Qoraalka shirkii jaraa’id ee khadka intarneeta ee uu Xafiiska QM ee Soomaaliya ku qabtay Muqdisho – 26 Oktoobar 2021

previous next
26 Oct 2021

Qoraalka shirkii jaraa’id ee khadka intarneeta ee uu Xafiiska QM ee Soomaaliya ku qabtay Muqdisho – 26 Oktoobar 2021

HADALJEEDIYEYAASHA 

  • James Swan, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya (UNSOM)
  • Anita Kiki Gbeho, Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya
  • Lisa Filipetto, Kaaliyaha Xog-haya guud ee QM, ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS)
  • Mohamed Ayaya,Wakiilka wadanka ee Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay, (UNICEF) ahna ku-simaha Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya
  • Jocelyn Mason, Wakiilka Gaarka ah ee Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ahna ku-simaha Isku duwaha gaarka ah.

JAMES SWAN: Subax wanaagsan soona dhawaada. Magacaygu waa James Swan. Waxaan ahay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Waxaa maanta halkan ila jooga Lisa Filipetto, oo ah Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Anita Kiki Ggeho, oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, sidoo kalena ku qaybsan dhanka siyaasadda, kala dambaynta iyo arrimaha amniga. Sidoo kale, Maxamed Ayoya, oo ah ku-simaha Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya iyo sidoo kale wakiilka dalka ee Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambayntiina, Jocelyn Mason, oo ah Ku-simaha Isku-duwaha ee Soomaaliya ahna Agaasimaha Dalka ee Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay. Axaddii ina dhaaftay, waxay ahayd maalinta Qaramada Midoobay, sannad-guurada maalintaas oo ahayd 1945-kii, markii uu dhaqan galay Cahdiga Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobay waxaa loo abuuray inay noqoto rajada duni ka soo baxaysa colaad. Hadda, 76 sano kaddib, waxay sii waddaa u adeegida dadyowga adduunka.

Qaar ka mid ah caqabadaha loo abuuray in wax laga qabto ayaan se is beddelin, nasiib darro. Isku dhac, faqri, gaajo, isla markaa caqabado cusub ayaa soo kordhay sida COVID 19 iyo isbeddelka cimilada, haddii xuso laba tusaale. Waxaan jeclaan lahaa in aan ku bilaabo in aan si degdeg ah u soo koobo waxa ay Qaramada Midoobay udub-dhexaad u tahay, haddii si guudna loo hadlana, waxa ay ku dhisan tahay saddex aasaas.

Ugu horrayn, waa mabaadiida ku cad Axdiga Qaramada Midoobay iyo dukumentiyada kale, sida ku dhawaaqida caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo axdiyada iyo heshiisyada qeexaya rabitaanka adduunka. Marka labaad, waa kooxo kala duwan oo si toos ah uga qaybqaata wanaagga dadka adduunka min haqab-beelka cuntada ilaa xuquuqul insaanka, iyo qaar kaloo badan. Hay’adahaas waxaa ka mid ah in ka badan 20 Hay’adood, Sanduuqyo iyo Barnaamijyo, kuwaas oo Soomaaliya jooga, sida UNICEF, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, Haweenka QM, iyo qaar kale oo badan.

Marka saddexaad, Qaramada Midoobay waa gole ay ku midaysan yihiin 193 waddan ee xubno ka ah. Inta badan wadamada adduunka, waa meel ay isugu yimaadaan si ay uga doodaan heshiisna uga gaaraan go'aamana uga qaataan dariiqa loo marayo hor-tabinnada muhiimka ah ee caalamiga ah. Halkan Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxa ay ahayd saaxiibka joogtada ah ee dalka tan iyo markii uu xornimada qaatay, oo soo jirtay dhowr toban-sanaale, waxaana rajeyneynaa in iskaashiga Soomaaliya uu ka sii socdo dhinacyo badan mustaqbalka.

Waxaa taa ka mid ah taageerada amniga iyo dhismaha dowladnimada, taageerada baahiyaha bini'aadantinimo, taageerada horumarinta, kaalmaynta maamullida deegaanka, bixinta adeegyada, xuquuqul insaanka, ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada ee siyaasadda, iyo hubinta matalaadda beelaha laga tirada badan yahay iyo kooxaha kale ee la haybsooco dhanka geedi-socodka siyaasadda iyo go'aan qaadashada. Dhinaca siyaasadda, waxaa na dhiirigelinaysa in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ku dhawaaqaan heshiis lagu xallinayo khilaafaadkii bishii hore soo kala dhex galay, waxaana rajeyneynaa in diiraddu ay dib ugu laabato halka loogu baahida badan yahay hadda – geeddi-socodka doorashada dalka.

Annagoo taas ka duulayna, waxaan soo dhaweyneynaa doorashada Aqalka Sare oo gabagabo ku dhow, waxaana madaxda Soomaaliya ka codsaneynaa inay si deg deg ah ugu soo jeestaan wejiga xiga ee doorashada kuraasta Golaha Shacabka (Aqalka Hoose). Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa dedaalka loogu jiro in la helo ugu yaraan qoondada haweenka ee 30% ee Baarlamaanka, iyadoo aannu sidoo kale xusayni in ku dhawaad 26% kuraasta Aqalka Sare ay buuxiyeen haweenku ilaa hadda.

Waxaan ugu baaqeynaa cid kasta oo ay khuseyso in ay sii laba laabaan dedaalkooda si loo gaaro qoondada doorashada Golaha Shacabka ee soo socota. Taageerada Qaramada Midoobay ee geeddi-socodka doorashada ayaa ahayd mid joogto ah sanadihii lasoo dhaafay. Waxaa ka mid ah isku-dubbaridka taageerada deeq-bixiyayaasha iyo wax-qabadkooda deeqsinimada leh. Waxaa ka mid ah ka qaybgalka joogtada ah ee kooxda hirgelinta doorashada federaalka ah, kooxaha hirgelinta doorashada Maamul-goboleedyada, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Maamullada xubnaha ka ah federaalka iyo deeq bixiyeyaasha. Waxa kale oo aan rabaa in aan xuso arrimaha doorashooyinka, doorashadii deegaanka ee ka dhacday saddex degmo oo ka tirsan Puntland shalay.

Qaramada Midoobay ayaa shalay magaalada Qardho u dirsatay koox si ay u muujiyaan garab-istaagga shacabka Puntland oo howshan bilaabay. Waxa aanu ku rajo weynahay in haddii hawshan la muujiyey lagu guulaysto, in ay nasiin karto qaab doorasho mustaqbalka ah oo ku salaysan hal qof iyo hal cod in lagu qabto maamullada xubnaha ka ah federaalka iyo in mustaqbalka, doorasho heerar qaran laga qabto halkan Soomaaliya

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sii waday taageerada ay siiso Soomaaliya dhanka baahiyaha horumarineed. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah dedaalka aannu ku bixinay maamulka biyaha dhanka barnaamijka la dagaalanka musuqmaasuqa ee aannu la yeelanay maamullada Soomaaliya, dedaallada lagu taageerayo maamullida deegaanka, inaan safka hore kaga jirno adeeg bixinta iyo qaar kale oo badan.

Kaalmadan oo dhan waxaa loo bixiyey si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya. Waxaana xaqiijineynaa in QM ay kaalamayneyso dadaallada si waafaqsan Habraaca Dalka ee Qaramada Midoobay oo sidookale ay la saxiixdeen maamullada Soomaaliya. 

Sidaas oo kale waxaa ah arrinta taageerada baahiyaha bani’aadanimo ee Somaaliya. Nasiib darro, qalalaasaha ayaa weli ah waxa ugu weyn ee wado barakicinta, laakin iminka jahwareerka cimilada ayaa ah sababta labaad ee ay Somaalidu uga tagaan guryahooda. Qiyaasta sanadka 2022 ayaa ah tiro gaareysa 7.7 milyan qof oo Soomaali ah ayaa u baahan doono gargaar bani aadanimo sanadka gudihiisa.

Ilaa iyo hada sanadkan 2021 QM iyo bah wadaagteeda waxay gargaar bani aadanimo siiyeen dad gaaraya ilaa 2.3 milyan oo ku sugan gudaha Soomaaliya.   Marka laga hadlayo xaaladda beni’aadanimo, waxa aan doonayaa in aan fursaddan uga faa’iideysto inaan walaac ka muujino dagaallada dhawaan ka dhacay Guriceel. Waxa ay saameeyn daran oo taban ku yeesheen shacabka. Intaa waxaa dheer, in ay hortabinnada ka mashquuliyeen geeddi-socodka doorashada iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Aan wax yar u weecdo ka jawaabista cudurka to COVID 19 ee Hay’adaha Caafimaadka ee Soomaaliya. Waxa aan markale ku faraxsan nahay in aanu Dowladda Soomaaliya kula bahowno dadaalladan.

Dalka waxa uu hadda deeq ahaan u helay ku dhawaad 2 miliyan oo kuuro oo tallaal naf-badbaadin ah, oo inta badan loo soo mariyey xarunta COVAX tan iyo Maarso 2021. Hay’adda Caafimaafka Adduunka iyo UNICEF ayaa sii wada kaalmeynta wasaaradaha caafimaadka ee heer federaalk iyo mid dowlad-goboleed si loo xaqiijiyo sidii tallaalka si aamin ah oo loo siman yahay loogu qeybin lahaa iyada oo lagu keydinaayo qaboobiyeyaal, tababarka tallaaleyaasha iyo iyada oo dadka lagu dhiirri-gelinaayo in ay is tallaalaan.

Intaa waxaa dheer, inaan dabcan sii wadi doonno in aan taageerno dadaallada dowladdu ku xaqiijinayso sii wadista hab-dhaqannada ka hortagga cudurka COVID 19 ee bulshooyinka  maxalliga ah. Maanta, qiyaastii 4% dadka Soomaaliyeed waxa ay qaateen ugu yaraan hal kuuro oo tallaal ah. Tallaaladuna waxa ay dowr muhiim ah ka qaataan ka ilaalinta shaqaalaha caafimaad, iyo sidoo kale dadka dadka ugu nugul khatarta COVID 19. Welina, tallaal badan baa loo baahan yahay si Soomaaliya u gaarto yoolkeeda 20% ka ah.

Ugu dambeyn, maaadaama aan mar kale u dabbaal dageyno Maalinta QM, waxa aan tusaalooyin yar ka bixiyey baaxadda kaalmada ay Qaramada Midoobay siiso Soomaaliya. Hase ahaatee, kaalmooyinkani waxa ay saameeyn ku yeelan karaan oo kaliya marka ay nala wada shaqeeyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, ururrada bulshada rayidk ah, iyo bahwadaagta badan ee ah Saaxiibada Soomaaliya. Soomaaliya horumarro la taaban karo ayey gaartay sanadihi u dambeeyey. Hase yeeshee, weli baahido wey baahad weyn tahay.

Annaga, bahda QM, waxaa sharaf noo ah in aan Soomaaliya kula bahowno dadaalladeeda iney ku aaddan nabadda, dowlad-wanaagga, iyo horumarka ee dalka. Waxa aan jeclaan lahaa in ay aan weydiiyo in ay saaxiibadey iyaguna wax ka dhahaan dhinacyada ay ka saqeeyaan, ka dibna waxa aan u soo jeesan karnaa wixii aad su’aalo qabtaan.

Aad baad u mahadsantihiin

Waxa aan filiayaa in markaan aan ku wareejin doono Lisa Filipetto, Kaaliyaha Xog-haya guud ee QM, ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS)

LISA FILIPETTO: Aad ayaad  u mahadsan tahay  Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud, Swan

Xafiiska Taageerada Qaraamada Midoobay ee Soomaaliya waxaa uu kamid yahay saaxibbada muhiimka ah ee ka caawiya Soomaaliya in amni lagu soo dabbaalo dalka taas oo qayb ka ah Qorshaha Kala Guurka Soomaaliya ee Amniga. Waxaan halkan u joognaa dadka Soomaaliyeed iyo in aan taageerno aragtidooda amni buuxa,Soomaaliya xasilloon oo horumartay. 

UNSOS waxaa 2009 aasaasay Golaha Ammaanka ee QM, billowgi waxay taageero saadka ah siin jirtay milateriga AMISOM, booliska iyo rayidkaba. Hadda tiradooda waa 19,600. Taageeradeena waxaan siinaa 76 qaybood oo xarumo muhiim ah iyo goobaha safka hore guud ahaan Soomaaliya,waxaan kamid ah cunnada,shidaalka,bakhaarada difaaca, iyo gaadiidka,iwm.

Golaha Ammaanka wuxu markii dambe wajibaadkeena ku daray bixinta saadka si aan u taageerno Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya marka ay hawgal wadajir ah ama iskaashanayaan AMISOM. Haddeer taageeradeena waxay gaartaa 13,900 oo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo taageeradeena waxaa kamid ah cunnada,shidaalka, biyaha,bakhaarada difaaca, dhismaha awoodda lagaga hortago walxaha qarxa iyo daadgureynta dhaawaca iyo dhimashada. 

Waxaa kale oo aan taageernaa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya iyada oo loo maraya taageerada saadka aan siinno hawlgallada UNSOM sida uu Golaha Ammaanka u xilsaaray. Mudnaanteena koowaad haddeer waa inaan taageernaa amniga doorashada oo ay sugayaan AMISOM iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ee joogo goobaha codbixinta 

Waxaan caawineynaa Kooxda QM ee dalka joogto anaga oo siineyno adeegyo awoodsiinaya beesha calaamka waxaana aasaaseynaa oo maareyneynaa Xarumaha QM Soomaaliya oo dhan. Guud ahaan waxaan si toos ah u taageernaa dad gaaraya 34,000, waxaan sidoo kale maalgelinaa qandaraaslayaasheena kuwaas oo shaqaleysa shaqaalo Soomaali ah iyo kuwa ajanabi ah.

UNSOS marwalbo uma muuqato soomaalida,laakin waxaa laga yaabaa inaad aragtaan Kooxda Duulimaadyada QM oo ay hawlgeliso UNSOS. Qaar kamid ah hawlaha UNSOS ay qabatay oo faaii’ddo u keenay hormarka dalka, waxaa kamid ah sare u qaadista iyo tayactirka dhabbooyinka diyaaradaha ka duulaan,sida Kan Baydhabo,Jowhar,Beledweyne, iyo Dhuusamareeb. Tani waxay ka dhigeysaa in ay inbadan ku degi karaan duulimaadyada ganacsiga iyo kuweenna.

Waxaa kale oo aan gacan ka geysannay bixinta ogsijiinta oo la siiyey cisbitaalada maxalliga ah oo ku jiro la dagaalanka COVID-19 kahor inta aan awoodda maxalliga la aasaasin. Waxaan soo daabulnay qalab caafimaad oo lagu daaweeyo COVID oo aan geeynay maamullada qaar iyo waxan xaqiijineynaa in macaamiisheenna la talaali doono

Waxaan sidoo kale sanadkan iyo kii horeba gacan ka geynsannay daabbulidda imitxaanada loogu talo galay imtixaanada dugsiyada sare taasoon geynay goobaha ay adagtahay in la gaaro.

UNSOS waxay ku dadaaleysaa ayna ku faraxsan tahay in aan siinno macaamiisheenna  adeegyo hufan oo waxtar leh. Waxaa kale oo aan ka mahadcelineynaa taageerada aan ka helno Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, saaxibada caalamiga ah, Saaxibada QM iyo shaqaalaha UNSOS si aan ugu guuleysanno gudashada waajibaadkan.

Mahadsanidiin.

JAMES SWAN: Aad baad u mahadsan tahay, Lisa. Mahadsanid. Markanna waxa aan ku faraxsanahay in aan ku wareejiyo Maxamed AYOYA oo ah Ku Simaha Isu-Duwaha Bani’aadminimada.

