Fariinta Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ee Xoghayaha Guud ee QM

21 Sep 2015

Fariinta Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ee Xoghayaha Guud ee QM

Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ee sannadkan ayaa ku soo beegmaysa xilli rabshado laayaan ah iyo dagaallo ay xasilooni darro ka abuurayaan dunida. Halkii aanu quusan lahayn, waxaa na saaran mas'uuliyad wadareed si aanu u dalbanno in la joojiyo arxan-darrada iyo xisaabtan la'aanta jirta.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada dagaallamaya inay hubka dhigaan oo ay dhawraan xabbad-joojintan caalamiga ah. Iyaga waxaan ku leeyahay: joojiya dilalka iyo burburka, oo meel u banneeya nabad waarta.

In kasta oo ay u muuqato rajo la'aan fog, misna riyada nabaddu iyada ayaa dhaqaajisa nolosha dadka meel kasta. 

Ma jirto koox uga diyaarnimo badan inay gacan ka gaysato xaqiijinta riyadan marka loo eego dhalinyarada maanta. Waxay ka mid yihiin jiilkii ugu weynaa ee taariikhda soo mara, ka war iyo xidhiidh badan intii hore. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dowladaha inay sameeyaan maalgelin ballaaran si ay u xaqiijiyaan tabarucaadka baaxadda leh ee ay yeelan karaan dhallinyarada nabadda dhisa ee adduunka. 

Isla mar ahaantaana, waxaan u baahannahay inaanu abaabulno dhammaan saaxiibbada wadaaga yoolka nabadda. Ururrada aan dawliga ahayn, kooxaha diinta ku salaysan iyo shirkadaha dhammaantood waxay leeyihiin door ay ku leeyihiin kobcinta horumarka bulshada, ilaalinta degaanka iyo abuuridda adduun caddaalad, xasillooni iyo nabad ku dhisan. Qiimaha wada shaqayntu waa mawduuceenna Maalmeed: “Iskaashiga Nabaddau - waa Sharafta Dadka oo dhan.” 

Waxaanu nool nahay xilli halis ah - laakiin tani sidoo kale waa xilli ballanqaad wayn. Maalmo gudahood, hoggaamiyeyaasha adduunka oo dhan ayaa isugu imaan doona Qaramada Midoobay si ay u hirgeliyaan ajendaha 2030-ka, qorsheheenna 15-ka sano si aanu u gaarno horumar waara. Tani waxay asaasi u tahay in nolol sharaf leh loo yabyabo dadka oo dhan ah, halkaas oo saboolnimadu ay tahay wax lasoo dhaafay oo ay nabaddu ugu muhiimsan tahay.

Maalinta Caalamiga ah, annaga oo xusayna sannad-guuradii 70aad ee Qaramada Midoobay, aanu ka faa'iidaysanno fursadda si aanu u gaarno ujeeddadii loo aasaasay Ururka: si jiilalka na dhaxlaya looga badbaadiyo aafada dagaalka.