wuxuu lataliye dhanka barakacayaasha gudaha u qaabilsan yahay, Isuduwaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda, Peter de Clercq.