War-murtiyeedka Shirka koowaad ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya

20 Oct 2015

War-murtiyeedka Shirka koowaad ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya

WAR MURTIYEED

KULAN WEYNAHA KOOWAAD EE MADASHA WADATASHIGA QARAN


1. Kulan weynaha koowaad ee Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayey hannaanka doorashooyinka 2016ka ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay 19 -20 Oktoobar 2015.

2. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah Mudane Maxamad Shikh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul-wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmad Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirro iyo Xubno Ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, wakiillo ka socda Dawlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Gudoomiyaha Gobolka Shabeeeleda Dhexe iyo xubno metelaya Bulshada Rayidka ah, iyo wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka daahfuray ayaa mar kale hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Dawladda Federaalka xaqiijinta wadatashi daah furan oo loo dhan yahay. Kulamadaas oo ay ka soo bixi doonto hannaan doorasho oo dhacda 2016, iyada oo aan muddo kordhin lagu samaynin hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta Dawladda Federaalka ah.

4. Ergada Madasha Wadatashiga Qaran waxay isku raacday habraac hawlfulineed (Facilitation Guide) oo tilmaamaya hannaanka uu wadatashigu u dhacayo iyo soo jeedimaha kala duwan ee doorashooyin ku dhici karaan 2016-ka.

5. Ergada Madasha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen in duruufta haatan lagu jiro aysan saamaxaynin isla markaana suuragal ahayn in la qabto doorasho qof iyo cod ah sannadka 2016-ka, laakiin la qaban karo doorasho dadban (taas oo ah wixii ka baxsan hal qof iyo hal cod).

6. Waxay ergadu isku raaceen in loo baahan yahay wadatashi dheeri ah oo qaybaha kala duwan ee bulshada lala yeesho, sida dhallinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka, culimadda, ganacsatada, aqoonyahannada iyo dadka laga tira badan yahay. Kulamadaas wadatashi waa in ay ka dhacaan deegaanada Dawlad Goboleedyada, Maamullada dhismi doona, waana in ay ka qaybgalaan dadka ka soo jeeda Beelaha Somaliland. Waa in sidoo kale la helaa qaab lagula tashanayo qurbojoogta Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool si loo xaqiijiyo in la maqlo codka shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

7. Madasha Wadatashiga Qaran waxay ku celinaysaa ujeeddadii ahayd in mar kale ay shir isugu yimaadaan bisha Diisembar dhexdeeda, si ay uga baaraan-degaan natiijada ka soo baxda wadatashiga dadwaynaha, go’aan wadajir ah oo wadar oggol ahna (consensus) uga gaaraan qaabka (model) ugu habboon ee doorasho lagu geli karo sannadka 2016-ka.

8. Ergadu waxay ku boorriyeen guud ahaan Soomaalida iyo inta taladu ka go’do in ay fursaddaan ka faa’iidaystaan si firfircooni lehna uga qayb-qaataan hawlaha wadatashiga. Waxa kaloo ergadu ay hoosta ka xarriiqeen in aan loo dulqaadan doonin cid walba oo isku dayda carqaladaynta geeddi-socodka lagu raadinayo dhismaha nabadda iyo Dawladnimada Soomaaliya.

9. Ergadu waxay u mahad naqayaan xubnaha Guddiga Hawl-fulinta Madasha (Task Force) iyo Guddiga Taakulaynta Farsamo (Technical Support Team). Kuwaas oo gacan ka geystay isku dubaridka iyo diyaarinta hawlaha Madasha. Ergadu Waxa ay sidoo kale taageereysa sii wadidda hannaanka wadatashi oo ay hoggaaminayaan Guddiga Hawl-fulinta (Taske Force) iyo Guddiga Taakuleynta Farsamo (Technical team).

10. Madasha Wadatashiga Qaran waxay soo dhowaynaysaa taageerada buuxda ee Beesha Caalamku la garab taagan-tahay hawlaha Madasha. Ergadu waxa kale oo ay u mahad celineysaa dhamaan cid kasta oo gacan ka geysatay habsami u socodka shirka.


Eebbe ayaa mahad iska leh
Muqdisho, 20 October 2015