Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ugu hambalyeysay in ay gaartay marxaladda go'aaminta ee ‘decision point’ ee deyn cafinta

25 Mar 2020

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ugu hambalyeysay in ay gaartay marxaladda go'aaminta ee ‘decision point’ ee deyn cafinta

Muqadisho  Qarammada Midoobay waxay ugu hambalyeynaysaa Soomaaliya inay gaartay marxaladda go’aaminta deyn fududeynta (cafinta) Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan (HIPC) – taasoo ah tallaabo taariikhi ah oo horay loogu qaaday waddada uu dalku u marayo nabad iyo barwaaqo.

“In la gaaro ‘marxaladda go’aaminta’ Barnaamijka HIPC waa tallaabo weyn oo horay loogu qaaday horumarka dhaqaale ee Soomaaliya, taasoo u oggolaaneysa dalka inuu u sii gudbo yoolkiisa muddada fog ee kobcinta dhaqaale ee loo dhan yahay iyo yareynta saboolnimada. Dhammaan dadka Soomaaliyeed way ku faani karaan guushaan la gaaray, ”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

'Marxaladda Go'aamintu' waxay ammaan iyo markhaati u tahay dib-u-habeynta maareynta maaliyadda guud ee mas'uuliyiinta dowladda federaalka,” ayuu raaciyay. "Waxay sidoo kale ka tarjumeysaa iskaashiga xoogga leh ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, waxayna dejineysaa tusaalooyinka iskaashiga mustaqbalka ee arrintan iyo kuwo kale."

Hay'adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ayaa aasaasay Barnaamijka HIPC sannadkii 1996-kii si loo hubiyo in waddan sabool ah uusan la kulmin culays deyn ah oo ka badan awoodiisa uu ku bixiyo dulsaarka kuna maareeyo.

Gaaritaanka 'Marxaladda Go'aaminta' waxaa loola jeedaa in la xaqiijiyay u-qalmitaanka Soomaaliya ee deyn ka fududeynta (cafinta), si buuxdana loo soo celiyay oo caadi noqday xiriirka ay la leedahay Hay'adaha Maaliyadeed Caalamiga ah. Soomaaliya waxay sidoo kale hadda u qalantaa oo xaq u yeelan doontaa noocyo gaar ah oo deeq-lacageed oo lagu daboolo baahiyaheeda ee maaliyadda guud iyo horumarinta iyo inay fursad u hesho aaladaha maalgelinta ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.