Muqdisho, dhallinyarada Soomaaliyeed oo kulmay si ay uga wada hadlaan doorkooda ka qaybgalka siyaasadda

18 Jun 2021

Muqdisho, dhallinyarada Soomaaliyeed oo kulmay si ay uga wada hadlaan doorkooda ka qaybgalka siyaasadda

MUQDISHO - Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna Madaxa Iskuduwaha QM ee Deegaanka iyo Gargaarka Aadanaha ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa furay shir dhallinyaro oo looga hadlayo mustaqbalka ka qaybgalka siyaasadda dhallinyarada oo 16-17kii Juun lagu qabtay magaalada Muqdisho. Mudane Abdelmoula ayaa ammaanay dhalinyarada Soomaaliyeed ee lasoo rafaaday cawaaqib xumada dhibaatooyinka bini'aadanimo, rabshadaha iyo ka dhex saarida bulshada, walina sidoo kale "horseeday xalal cusub oo lagu wado hore u socodka horumarka, nabada iyo dib u heshiisiinta."

Munaasabada waxaa soo qabanqaabiyay mashruuca BUILD (Keenida Midowga, Sumcadda iyo Sharcinimada Dimoqraadiyadda), oo ay hirgelisay hay’adda Caalamiga ah ee Creative Associated oo ay maalgelisay Hay'adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo kaashanaysa saaxiibka bulshada rayidka ah ee maxalliga ah ee Somali Public Agenda (SPA), Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Dadweaynaha ee Qaramada Midoobay.

Shirku waxa uu isku keenay siyaasiyiin dhalinyaro ah oo soo baxaya iyo wakiilo matalaya kooxaha haweenka, dadka naafada ah, ururada bulshada rayidka ah ee ay hogaamiyaan dhalinyarada, Dawladda iyo saaxiibada caalamiga ah si looga wadaxaajoodo hababka ay haweenka iyo raga Soomaaliyeed ee dhalinyarada ah uga guuleysan karaan caqabadaha ay kala kulmaan heerarka hay'ad ahaan, qaabdhismeedka iyo shaqsi ahaan iyo raadinta habab lagu xoojinayo ka qaybgalkooda siyaasada, kor u qaadista goobaha rayidka ah ee dhalinyarada iyo la xisaabtanka dadka go’aamada gaara.

Iskuduwaha Degaanka ayaa yiri, “Fursadda Soomaaliya dal ahaan waxay si wayn ugu tiirsantahay fursadaha la guddoonsiiyo dhallinyaradeeda. Dhab ahaantii isbeddelka wuxuu dhici doonaa oo kaliya marka dhallinyarada Soomaaliyeed la maalgeliyo, oo lagu daro isla markaasna lala kaashado si macno leh. Tani waa shardi ku xiran horumarka waara ee Soomaaliya waxayna muhiim u tahay gaaritaanka Yoolalka Horumarka Waara.

“Inkastoo dhallinyaradu ay si weyn uga qayb qaataan horumarka Soomaaliya, haddana waxay la kulmaan caqabado waaweyn oo xagga helitaanka xuquuqda iyo ka-qaybgalka siyaasadda ah. Inaysan dhallintu ku jirin saaxadda siyaasadda waxay keeneysaa in Soomaaliya ay weydo fursado ay ku heli laheyd fikrado isbaddel iyo tamarta jiilka cusub, sidoo kale kartida iyo halabuurka geesinimada leh ee dhallinta taasoo ka dhigan in layska indha tiro aqlabiyadda dadka badankooda" ayuu yiri isaga oo amaanayay SYL iyo doorkooda la xiriira udagaallanka xorriyadda iyo gobanimada dalka sannadkii 1943.

U tartamida boos siyaasadeed

Khudbaddii uu shirka ka jeediyey, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DF, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa dhallinyarada ku dhiiri geliyey inay siyaasadda ku biiraan oo tartamaan doorashada soo aaddan.

“Madashani waa bilow wanaagsan. Waxaan kugu boorrinayaa inaad nala wadaagtaan qaraarka iyo hab-howleedka lala gaarey Dowladda iyo wasaarado dhowr ah si ajendaha dhallinyaradu uu uga mid noqdo midka qaran,” ayuu yiri Wasiir Xamsa.

Bashir Maalim Ali Hassan, oo ah siyaasi da'yar iyo musharrax u tartamaya kursi Xildhibaan doorashada soo socota ee Maamulka Hirshabelle State ayaa sheegay in dib u heshiisiinta, nabad dhisidda iyo baraaraha aan la gaari karin haddii aanay da'yartu siyaasadda ka qayb qaadanin.

“Da'yarta waa in lagu boorriyaa inay siyaasadda ka qayb galaan maxaa yeelay waxay keeni karaan isbedel. Balse qaar badan waa la gooni soocay. Sidaa darteed, waa in lagu taageeraa inay la yimaadaan bayaanno musharraxnimo oo adag iyo ajende siyaasadeed oo ay la wadaagaan dadka ay tahay inay metelaan,” ayuu yiri Md Hassan.

Dhakhtar da'yar, Fatuma Ismail Mohamed, ayaa sheegtay in ka maqnaanshaha siyaasadda ee dhallinyarada haweenka ah lagu bedeli karo markii ay dhallinyaro badan - lab iyo dheddigba - ay bilaabaan inay si firfircoon uga qayb galaan siyaasadda oo codkooda la maqlo.

“Haweenka da'da yar, gaar ahaan, waxay u baahan yihiin, inay ka dhabeeyaan hamigooda siyaasadeed oo aan la jeedin ama si fudud loo cabsi gelin. Waxaan haynaa gabdho badan oo jaamiciyiin ah oo aragti fiican u haya dal dhisidda iyo nabada. Waa in la dhiirri geliyaa si ay door micne leh uga ciyaaraan siyaasadda qaranka,” ayay tiir Dr. Mohamed. Wada hadalka ku saabsan ka qaybgalka dhallinyarada ee siyaasadda wuxuu bilowday 2020 si loo fududeeyo wada xaajoodyo kala duwan oo dhexsada saamileeyda kala duwan, oo ay ku jiraan wakiillada dowladda, saraakiisha doorashada, xildhibaannada, dadka la sooco, xisbiyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah.