Mas'uuliyaddaydu waa in aan caawiyo: Maalin ka mid ah maalmaha Barlin

18 Aug 2017

Mas'uuliyaddaydu waa in aan caawiyo: Maalin ka mid ah maalmaha Barlin

Baarliin Axmed Cabdi maalinteeda caadiga waxaa ay bilaabataa 5-ta subaxnimo, salaadda subax kaddib. Marka hore labadeeda carruur ayay quraac u diyaarisaa ka hor inta aayan qaadanin gaadiidka dadweynaha oo ay gaarin xerada barakacayaasha ee Weydow oo ku taala daafaha Muqdisho.

Baarliin waa asaasaha hay’adda Kalama-Shoorto, oo ah hay’ad aan dowli ahayn oo ku howlan arrimaha bani’aadinimada taas oo hooy, cunno iyo dhar ugu deeqda barakacayaasha. Waxaa ay dhistay xerada barakacayaasha ee Weydow bisha Maarso 2017-ka, si ay u caawiso qoysas gaaraya 130 xilligii ay ugu darneyd abaaraha Soomaaliyaa taasoo in ka badan lix milyan oo ruux ay halis ugu jireen macluul. 

“Waxaan is dareensiiyay in ay in ay tahay mas’uuliya i saaran kaddib markii aan arkay dhibaatooyinka badan. Waxaa aan arkay dad ka soo barakacay HirShabeelle oo Muqdisho imaanaya iyagoo dharkooda mooyee wax kale aanan wadanin,” ayay tiri Baarliin. 

Baarliin oo iyaduba ka soo jeeda HirShabeelle ayaa jeebkeeda guriyo ugu kireeysay dad ka soo barakacay gobollada bartamaha koonfurta, ka hor inta aayan taageero ka raadsanin deeq-bixiyeyaasha.

Baarliin waxaa ay hadda la tacaashaa mas’uuliyadda ilaa 2000 oo qoys. Qaar waxaa ay ku nool yihiin xerada Weydow, qaar kalena waxaa ay ku nool yihiin meelo ka baxsan xerada laakiin waxaa ay raashinka ka doontaan xerada. Waxaa ay la shaqaysaa 20-tan qof oo kale si ay u daboosho baahida qoysaskani. Maalin kasta, Baarliin waxaa ay iskugu yeertaa kooxeeda si ay qorsheeyaan qaybinta raashinka, biyaha iyo dharka iyagoo eegaya baahida markaasi jirta iyo sida alaabta loo heli karo.

“Markaan qorsheyneyno cunnada, waxaa aan ku dadaalnaa in qoys kasto aan wax siinno oo ay cidna baahi ugu baryin. Safafka dheer ee cunnada loogu jiro ayaa caddayn u ah sida qoysaskani ay ugu tiirsan yihiin gargaarka cunnada,” ayay tiri.

Baarliin ayaa intaasi raacisay in ay jirin qof Soomaali ah oo jeclaysan lahaa in uu ku noolaado xaaladda xun ee ka jirta xerada barakacayaasha, oo ay ku tiirsanaadaan gargaarka haddii ay haystaan wax ka wanaagsan.

Safafka dheer ee loo galayo cunnada ayaa Baarliin ku dhiirrigeliyaa in ay la kaashato hay’adaha kale iyo deeq-bixiyeyaasha si loo helo tabarrucaad iyo taageero dheeraad ah.

“Maalin kasta waxaa aan cunno iyo lacag dheeraad ah ka raadiyaa deeq-bixiyeyaasha si loo wado howlaha xerada,” ayay tiri iyada oo intaasi raacisay in taageerada ugu weyn ay ka hesho Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP).

Dadka ku nool xerada barakacayaasha ah ee Weydow waxaa ay la soo kulmeen cudurro sida shuban-biyoodka iyo jadeecada, hay’adda Kalama-Shoortana waxaa ay dadaal badan ku bixisaa in ay daboosho baahida caafimaad ee dadka xanuunsan.

“Isbitaalka ugu dhaw waa Benaadir oo toddobo kilo mitir u jira xerada. Ma jiro gaari bukaanada lagu geeyo isbitaalka,” ayay si niyad-jabsan u tiri Baarliin iyadoo ku dartay in carruur badan ay u dhinteen cudurrada ka dhasha biyaha.

Marka ay guriga ku soo laabaneyso maalin daal badan kaddib, Baarliin waxaa ay dhiirrigelin ka heshaa natiijada wanaagsan ee shaqadeeda. “Mar waliba aan badbaadiyo nolosha qof qarka u saaran dhimasho, waxaan dareemaa in aan hadafkeyga gaarka,” ayay tiri.

Baarliin waxaa ay ku rajo weyn tahay in ay maalmo wanaagsan ka horreeyaan, maalmahaas oo ay dadka barakacayaasha ku laaban doonaan guryahooda ayna dib u bilaabi doonaan nolosha caadiga ah.

“Dadkani ma qorsheynayaan in ay ku sii noolaadaan xerada,” ayay tiri. “Waa ay laaban doonaan, dib ayay noloshooda u dhisi doonaan.”