Qaramada Midoobey iyo dowlada Soomaaliya ayaa iska kaashanaya dakhaatir iyo daawooyin loogu daabulaayo diyaarado maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo abaar ba'ani ku dhufatay

Mutadawiciin iyo Shaqaalaha Garoonka Baydhabo ayaa dejinaya sahay Dawo ah oo Turkiga ugu deeqay dadka barakacayaasha ee ku sugan gudaha magaalada Baydhabo ee Soomaaliya, 22kii Maarso 2017. QM Sawir

22 Mar 2017

Qaramada Midoobey iyo dowlada Soomaaliya ayaa iska kaashanaya dakhaatir iyo daawooyin loogu daabulaayo diyaarado maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo abaar ba'ani ku dhufatay

Baabuur waaweyn oo sida shixnado daawo ah ayaa loo diray xaafadaha ay abaarta ba,an ku dhufatay ee ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya kadib markii diyaarad ay leedahay QM oo waday sahey gaartay magaalada Baydhabo.

Saheyda ayaa waxa ku deeqay Dowlada Federaalka Soomaaliya deeq ay ka heshay shacabka iyo dowlada Turkiga waxaana qeybin doona bahwadaagta bani,aadnimada si loola tacaalo bukaanada nafaqa darada iyo fuuq baxa la ildaran.

“Waxaan helnay daawo, ugu yaraan 81 kartoon oo wax looga qaban doono dadka aadka u fuuq baxay iyo cunto la siin doono.  Tani waxay caawineysaa saheydii hore aan u heysanay,” sidaa waxa yiri Dr Bashiir Cabdi Cali oo ah dhakhatar iskiis u caawiya dadka.

Dr Bashiir waxa uu ka tirsanyahay 10 dhakhtar oo iskood u caawiye ah kana tirsan isku taga  Dhakhaatiirta Soomaaliyeed kuwasoo waqtigooda ugu deeqay daaweynta bukaanada ku dhaqan caasimada Koonfur Galbeed kuwasoo aad ugu baahan gargaar caafimaad.

Dhakhaatiirta ayaa gaaray magaalda Baydhabo 19 Maarso si ay u caawiyaan kalkaaliyaasha deegan kuwasoo ay ka tan badiyeen tirada sii kordheysa dadka uu soo ritay shubanka iyo kuwa nafaqa darada la ildaran.

“Inta karaankeena ah waxan isku dayeynaa inaan buuxino baahida iyo inaan taageerno dadka dhiban,” Dr Bashiir ayaa yiri.

Gobolada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur galbeed ayaa waxa ka jira dhibaato bani,aadnimo iyadoo khiyaastii 2,000 oo qof la ildaranyihiin daacuun kadib markii ay cabeen biyo wasaqeysan.

Dr Mehmet Güllüoğlu, Madaxa guud ee bisha cas Turkiya ayaa booqday isbitaal 70 bukaan looga daweynayay daacuun. Inta badan bukaanadii uu arkay waxay ahaayeen haween iyo caruur.

Dr. Güllüoğlu ayaa sheegay in turkiga dhawaan ugu deeqeen sahey caafimaad oo aad u badan si loogu daaweeyo dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan maamulka Koonfur galbeed.

“Sidaa ogtihiin waxa jiray sahey daawo ah oo aan geynaya Baydhabo ilaa labo tan oo sahey daawo ah ayay gaareysaa. waxan aaminsanahay iney muhiim tahay sababtoo ah aniga ayaa indhaheyga kusoo arkay sida dacuunka ka dilaacay u saameeyay dadka deeganka,” ayuu yiri.

Edmore Tondhlana, oo ah sarkaal arimaha bani,aadnimada ka shaqeeya kana tirsan hey,ada qaramada midoobey ee isku duwida arimaha bani,aadnimada fadhigiisuna yahay Baydhabo ayaa soo dhaweeyay taageerada dowlada federaalka taagerida ay u fidiyeen maamulka Koonfur galbeed.

“Bulshada bani,aadnimada ee Baydhabo jooga waxay jecelyihiin iney u mahadceliyaan dadaalada iyo dareenka dowlada, khaasatan xafiiska Ras,iisal wasaaraha soo diristooda daawooyinka iyo saheyda aadka loogu baahnaa si loola dagaalo shuban biyoodka ba,an iyo daacuunka, kuwasoo hadda fara ba,an ku haya maamulka Koonfur galbeed,” ayuu yiri Mudane Tondhlana.

Sida uu qabo tira koob ay sameysay OCHA, in ka badan 6.2 Malyuun oo qof – kala bar guud ahaan shacabka Soomaaliyeed – ayaa aad ugu baahan gargaar bani,aadnimo. Ugu yaraan saddex malyuun ayaa wajahaya dhibaatoyin iyo xaalada cuno yari ah.