Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa [Kulamo] wadatashi ah ku qabtay Jowhar

11 Dec 2019

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa [Kulamo] wadatashi ah ku qabtay Jowhar

Jowhar – Wakiilada ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Gobaleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay waxaa farxad u ah inay maanta booqasho ku yimaadaan Dowlad Goboleedka HirShabelle, waana kulankii labaad ee kamid ah kulamo wadatashi ah oo taxane ah oo ka kala dahacaya Dowlad Goboleedyada.

Maaddaama sanadka 2019ka uu sii dhamaanayo, waxaan dib u milicsaneynaa horumarka la gaaray sanadkaan, waxaana rajeyneynaa in sannadka 2020 uu noqdo sanad muhiim u ah Soomaaliya. Waxaan halkan oo HirShabelle ah u joognaa si aan ula kulanno dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka 2020ka lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh. Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka Dastuurka Federaalka ah, sii socoshada horumarka ku aaddan [xaqiijinta] deyn cafinta, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ka-hor inta aan la gaarin sanadkaas muhiimka ah, wakiilada beesha caalamka qaarkood ee dhinacyada badan ka caawiya Soomaaliya ayaa waxay kulamo la qaadanayaan madaxda heer Qara, heer Dowlad Goboleed, odayaal dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah, waxaana uga mahad celinaynaa madaxda HirShabelle marti-gelinta ay inoo sameeyeen maanta.  

Yoolalkaas loo dejiyay sannadka 2020 waxaa lagu gaari karaa wada-shaqeyn xooggan oo dhexmarta dhinacyada ay hawshu khuseyso; 2020ka wuxuu Soomaaliya u noqon karaa sanad taariikhi ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed, hay'adohooda iyo bulshadaba inay wada hadlaan si ay iskugu af-gartaan halkii loo dhaqaaqi lahaa, iyo inay iska kaashadaan sidii lagu xaqiijin lahaa arrimaha hortabinta u leh sanadka soo socda.

Waxaan rajeynaynaa inaan dhageysanno wakiilada Dowlad Goboleedyada iyo in aan sii wadno booqashooyinkeena, waxaa kale oo aan sii wadaynaa in aan Soomaaliya ku garab istaagno hirgelinta arrimaha hortabinta qaran leh ee ay ballan qaadday [inay wax kaqabato] sanadka 2020ka.