Munaasabadda Maalinta Dhalinyarada Afrika awgeed, ayaa Ergeyga QM wuxuu amaanay kaalintooda nabadda iyo barwaaqo kusoo dabaalidda Soomaaliya

1 Nov 2019

Munaasabadda Maalinta Dhalinyarada Afrika awgeed, ayaa Ergeyga QM wuxuu amaanay kaalintooda nabadda iyo barwaaqo kusoo dabaalidda Soomaaliya

Muqdisho – Iyadoo Afrika ay u dabaal-degeyso dhalinyarada, ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta aqoonsaday awoodda ballaaran ee ragga iyo haweenka dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ay ku biirin karaan nabadda iyo barwaaqo kusoo dabaalidda Soomaaliya.

“Wadahadalkeygii joogtada ahaa ee aan la yeeshay haweenka iyo ragga Soomaaliyeed ee da’yarta ah, ayaa waxaa i soo jiitay tamarta iyo fikradaha ay xambaarsanyihiin. Waa in la siiyaa fursad ay door macno leh uga cayaaraan geedi-socodka go'aan qaadashada, ayna gacan uga geystaan qaabeynta mustaqbalka kaas oo ah mustaqbalkooda,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan [Taranka] Dadka ayaa ku qiyaasay in 4.6 malyan dadka Soomaaliyeed ay da’doodu u dhaxayso 15 iyo 35 sano. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay u dhigmaan boqolkiiba 38 dadweynaha dalka, laakiin wey xaddidantahay inay helaan waxbarasho iyo fursado shaqo.

“Soomaaliya waxay sidoo kale u baahan tahay inay abuurto wadiiqooyin lagu gaaro waxbarasho tayo leh, tababaro xirfadeed shaqo oo suuq leh, iyo fursado shaqo, si xirfadaha dabiiciga ah ee dhalinyarada loogu jiheeyo dhanka horumarka dalka,” ayuu raaciyay Md. Swan.  

Iyada oo la raacayo Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa barnaamijyada Qaramada Midoobay waxay diiradda saarayaan xoojinta awoodaha dhaqaale, bulsho iyo ka-qeybgal ee dhalinyarada iyadoo la adeegsanayo xirmo lacageed kor u dhaafeysa 54 malyan oo doollar. 

Qaramada Midoobay, iyadoo taageereysa ajendaha Midowga Afrika ee awood-siinta dhalinyarada, waxay aqoonsan tahay dowrka muhiimka ah ee faca da’yarta ah ka cayaarayaan taageerada ajendayaasha nabadda iyo horumarka ee dalalkooda.