Muna Xaaji Yuusuf Cali: Samafale ay ka go’antahay u adeegidda dadkeeda Soomaaliyeed

19 Aug 2018

Muna Xaaji Yuusuf Cali: Samafale ay ka go’antahay u adeegidda dadkeeda Soomaaliyeed

Muna Xaaji Yuusuf Cali waxaa ay markii ugu horreysay si toos ah ula kulantay maleeshiyaadka Al-Shabaab sanadkii 2012.

Gobolka Baay oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa markaasi la soo darsay macluusha ugu darneyd muddo 60 sano gudahood, Muna-na waxaa ay gargaar gaarsiineysay dadka ku nool magaalada Buurhakaba oo ay saameysay abaarta.

Iyada oo ay arrintaasi ku jirto ayaa waxaa afduubtay koox ka tirsan dagaalyahaannada argagixisada.

“Waxaa ay igu yeereen gaal,” ayay xustay gabadhan 25 jirta ah oo shaqaale gargaar ah, taasi oo markaasi u shaqeyneysay hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo lagu magacaabo Hay’adda Samafalka iyo Horumarinta ee Gargaar. 

Dagaalyahaannada ayaa muddo labo maalmood haystay ilaa iyo markii ay odayaal arrinteeda galeen oo ay soo dayeen.

Halkii ay isaga bixi lahayd shaqadan halista badan oo ah in ay gargaar degdeg ah gaarsiiso goobo ay ka jiraan colaado, ayaa afduubka iyo xadhiga loo geystay Muna waxaa ay sii xoojiyeen go’ankeeda ah in ay u adeegto dadka ku nool deegaannada miyiga ee Soomaaliya oo gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Waan sii watay shaqadeyda samafalka si iyada oo aan waxba dhicin oo kale,” ayay xustay. “Nolosha shaqaalaha gargaarka waa mid halis ah oo u dhaxeysa in aad dad dhibaato ay ku sugan yihiin ka saarto iyo in aad noolaato. Balse waa shaqo khasab igu ah in aan sii wado.”

Afduubkaasi ma ahayn markii ugu horreysay ee Muno ay dhibaato kala kulanto Al-Shabaab.

Sanadkii 2017, iyada oo markaasi ku jirta sanadka koowaad ee dugsiga sare oo ay ku qaadaneysay magaalada ay ku dhalatay ee Xudur oo ku yaal gobol Bakool ee koonfur galbeed Soomaliya, maleeshiyaadka argagixisada ah ayaa labo macallin si xun u dilay, arrintaasi oo sababtay in iskoolka albaabada loo laabo.

Dilka loo geystay macallimiinta iyo xiritaanka iskoolka ayaa waxaa ay horseedeen in Muno ay ku biirto walaasheed oo ku noolayd magaalo xeebeedka Boosaaso oo ku yaal waqooyi bari, halkaasi oo ay waxbarashadeeda horey u sii wadatay. Balse shantaasi maalmood oo ay safar ku sii jirtay ayaa waxaa ay Muno ka maarmi waysay in ay marto dhulal miyi ah oo ay joogeen Al-Shabaab.

“Dareewalkeenna waxaa ay noqotay in uu lacag siiyo maleeshiyaadka Al-Shabaab si uu uga gudbo bar kontaroolladooda si ay u oggolaadaan gaarigeenna in uu halkaasi maro,” ayay tiri.

Sanadkii 2011-kii, waxaa ay qaadday go’aan geesinimo leh ee ah in ay ku laabato Xudur ayna caawiso dadka ku nool deegaankaasi oo hadda ka tirsan Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya si ay uga gudbaan abaarihii ugu darnaa ee ku dhuftay dalka muddooyinkan dambe.

“Aad ayaan uga naxay ugana xumaaday saameynta ay abaarta ku yeelatay qoyskayga, gurigeenna, deriskayga iyo gobolka Bakool oo idil,” ayay tiri gabadhan ka qalin jabisay Jaamacadda Muqdisho. Waan dareensanaa in loo baahan yahay in aan kaalmo raadsado si aan dadkayga ka badbaadiyo in ay baahi u geeriyoodaan. Taasi ayaa keentay in aan noqdo qof ka shaqeeya gargaarka.”

Muno kama qoomameyneyso shaqada ay nafteeda u dooqday.

“Aad ayaan u farxaa marka aan arko dhoolacaddeynta ka muuqata wajiyada dadka, kuwaas oo haddii kale baahi u dhiman lahaa,” ayay tiri. “Taasi ayaa I dhiiriggelisaa.”

 Qaramada Midoobay waxaa ay aqoonsan tahay muhiimadda ay leedahay shaqada ay qabtaan dadka Muna oo kale, iyada oo sanad kasta 19-kii Agoosto adduunka oo dhan laga xuso Maalinta Bani’aaddamnimada Adduunka si loo maamuuso shaqaalaha gargaarka kuwaas oo halis galiya naftooda si ay u fidiyaan adeegyada bani’aaddamnimada, iyo si taageero loo raadiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka jira adduunka.