MOHAMED AYOYA: Aad ayaad u mahasantahay Mudane Swan WGXG, cid kastana waxaan leeyahay subax wanaagsan. Waxaan jeclaan lahaa inaan dhowr qodobbo oo ku saabsan xaaladda beni’aadminimo ku daro intii uu idin la wadaagay WGXG.  

Aan ku billaabo inaan iraahdo xaaladda beni’aadminimo ee Soomaaliya waa mid weli aad u ba’an, sida WGXG uu sheegay, 7.7 milyan oo qof, ama ku dhowaad kala bar dadka dalka ku nool, ayaa la qiyaasayaa inay u baahanyihiin kaalmo aadminimo sanadka 2022. Soomaaliya waxay leedahay mid ka mid ah tirada ugu badan dadka gudaha ku barakacay. Waxaan ku qiyaaseynaa tani inay tahay 2.9 milyan, intii u dhaxeysay Jannaayo iyo Sebtembar oo keliya, colaad iyo amni darro ayaa ku qasbay 420,000 inay ka cararaan guryahooda.   

Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa isbeddelka cimillada. Ka dib laba xilli roobaad oo is xigay oo roobku ka hooseeyay intii caadiga ahayd, nasiib darro waxaan isu diyaarineynaa mid saddexaad. Baahida bani’aadminimo aad ayay u ballaarantahay. Nasiib darro, dhaqaalaheenu waa xaddidanyahay. Saaxiibada howlaha bani’aadminimada ka shaqeeya waxay la baratameyeen waqtiga si ay gargaar iyo badbaado u gaarsiiyaan Soomaalida ugu nugul.

Bil kasta, sida WGXG uu hadda xusay, 2.3 milyan oo qof oo ka mid ah 4 milyan oo bartilmaameed u ah Qorshaha Waxqabadka Bani’aadminimo, ayaa helaya taageero naf-badbaadin ah. Bishii Agoosto oo keliya, saaxiibada howlaha bani’aadminimada ku howlan waxay siiyeen 1.1 milyan oo qof taageero la xiriirta maareynta iyo isu-duwidda xerooyinka, 62,200 oo qof waxaa la siiyay taageero dhinaca nafaqada ah in ka badan 96,000 waxay heleen kaalmo dhinaca biyaha iyo fayadhowrka ah.  

Saameynta naafeynta leh ee safmarka COVID19, oo ay la socoto arrimo kale, ayaa sababay yaraansho ba’an oo ku timid maalgelinta howlaha bani’aadminimda ee Soomaaliya  sanadkan. Xitaa hadaa oo aan hadleyno, waxaan ugu dhowaan joognaa dhamaadka sanadka Qorshaheenna Waxqabadka Bani’aadminimana nasiib darro waxaa la maalgeliyay 50% oo  keliya.

Maalinta QM ayaa ah munaasabad wakhtiyeysan oo ku soo aaday xilligii ku haboonaa oo laga fekero horumarka iyo laakiin sidoo kale inaan dib u ballanqaadno gaarsiinta kaalmo naf-badbaadin ah iyo inaan yareyno dhibaatada Soomaalida ugu nugul, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Sidoo kale waa maalin aan dadaalkeenna dib diiradda ugu saareyno inaan xoojinno mabaadi’da guud oo Qaramda Midoobay lagu asaasay.

Mahadsanid mudane WGXG.

JAMES SWAN: Mahadsanid Maxamed markanna aan u jeesanno Jocelyn Mason, ku-simaha isku-duwaha gaarka ah ee soomaaliya, Jocelyn

JOCELYN MASON: Runtii aad ayaad u mahadsan tahay SRSG Swan. Waad mahadsan tihiin dhammaantiin.

Waxaan markaan waxyar ka hadlayaa hormarrada dhaqaale iyo caqabadaha jira, caqabadaha aan dhaxalnay 2020, oo ay ka mid yihiin billaabashadii COVID iyo saamaynta adag ee uu ku yeeshay dhaqaalaha caalamka. Abaaraha, Fatahaadaha iyo waliba Ayaxii dillaacay ma ahan wali kuwo naga dhammaaday. Marka loo eego saadaasha qaar, 20% oo ka mid ah bulshada Soomaaliya waxaa si toos ah ama si dadban u saameeyay Caabuqa.

Hase ahaate, marka loo fiiriyo warbixinta Bangiga Adduunka, dhaqaalaha waddanka waxaa la rajeynayaa inuu ka soo kabto hoo-u-dhacaan iyadoo wax soo saarka gudaha la saadaaliyay inuu kobci doono 2.4% sanadkaan. Si kastaba ha ahaatee, taasi waxay u baahan tahay wakhti. Dakhliga gudaha Soomaaliya waxaa uu ahaa mid 13% hooseeya rubicii hore ee 2021 oo ay sabab u tahay hubanti la’aanta ku xeeran doorashada iyo dhaqaalihii lagu taageerayay miisaaniyadda ee ka imaanaysay saaxibbada caalamka oo wali hakad ku jirta.

Qaramada Midoobay iyo saaxibadeeda ayaa si kastaba ha ahaatee sii waday inay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan in la gaaro hormar la taaban karo ayadoo Qaramada Midoobay taageertay aqbalidda Soomaaliya ee Axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga Musuqmaasuqa 11 kii Agoosto, dhab ahaantiina tani waa tallaabo wayn oo usoo hooyatay arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa.

Haddaba ayadoo laga duulayo dhismaha Istiraatijiyadda la dagaalanka qaran ee musuqmaasuqa 2020 ilaa iyo 2023, guddi howled ka socda QM oo ay wehliso dowladda ayaa waxaa ay samaynayaan Mashruuc toban sano ah oo wadajir ah oo diiradda lagu saarayo wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo saamaynta uu ku yeeshay Haweenka iyo Carruurta iyo qof walba oo ku nool dalkaan.

Guusha kale ee xusidda mudan ayaa ah istiraatiijiyadda Biyaha Qaranka Soomaaliyeed kaas oo la daahfuray seddexdii Agoosto. Guushaan waxaa ay gundhig u tahay hormarka khayraadka biyaha dalka.  Tani waa mid si gaar ah muhiim u ah maadaama isbeddelka cimillada si isdaba jog ah loogu arkayay mid qayb ka ah isku dhacyada taasi oo u baahan in loo helo xal dhamaystiran si looga hortago musiibooyinka.

Guddi-howleedka Qaran ee Abaaraha iyo Fatahaadaha ayaa sidoo kale la daah-furay taasi oo na gaarsiin doonta in la dhimo saamaynta xun ee isbeddelka cimillada. Soomaaliya maadaama ay ka jiraan dhibaatooyin wajiyo badan waxaa sidoo kale loo baahan yahay in la helo xal wajiyo badan si looga hortago naxdiin mustaqbalka ah.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ay diiradda saartay iyo in ay gudbiso xal noocaas ah ayadoo la abuurayo fursado wada shaqayneed ee howlgalinta iyo xiriirinta saddexlayda ah.  Xal raadimihii ugu dambeeyay waa mid wadajir ah oo u dhaxaysa deeqbixiyayaasha iyo khubarada waxaa ay wada garteen 3 meelood oo u baahan xal raadin dhab ah in loo helo waxaana ka mid ah helidda adeegyada aasaasiga ah, Guriyaynta iyo hantida ma guurtada ah iyo kor u qaadista dhaqaalaha iyo nidaam dhaqaale oo la wada qabo.

Maalintan, xuska maalinta Qaramada Midoobay waxaa naga go’an inaan sii wadno inaan dowladda Soomaaliya kala shaqayno arrimahaan iyo sidii loo heli lahaa bulsho barwaaqaysan oo nabad ah, haddii aad su’aalo haysaan diyaar ayaan u ahay inaan idinkaga jawaabo.

Mahadsanidiin.

