Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa [kulamo] wadatashi ah ku qabtay Baydhabo

10 Dec 2019

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa [kulamo] wadatashi ah ku qabtay Baydhabo

Baydhabo - Maaddaama sanadka 2019ka uu sii dhamaanayo, ayaa wakiilo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Gobaleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay waxay maanta booqasho ku tageen Baydhabo, magaalo madaxda  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waana kulankii ugu horreeyay ee kulamo wadatashi ah oo taxane ah oo ka kala dahacaya Dowlad Goboleedyada.

2020ka wuxuu Soomaaliya u noqon doonaa marxalad muhiim ah, maadaama dhowr geeddi-socodyo qaran oo muhiim ah la soo gabagabeyn doono. Geedi-socodyadaas waxay dhidibada u aasi doonaan horumar dheeraad ah oo Soomaaliya ay ku tallaabsato iyadoo ku heshiinaysa  Dastuur, qabashada doorashooyin ‘qof-iyo-cod ah’, sii wadidda dagaalka lagula jiro Al-shabaab, iyo u gogol xaaridda cafinta deynta ee Soomaaliya. Xaqiijinta arrimahaas waxay u baahanyihiin iskaashi dhab ah oo dhexmara  saamilayda hawshu khysauso, waxayna si gaar ah ugusii baahanyihiin inay garwadeen ka noqdaan Dowladda Federaalka ah iyo  Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Si wax looga qabto arrimahaas, waxaan ku dhiiri-geilnaynaa dhamaan dadka ay hawshu khusayso  inay galaan wadahadal midba midka kale uu la yeelanayo – waxaana wadahadalladaas qayb ka noqonaya madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, bulshada rayidka ah iyo dadka Soomaaliyeed .

Iyadoo taas maanka lagu hayo, ayaa ka-hor marxaladda muhiimka ah ee 2020, waxaan kala shaqaynaynaa dadka hawshu khusayso ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed inay fahmaan fursadaha iyo caqabadaha ay leedahay hirgelinta geedi-socodka 2020 ee Soomaaliya

Annagoo soo gabagabeynayno booqashadeena Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaan uga mahad celinaynaa soo dhoweynta diiran ee adadkeedu inoo fidiyeen waxaana u mahad naqaynaa  madaxda, odayaal dhaqameedyada iyo wakiilada ururada bulshada ee waqtiga usoo huray inay nala kulmaan.

Waxaan rajeynaynaa inaan dhageysanno Dowlad Goboleedyada kale inta aan ku guda jirno booqashooyinka, waxaana sii wadaynaa in aan Soomaaliya ku garab istaagno hirgelinta arrimaha hortabinta u leh ee ay ballan qaadday [inay wax kaqabato] sanadka 2020.