QM oo ku dhawaaqday tartan taabagelin ah loo qabanayo dhallinyarada barakacayaasha ah

8 May 2016

QM oo ku dhawaaqday tartan taabagelin ah loo qabanayo dhallinyarada barakacayaasha ah

Macluul kaag ma reeba ah ayaa ku khasabtay Xaliima Cabdulqaadir Axmed in ay ka huleesho gurigeeda oo ku yiil Qoryooley sannadkii 2011-kii. Ilaa wixii markaas ka dambeeyeyna waxay todobadeeda carruurta ah kula nooleyd deegaanka Rajo, oo ah mid ka mid ah 486 xero oo ay ku jiraan dadka barakacay ee magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ku yaal.

8-dii May, Qaramada Midoobey ayaa soo dhaweysey hindise ka yimid Dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa in wax laga qabto daruufaha qallafsan ee haysta 1.1 million oo barakaceyaal Xaliima oo kale ah, iyadoo loo marayo guddi ay dowladdu hoggaamineyso oo sameyn doona siyaasad barakacayaasha loogu darayo Qorshaha Horumarinta Qaranka.

 “Waxaan rabaa in aan diiradda saarno mustaqbalka 10 boqolkiiba dadweynaha Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa ku barakacay. Waxaan joognaa wakhti is beddelaya, isbeddelladaasina waxay ballaarinayaan fursadaha jira iyo sinnaan la’aanta labadaba” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, oo hadlayey kulan heer sare ah oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo looga arrinsanyey sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda barakacayaasha.

“Dowladdu waxay ku dhawaaqday in arrinta barakacayaashu ay ku weyn tahay, ayna meel sare kaga jiraan dadaalka qorshaha horumarinta qaranka, islamarkaana ay mudnaan gaar ah siineyso,” ayuu yir Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Middobey (QM) u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq, oo sidoo kalena QM u qaabilsan Degaanka iyo Isku-dubbaridka Arrimaha Bini’aadamnimada dalka.

Lataliyaha Gaarka ah ee Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Middobey (QM) u qaabilsan Soomaaliya, Walter Käelin, ayaa bogaadiyey dadaalka ku aadden wax ka qabashada arrintan. “Waxaan u baahan nahay in aan hawlaha bini’aadamnimada ku kabno kuwa horumarinta si dadka barakacay loogu dhafo qorshaha horumarinta qaranka,” ayuu yiri.

Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha Federaalka ah, Sahra Maxamed Cali Samatar oo isla kulankaas ka hadleysey ayaa muujisey sida ay ugu rajo weyn tahay in wada-xaajoodkani wax ka tarayo in xal waara loo helo daruufaha haysta dadka deegaannadoodi ka barakacay ee dumarka u badan.

 “Arrinta barakacayaashu waxay saameyn ku leedahay nolosha bulshadeenna, sida xasilloonida, dhaqaalaha, siiba haweenka iyo dhallinyarada oo ah kuwa ugu nugul. Dhallinyaradeennu waxay billaabeen in galaan socdaal khatar ah oo y qaarado kaga gudbayaan, si ay u gaaraan Yurub iyo ka shishay,” ayey tiri Zahra.

Si wax looga qabto xaaladda dhallinyarada barakacayaasha ah eek u jira xeryaha dalka ku firarsan, Mr. De Clerq wuxuu ku dhawaaqay tartan taabbagelin ah oo loogu talogalay in dhallintaas looga caawiyo sidii ay bulshada u dhexgeli lahaayeen.

 “Fikradda sanduuqa taabbagelintu waa hindise yar oo kiiba ay ku baxayso ugu badnaan $10,000, isku geynna gargaarkaas waxaan fileynaa in uu ku kaco $500,000. Taasina waxay fursado siineysaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee la yimaada hinseyaal ay isku fillaansho ku gaari karaan, si ay noloshooda iyo tan reerahooda ugu daboolaan si sharaf leh”ayuu hadalkiisa ki soo gunaanudey Mr. de Clerq.