SU’AALO IYO JAWAABO

SIMON VALMARY (Wakiil FRANCE-PRESSE): Waa sidee xaaladda ka socoto Gurceel oo ah walaac dhinaca amniga ah iyo sidoo kale geeddi socodka doorashada, iyada oo la ogyahay in Galmudug ay dib ugu dhacday geeddi socodka doorashada Aqalka Sare?

JAMES SWAN: Mahadsanid. Haa, waan ka walaacsannahay dhab ahaanti waxaan sidoo kale ka xunnahay dagaalka ka socdo Guriceel, kaas oo haddeer socday dhowr maalmood

Ugu horreyn, waxaan ka walaacsannahay cawaaqibta bani’aadanimo, kuwaas oo aad u daran. Sida iska cad, warbixinada weli waa kuwo billow ah, laakin waxay muujinayaan ku dhowaad 20,000 oo qoys ayaa barakacay oo u dhiganta qiyaasti 100,000 oo qof. Waxaa intaa dheer, waxaa jiray warbixinno aad loo dhibsado oo ku saabsan cisbitaal burburay iyo xarumaha bulshada rayidka ah taas oo ah cawaaqibka dagaalka. Sida iska cad,   tani waxay noqon doontaa xadgudub Sharciga Bani'aadamnimada Caalamiga ah (IHL) haddi tan ay ahayd mid si ula kac ah loo beegsaday.

Intaa waxaa ka baxsan, waxaan ka walaacsannahay  in dareenka laga weeciyo arrimaha kale ee mudnaanta muhiimka ah leh, oo ay kamid yihiin dhameystirka geeddi socodka doorashada iyo in la sii wado la tagaalanka Al-Shabaab. Sidaa darted, waxaan hubaashi soo dhaweyneynaa dadaalada ay wadaan dhinacyada dagaalamaya in ay hakiyaan colaadaha socda ayna baadigoobaan fursado lagu wadahadlo oo keeni kara in si nabad ah lagu xalliyo xaaladdan iyada oo aan dadka dhibaato hor leh la gelin.

SIMON VALMARY (Wakiil FRANCE-PRESSE): . Ma fileysaa waqtiga loo cayiimay ee geeddi socodka doorashada in doorashada waqtigeeda lagu qabto? Maadaama Aqalka Hoose la filaayo in la soo gebagebeeyo Nofeembar 25? Ma fileysaa in madaxweyne la soo doorto dhamaadka sanadka?

JAMES SWAN: Hagaag, dhab ahaanti, hay’adaha maamula doorashada oo laga xusi karo Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka, wuxu dhawaan soo saaray kaltirsi la cusbooneysiiyey  oo loogu talo galay geeddi socodka doorashada, kaa oo ku baaqaya doorashada Golaha Shacabka in lasoo gabagabeeyo 20-ka Nofeembar. Sida cad, kani waa jadwal la jecleysan karo,laakin waxay nalatahay in la sameeyo dardargelin sarreyso si hore loogu socdo geeddi socodka doorashada. Geeddi socodka Aqalka Sare wuxu ku dhowyahay in la dhameystiro,labo kursi kaliya ayaa hartay oo lagu dooran doono Galmudug.

Geeddi socodka, si kasta oo ay ahaato, wuxu qaatay saddex bilood,geeddi socodka Golaha Shacabka waa in la dedejiyaa.  Waxan si dhow ula shaqeyneynay anaga oo u mareyno Kooxda Taageerada Doorashooyinka ee isku-dhafka ah ee ka tirsan nidaamka Qaraamada Midoobay oo ay kamid yihiin UNSOM iyo UNDP, iyo sidoo kale xubnaha shaqaalaha QM, kuwaa oo si dhow uga shaqeynaya iskaashi lala leeyahay Guddiga Hirgelinta doorashada Fedraalka iyo guddiyada hirgelinta doorashada ee dowladaha Xubnaha ka ah iyo Xafiiska Rai’sal Wasaaraha in ay dhiirigeliyaan in hore loo socdo.

