Najax Aadan Farax: Qoraa da’ yar oo ay ka go’an tahay in ay dhaqan wax-akhrin ka abuurto Soomaaliya

8 Sep 2018

Najax Aadan Farax: Qoraa da’ yar oo ay ka go’an tahay in ay dhaqan wax-akhrin ka abuurto Soomaaliya

Najax Aadan Faarax waa un 22 jir, waana qoraa laga daabacay afar buug.

Hase yeeshee jacaylka ay u qabto buugaagta kuma koobna qorid un kaliya – Waxaa u dheer in ay ka caawiso bulshadeeda Soomaalida dhanka horumarinta akhrinta iyo qorista maadaama badankooda aysan helin waxbarasho, xitaa xirfadaha asaasiga ah sida akhrinta iyo qorista dagaalkii sokeeye ee 90-kii iyo colaaddii ka dambeysay awgeed.

Najax buugeedii ugu horreeyey waxaa ay qortay markaay 17 jir un ahayd, kaasi oo ay ugu magac-dartay ‘Qaado Furaha Farxadda’.

“Buugeygi ugu horreeyey waxaa uu ku saabsanaa raadinta farxadda iyo dib u hanashada kalsoonida qofka, la kulan dhibaato ka dib. Waxaa jiro dad badan oo rajo iyo kalsooni la’aan noqday,” ayay tiri. “Buugaani dadkaa ayuu khuseeyaa, sababtoo ah aniga xitaa mar baan xaaladaasi oo kale la soo kulmay, sababo khaas ah awgeed”

Najax waxaa ay ku dhalatay kuna soo barbaartay magaalada Gaalkacyo, waxaa ayna buugaagta xiiso u qaaday markaay yarayd, mar ay safar siddeed bilood ah ku tagtay dalka deriska ah ee Kenya oo ay ka doonatay fiisa Kanada ay ku soo booqato qaraabadeeda.

Qorshaheedi ahaa in ay soo booqato qaraabadeeda ma miro dhalin, waxaa ayna la soo laabatay wax kale oo ah firkad oo ku saabsan muhiimadda ay waxabarashada u leedahay horumarka shaksiga, arrintaasi oo ka soo maaxatay isdhexgalki ay la sameysay dumarka da’da yar ee qoraayada ah iyo haweenka madaxda ah ee Kenya.

“Waxaa aan la kulmay gabdho iga da’ yar oo qoraa ah. Sidoo kale waxaa I dhiirigeliyey sida haweenka reer Kenya u dadaalaan oo xitaa ay iskugu wadaan shaqada gurgia iyo waxabarashada kuleejka,” ayay Najax sheegtay. “Waxaa ay taasi igu dhalisay in dumarka sida ragga oo kale waxtar u leeyihiin”

“Waxaa aan dhiiri gelin ka soo qaaday Kenya, waxaana 2013-kii billaabay in aan qoro buugeygi ugu horreeyey,” ayay raacisay.

Najax waxaa ay sidoo kale ogaatay muhiimada ay leedahay barashada luuqadaha badan, khaasatan ay u leedahay qof ku hamminaya in uu noqdo qoraa la daabacay buugaagtiisa, waxaa ayna bilowday barashada luuqadaha Ingiriiska iyo Sawaaxilka. Waxaa ay Soomaaliya ku laabatay horraantii 2014-ka, kadib dhowr mar oo ay waalidkeeda ka dalbadeen.

Najax buugeedii ugu horreeyey waxaa ay dhammeysay 2015-ka. Hase yeeshee maadaama aysan caan ahayn, in yar ayaa laga gatay, gacan na ma aysan ka helin dhaqamada sheekooyinka afka ah ee dadka deegaanka.

Sameynta urur akhrin

Si ay caqabaddaasi xal ugu hesho isla markaana dhalinyarada ugu dhiiro geliso dhaqan akhrin iyo qoris ah, waxaa ay 2017-kii iyada iyo saddex saaxibadeeda ah asaasaaseen urur akhrin oo lagu magacaabo “Maskax Shiil”.

Sanadkoodii ugu horreeyey, Maskax Shiil oo hadda 43 qoraa xubin ka yihiin, ayaa munaasbadaheeda waxaa ay soo jiiteen tiro badan oo dhalinyaro ah, oo lagu qabtay magaalooyin kala duwan ee waddanka oo ay ka mid yihiin Garoowe, Cadaado, Gaalkacyo iyo caasimadda Muqsdisho.

