Kulan lala yeeshay madaxda nabadaynta ee Qaramada Midoobay oo lagu muujiyay muhiimadda doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan dadaallada nabadaynta

16 Sep 2019

Kulan lala yeeshay madaxda nabadaynta ee Qaramada Midoobay oo lagu muujiyay muhiimadda doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan dadaallada nabadaynta

Muqdisho, 15 Sebtember 2019 - Wakiilada dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa dhawaan loo sheegay muhiimadda ay qaramada midoobay siinayso doorka dhalinyarada ee dadaallada nabadeynta dalka, iyo sida, ka qeybgalintooda siyaasadda ay u xoojin karto arintaan.

Xubnaha gudiga latalinta dhalinyarda ee xafiiska qaramada midoobay ee soomaaliya ayaa dhageysanayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Taageerada Nabadda, Oscar Fernandez-Taranco oo u joogay Soomaaliya si uu goobjoog uga ahaado xariirka u dhaxeeya dadaaladda gargaarka bini'aadminimo, kuwa dhisidda nabadda iyo kuwa horumarineed.

“Xaqiiqda ah in laidiin doortay inaad metelaysaan deegaan balaadhan, waxay ka tarjumaysaa sida qaramada midoobay, wakiilka xoghayaha guud ee soomaaliya iyo kooxdiisu uga faa iidaysan karaan caqligaaga, kaqeybgalkaaga iyo fikradahaaga kusaabsan waxa UN ay qabaneyso iyo waxa ay tahay iney xooga saarto” Mr. Fernandez-Taranco ayaa ka sheegay kulankooda.

A member of the UN Youth Advisory Board asks a question during a meeting with Oscar Fernandez-Taranco, the UN Assistant Secretary-General for Peacebuilding Support, and James Swan, the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, in Mogadish

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa intaa ku daray in waddan sida Soomaaliya ah - oo qiyaastii boqolkiiba 80 dadku ay da'yar yihiin, halkaasoo shaqo la’aanta dhallinyarada ay aad u sarreyso, saameynta abaaraha iyo iskahorimaadkuna ay u horseedeen barokac iyo u hayaamida magaalooyinka - waxay heleen fursad qaas ah oo ay ku qaabeeyaan gaarsiinta barnaamijyada dhalinyarada.

Guddiga La-talinta Dhallin-yarada ayaa dhowaan la aasaasay ka dib markii lagu magacaabay hanaan furan. Waxay ka kooban yihiin 18 dhalinyaro ah, sagaal haween ah iyo sagaal rag ah oo ka kala yimid daafaha dalka, waxaana loo sameeyay inay ka talo bixiyaan nidaamka Qaramada Midoobay arrimaha dhalinyarada ee Soomaaliya. Goluhu waxaa uu ujeeddadkiisu yahay in la xoojiyo lashaqeynta qaramada midoobay ee dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kaqeybgalkooda geeddi-socodka siyaasadeed iyo dadaallada dib-u-dhiska oo qayb ka ah ajendaha Caalamiga ah ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga. Ajandaha waxaa lagu mataaneeyay qaraarkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee ahaa 2250, kaas oo la qaatay sanadkii 2015 islamarkaana adkeeyay ahmiyada dhalinyarada si ay wakiilo isbedel ugu noqdaan ilaalinta iyo kor u qaadida nabadda iyo amniga.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa kulanka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay, James Swan.

Qramada midoobay oo ka faaideysa dhalinyarada

Mr. Fernandez-Taranco wuxuu xubnaha guddiga u sheegay in UN ay danaynayso “Ka faa'iideysashada aqoonta aad ka haysataan bulshadiina iyo gobollada aad ka soo jeedaan, khibradiina, xirfadiina ama abaabuliddiina bulshada”

Intii lagu jiray kulankooda, dhallinyardu waxay soo jeediyeen aragtiyo kala duwan iyo talooyin laxiriira siyaasada, barnaamijyada waxbarashada, xoojinta haweenka, dadka naafada ah iyo dhisida nabada, iyo kuwo kale.

Shaima Sallal Maxamed oo ah xubin katirsan gudigga aasaasana ka ah Xarunta Ciyaaraha ee Gabdhaha, oo ah urur la dagaallama xadgudubka ku saleysan jinsiga isla markaana kor u qaadaya waxbarashada gabdhaha da'da yar iyo haweenka, taa oo loo marayo hanaanka isboortiga, ayaa sheegtay in xubin ka noqoshada Guddiga La-talinta Dhallinyardu ay u oggolaatay in ay noqoto codka dhalinyarada kale ee Soomaaliya.

Xubin kale oo ka tirsan guddiga, Jamila Maxamed Xasan oo ka soo jeeda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa muujisay sida ay haweenku uga qeybqaadan karaan dib-u-dhiska, iyada oo ay xustay “Haweenku waa hoggaamiyeyaasha bulshada waxayna si weyn wax uga geysan karaan helitaanka nabadda”

Baahida loo qabo in la helo qoondada dhalinyarada ee baarlamaanka, taa oo  fududeenaysa in dhalinyarada lagu daro geedi socodka go'aan qaadashada dalka, ayaa sidoo kale kamid ahaa qodobada ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay.

Dhiniciisa, Mr. Swan wuxuu u sheegay kaqeybgalayaasha in ay muhiim tahay in fikirka UN-ka, barnaamijyada, iyo go'aamada uu noqdo mid ku salaysan ogaal iyadoo lala tashanayo dhalinyarada lana dhageysanayo fikirradooda.

“Waxaan rajeyneynaa annaga oo u mareyna Guddiga La-talinta Dhallin-yarada in aan heli karno isfaham wanaagsan oo ku saabsan waxa ay dhallinyarrada waddanka oo dhami ku fikirayaan iyo waxa ay rumeysan yihiin in aan fahanno” ayuu yidhi.