Puntland oo hirgalisay xog-kaydiye si dhow loogula soconayo tacadiyada ku salaysan jinsiga

26 Jan 2021

Puntland oo hirgalisay xog-kaydiye si dhow loogula soconayo tacadiyada ku salaysan jinsiga

Garowe – Hawsha lagu diiwaan galinayo, lagula soconayo, laguna kaydinayo xogta la xiriirta kiisaska shaqaaqooyinka ka dhanka ah Jinsiga (GBV) ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa laga qabaa rajo baaxad leh oo sare loogu qaadayo arimahan, wuxuuna kusoo aadaya xilli shalay xarigga laga jaray xog-kaydiye khaase oo Online ah.

“Tallaabadan la qaaday waxay ka caawinaysaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud inuu si qoto dheer ula socdo tacadiyada soo noq noqday iyo danbiyada tirada badan ee ku hoos qarsoon ee tacaddiga ka dhanka ah jinsiga oo Puntland caan ka noqday waqtiyadii dhawaa” waxaa sidaa yiri Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed oo ka hadlayay daah furkii  xog-kaydihan oo ka dhacday caasimadda Puntland ee Garoowe.

“Habkan casriga ah ee lagu kaydinayo xogta, waxaa laga bilaabi doonaa gobollada Mudug, Nugaal, Karkaar, iyo Bari, halka gobollada kalana lagu xijin doono mustaqbalka dhow, waxaana halkaa ku joogsan doona qaabkii qaddiimiga ahaa ee horay loogu diiwaan galin jiray kiisaska shaqaaqooyinka ka dhanka ah jinsiga” ayuu intaa raaicyay Mudane Xareed.

“Waxa uu xog-kaydiyahan dhanka Internetka loo isticmaalayo uu xafidi doona isla markaana joogtayn doonaa in la waafaqay habraacyadii, iyo in la xafiday xogta xasaasisiga ah eek u kaydsan, si looga gaashaanto inay xogtaasi cid kale gacan ugu gasho. Arimaha kale ee uu qaybta libaaxa leh ka qaadanayo ayaa ah maaraynta kiisaska qaabka ugu tayo wanaagsan, waxana uu xaqiijinayaa in loo hoggaansamay hab raacyadii bar bar socday” ayuu yiri Madaxa Hay’adda UN Women ee Soomaaliya Sadiq Syed.

Xog-kaydiyahan online-ka ah waxaa hir galiyay waaxda ama qaybta sida gaarka ah u qaabilsan tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga ee xeer ilaaliyaha, waxaana taageeray hay’adda qaabilsan haweenka ee UN Women iyo hay’adda UNFPA iyo Sanduuqa QM ee Saaxiibada badan ee Soomaaliya.

Dadkii maanta kasoo qayb galay munsaabaddan daahufurka ah waxaa kami dahaa Wasiir Kuxigeenka Caddaaladda, Wasiir Kuxigeenka Horumarinta Haweenka iyo Qoyska, Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland iyo Marti Sharaf kale oo badan.

Xog-kaydiyaha noocaan oo kale ah waa kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo laga hirgaliyo Puntland. Faa’iidooyinka kale ee laga filan karo waxaa kamid ah soo saaridda iyo isku dubba rididda xog la isku hallayn karo oo kusaabsan dadka ka bad baaday shaqaaqada jinsiga iyo dadka ka danbeeya fal danbiyeedydaas intaba.

Madaxa Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland, Siciid Cabdi Muumin ayaa xusay in xog-kaydiyahan inuu si wanaagsan uga qayb qaadan doono yaraynta xaddiga tacadiyada jinsiga ee Puntland, wuxuu kaloo sheegay inuu ka caawin doono Puntland inaysan danbiilayaashu ka baxsan caddaaladda.

Gaba-gabadii munsaasbadda lagu daah furayay xog-kaydiyahan Wasiir Kuxigeenka Caddaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax, ayaa ku nuux nuuxsaday in habkaan cusub ee xog kaydinta uu wax badan ka tari doono horumarka caddaaladda Puntland, wuxuu kaloo sheegay haddii si fiican looga shaqaysiiyo inay tahay tallaabo wayn oo dhanka caddaaladda loo qaaday.

“Waxaan kalsooni ku qabnaa in haddii isticmaalkiisa uu najoxo in xog-kaydihan inuu qayb ka qaadan doono dadaallada lagu kobcinayo awoodaha maxkamadaha, waxaana uu waddada usii xaari doonaa in la hirgaliyo, hannaan caddaalad oo xor ah, awoodna leh isla markaana lala xisaabtamo, waxayna tani ka caawinaysaa haweenka iyo gabdhahaba inay fursad u helaan caddaalada” ayuu xusay Mudane Syed. 

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaabilsan Haweenka waxay saaxiib dhow la ahayd Puntland tan iyo sanadkii 2015, gaar ahaan dhinacyada, marin u helidda dumarka ee caddaaladda, ka qayb galka siyaasadda ee haweenka iyo sinaanta Jinsiga.