“Waxaa aan labadii biloodba abaabulnaa munaasabado aan ku dhiiri gelineyno dhalinyarada in ay raadsadaan waxbarasho. Tusaale ahaan, waxaa aan qabannaa bandhig bugeedyo yar yar, siminaarro, tababarro oo aan sidoo kale na dadka ku barno sida wax loo akhiryo loo na qoro, aana ku soo bandhigo qaar ka mid ah buugaagteenna,” ayay tiri Najax oo hadda dhigata jaamacadda Somali International University.

“Hadafkeenna waa in aan kor u qaadno heerarka aqooneed kuwaasi oo weli aad u hooseeya marka loo eego dalalka deriska ah ee mandaqadda,” ayay raacisay.

Sida ay xuseyso Hay’adda Qaramada Midoobay ee Waxbarashada Sayniska iyo Hiddaha (UNESCO) Soomaaliya waxaa ay leedahay mid ka mid tirada ugu hooseysa carruurta da’da dugsi aadis gaaray ee dhigata dugsiyada ee adduunka. UNESCO waxaa ay qiyaaseysaa in ay jiraan 4.4 milyan oo carrurr in ay dugi dhiganin, taasi oo ku dhowaad dhan kala badh tirada guud ee dadka ku nool waddanka oo ah 9.2 milyan. Saami ahaan, 10-kii carruurba afar kaliya ayaa dugsi ku jirta.

Si ay wax uga qabato dhaqankani, Najax waxaa ay qortay saddex buug oo kale oo mowduucyo kala duwan leh, kuwaasi oo ay qorsheyneyso in ay ku baahiso dalka oo dhan.

Inkastoo buugeedii ugu horreeysay ay uga hadleysay nolosheeda, midkeedii labaad oo cinwaankiisu yahay ‘Yaa I Dhalay’ waxaa uu ku saabsan yahay wiil ku nool waddooyinka Muqdisho oo ay la saaxibtay. Buugeedi saddexaad ‘Rajada Ummadda’ waxaa uu salka ku hayaa ballaqaadyada shacabka uu u sameeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay Fabraayo 2017-kii, waxaa uu una ka hadlayaa dareenka Soomaalida muddadii doorashada ka dib.

Najax buugeedii ugu dambeeyey waxaa uu aad uga hadlayaa dhalinyarada. ‘Waxaa luntay quruxdeyda’ waxaa uu ku saabsan yahay dhaqan aad u daran oo ay sameeyaan gabdhaha iyo wiilasha oo ay kiimikada wax caddeysa u isticmaalaan jirkooda, taasi oo ay aad u qaateen dhalinyaro fara badan.

“Waxaa aan isku dayay in aan la yimaado moowduucyo xiiso gelinaya dhalinyarada isla markaana aan kor ugu qaado dhaqanka akhrinta iyo qorista,” ayay tiri Najax iyadoo na raacisay in buugeedii ugu dambeeyey ku saabsanaa iyadoo la kulmeysa gabadh indhaha weysay iyo mid kale oo uu ku dhacay cudurka kansarka.

Wax ka badan buug iibin

Dadaallada Najax ee ay ku hormarineyso heerarka kakhrinta iyo qorista ee Soomaaliya ayaa ka caawiyey in ay shaqo ka hesho Machadka Sayniska iyo Farshaxanka Soomaaliya oo ay xoghaye ka tahay waaxda maamulka, iyada oo na sanadka xiga dhameyneysa waxbarashada shahaadada koowaad oo ku saabsan maamulka guud.

Inkastoo qoraaga uu dhiiro geliyo qorista buugaag ugu iibsi fiican, iyada waxaa uu u jeedkeedu yahay Soomaalida oo aqoon kororsata oo na kaalin ka qaadanaya horumarka dalka, taasi ayeyna ka doorbiddaa buugteeda oo gadma.

“Waxaa aan saaxibkeyga iska kaashaneynaa in aan furno dugsi oo aan curruurta darbi-jiifka fursad waxbarasho ku siineyno,” ayay tiri Najax oo sidoo kale mararka qaar u safarta magaalooyinka kala duwan ee dalka si ay dhalinyarada uga la hadasho muhiimadda waxbarashada.

Iyadoo adduunka laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Akhris-qoraalka oo la qabtay 8-da Sebtembar sanad kasta loo na arko fursad lagu soo bandhigo horumarka laga gaaray heerka akhrinta iyo qoraalka adduunka, lana ogaado caqabadaha haray ee heysta akhrinta iyo qoraalka, ayaa qoraagan da’da yar waxaa ay rajeyneysaa in dhalinyarada kale kula soo biiri doonaan dadaaladeeda kor u qaadista waxbarashada iyadoo la qaadanayo dhaqanka akhrinta iyo qoraalka.