Dokumentiyada Muhimka ah

Qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay ee Iskaashiga Horumarineed ee Waari kara ee Soomaaliya 2021-2025

Qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay ee Iskaashiga Horumarineed ee Waari kara ee Soomaaliya (2021-2025) waa qorshe istaraatiiji ah oo sanado badan qaadanaya oo ay Qaramada Midoobey uga gol leedahay si loogu hago ka qaybqaadashada wadaraysan ee Qaramada Midoobey ee dhanka xaqiijinta Ajendaha 2030-ka ee Horumarka Waari kara iyo Yoolalka Horumarka Waara ee Soomaaliya.

Qaab-dhismeedka Istaraatiijiga ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya 2017-2020

Kadib markii la dhamaystiray dhowr marxaladood oo muhim u ah siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan dhamaystirka qorshe-howleedka federaalaynta, doorashooyinkii baarlamanka iyo Madaxwaynaha ee taariikhiga ahaa, meelmarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya ee 2017-2019 (NDP) iyo dhicitaanka Heshiiska Higsiga Cusub iyo Qaab-dhismeedka Isku-dhafan ee Istaraajiga ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya 2014-2016-kii, QM waxay samaysay shuruuc qorsheen oo cusub  oo bahda QM oo dhan ka dhaxeeya.

Qaab-dhismeedka Isku-dhafan ee Istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, 2014 - 2016

Qaab-dhismeedka isku-dhafka ah ee istaraatiijiga ah, oo lagu saxiixay Muqdisho 29-kii Oktoobar 2014-kii, waa qorshihii ugu horreeyey ee dhammaystiran ee Qaramada Midoobey ay ka samayso Soomaaliya in ka badan 20 sanadood, waxa uuna calaamad u yahay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo QM. Qaab-dhismeedka Isku-dhafan ee Istaraatiijiga, oo ku saleysan gacanta Qaramada Midoobey ay ka gaysanayso hirgelinta Higsiga Cusub, waa mid si cad u muujinaya sida ay Qaramada Midoobey  uga go'an tahay inay taageerto dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si loo dhiso mustaqbal nabdoon, xasilloon misna barwaaqo ah.

Tas-hiilaadka loo baahan yahay ee UNSOM

Golaha Guud ee QM: Wuxuu soo jeediyey in loo baahan yahay Xafiiska Kaalmada Howlgalka Somalia ee QM mudada u dhaxaysa 1 Janaayo ilaa 31 Diseembar 2014 [A/68/327/Add.7]

Warqad ku taariikhaysan 3 Abriil 2014 oo ka timid Xoghayaha Guud kuna socota MW Golaha Amaanka

Heshiis u dhaxeeya QM iyo DF oo ku saabsan maqaamka Of UNSOM Muqdisho, 26 Febraayo 2014