Ilaalinta Dumarka

Ilaalinta Dumarka

UNSOM waa hawlgal gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u xilsaaray in uu taageero siyaasadeed siiyo Dowladda Federaalka ah, iyo mararka qaar AMISOM, iyadoo loo fidinayo taloooyin la xiriira “istiraatijiyadda siyaasadda” nabad ilaalinta iyo dhismaha dowladnimada, sida (i) Dowlad wanaagga; (ii) Dib-u-Qaabaynta Laamaha Amniga, fulinta sharciga. 

Gaar ahaan, “in la dhiso awoodda Dowladda Federaalka ah ee ku aadden in: (i) Sare loo qaado xurmada xaquuqda aadanaha iyo taabbagelinta dumarka…. in laga hortago gaboodfallada jinsiga ku saleysan iyo handadaadda galmada xilliyada xasaraduhu jiraan, sida in dumarka loo helo Lataliyeyaal Dhowrista Haweenka ah.

Galmada gacan ka hadal leh iyo gaboodfallada jinsiga ku saleysan ayaa ah kuwo weli ku baahsan Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Dhibbaneyaashan ayaa u badan haween iyo gabdho ka soo barakacay deegaannadii ay asal ahaan ka soo jeedeen. Jawrfalka caynkaan ah ayaa inta badan ku yimaada hab cinqaabeed ama awood sheegasho ku saleysan dagaal beeleed, iska hor imaad ciidan, barakicin iyo taxaab khasab ah. Marka ay falalkaas dhacaanna, waxay aalaaba halista ugu badani soo foodsaartaa dumarka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bishii May 2013 sixiixday war murtiyeed ay si wadajir ah ula soo saartay QM, kaas oo looga gollahaa in lugu soo afjaro kufsiga baahsan ee ka dhaca Soomaaliya xilliyada xasaraduhu jiraan, ka dib kulan ka dhacay magaalada London. Hal sano ka dib, kulan loogu gogol xaarayey Shirka Caalamiga ah ee Dabargoynta Handadaadda Galmada ee London ka dhacay Juun 2014, ayna Dowladda Soomaaliya uga qaybgaleen wafti ay hoggaamineyso Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha, ayaa iyadoo taageero laga helayo QM iyo Dowladda UK, waxaa la iskula meel dhigay Qorshe Hawleed Qaran oo lugu ciribtirayo Handadaadda Galmada (NAP/SVC.

Inta hawshu socotey, wasaaradaha qorshahan hormuudka ka ah, ciidamada qalabka sida (Xoogga Dalka iyo Booliska) iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa isugu yimid wadahadallo dib loogu eegeyey islamarkaana lugu meelmarinayey talo-soo-jeedinta Kooxda Khuburada Qiimeynta Hawlgalka QM ee Soomaaliya oo la qabtay Desember 2013.

Qorshahan ayaa si buuxda ula xiriira Xirmada Heshiiska Cusub ee Soomaaliya (Somali New Deal Compact), qorsheyaasha kala duwan ee dowladda, hindiseyaal iyo istratejiyado isku qoofalan.  Qorshaha ayaa abuuraya fursad weyn oo lugu soo afjari karo handadaadda galmada ee lala xiriiriyo xasaradaha Soomaaliya ka oogan, inkasta oo awoodda dhaqaale oo xaddidan ay ragaadineyso in qoshuhu si buuxda u fulo.

Si haddaba hawsha loo sii ambaqaado, waxaa la dhisay Guddi Hawleed kormeera fulinta Qorshe Hawleedka Qaran ee lugu Ciribtirayo Handadaadda Galmada (NAP/SVC. Guddigan oo ka kooban xubno matalaya wasaaradaha hawshan hormuudka u ah ee Garsoorka, Ammaanka Qaranka, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Booliska Soomaaliya, waxaa wada guddoominaya Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha iyo UNSOM. 

Waxaana kale oo guddigan qayb ka ah Guddoonka Kooxda Hawlwadeennada Xaquuqda Aadanaha, Kooxda Hawlwadeennada Handadaadda Jinsiga ku saleysan (GBV), UK, wakiillo goboleed iyo AMISOM.

Unugta Ilaalinta haweenka ee UNSOM waxay qayb ka tahay Kooxda Hawlwadeennada GBV, waxayna si hoose ula shaqeeyaan xubnaha kooxdan Muqdisho iyo caalamka intaba.

Guddi Hawleedku wuxuu kulmaa bishiiba mar, si looga wada xaajoodo horumarka lugu tillaabsaday islamarkaana la iskula meel-dhigo tillaabooyinka mudan in la qaado si loo dardargeliyo fulinta qorshe hawleedkan qaran. Guddigu waxay warbixinno joogto ah u gudbiyaan Dowladda Federaalka ah iyo Qaramada Midoobey (QM), iyo si ku habboon, Kooxda hawlwadeennada heshiiska cusub (New Deal Working Groups PSGs).