CATHERINE HOURELD (REUTERS): Waxan aad u jeclahay inaan wax ka ogaado  waxa aad ka qabateen dagaalka Galmudug, waa maxay suurtogalka in dagaalkan hore u fido? Waxan akhriyey waxbixin ku saabsan shalayto.

JAMES SWAN: Waxay ila tahay waan ka walaacsannahay haddi dagaalka Guriceel sii socdo oo daba dheeraado, halis ayaa jiri karta in dagaalka faraha ka baxa. Halis ayaa jiri karta in xoogaga kale,haddi ay ahaan lahaayen kuwo ku saleysan qabiil ama xoogaga kale oo taageersan Maamulka Galmudug iyo madaxda federaalka  ay ku soo biiri doonaan dagaalka. 

Tani waa sababta ay iila tahay in ay muhiim tahay in uu jiro xal deg deg ah, labada dhinacba ee xagga baniaadanimo iyo sidoo kale in la xaqqijiyo in aysan noqonin sida adigaba aad muujisay mid dareenka ka waacisa oo leexisa geeddi socodka doorashada iyo sidoo kale baahida loo qabo in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay diiradda saaraan la dagaalanka Al-Shabaab.

CATHERINE HOURELD (REUTERS) Ma na siin kartaa waxyaabo gaar ah oo ku saabsan sida Al-Shabaab ugu faa’iidday dagaalka noocan ah ee u dhexeeyo xulafadii hore? Miyuu ku fidayaa deegaano kale? Ma awoodaa in ka qaado weerarro gobolkan? Waxaan ka wadaa xoogaah warbixin cusub, tifatirayaasheenna waxay marwalbo na weyddiiyaan in aan tiro u yeelno khasaaraha..Sidaa darted, waxaan leenahay waxaan ka xunnahay in Al-Shabaab ka faa’iideysato dagaalkan.ma jiraan tusaaleyaal gaar ah oo ay na siin karta oo ku saabsan in Al-Shabaab ka faa’iideysaneyso xaaladda, fadlan. 

JAMES SWAN: Afartii maalmood ee lasoo dhaafay kuma siin karo tusaale gaar ah inta lagu gudo jiray dagaalkii xoogganaa ee Guriceel laakin waa walaac guud marka ay jiraan xoogag Soomaali ah oo diiradda saaraya hal ujeeddo oo aan Al-Shabaab ahayn,  waxaa jiri kara dareen hoggaamineed oo ku wajahan ujeeddo aan Al-Shabaab ahayn,  waxaa jiri kara qaybo amniga iyo sirddoonka ah oo diiradda saaraya ujeeddo aan Al-Shabaab ahayn, waxaa jiri kara fursad weyn oo Al-Shabaab kaga faa’iideysan karto muddadan. 

Tani waa walaac mar labaad oo aan ka qabno xaaladdan, Laakin marka laga hadlayo in la xuso tusaale gaar ah, dhowrki maalmood ee lasoo dhaafay,ma hayo mid aan kula wadaago waqtigan.

MOHAMED YUSUF (VOICE OF AMERICA): waan ka xumahay,arrin xagga maqalka ayaa i haysata, laakin waxan rabay haddi suurtogal tahay ma jiraa qof ka hadli kara wax ku saabsan aarinta bani’aadanimo,sida dagaalka haddeer ka socdo Galmudug ay u saameysay xaaladda baniaadanimo iyo si guud dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ee doorashooyinka dib u dhacay iyo xiisadaha siyaasadeed iyo sidaa taasi saameyn ugu yeelatay ahaan gargaarka guud bani’aadanimo iyo guud ahaan dadka.

MAXAMED AYOYA: Aad ayad u mahadsantahay. Waxaan isku dayayaa in aan ka hadlo arrinta ku gadaaman bani’aadanimada iyo cawaaqibta ee waxa haddeer ka dhacaya Guriceel. Sida uu sheegay WAKIILKA GAARKA AH EE XOG-HAYAHA GUUD, qiimaynteena  illlaa hadda waxay na tustay in 20,000 oo qoys ay barakaceen, taasina waxaa lagu qiyaasi karaa wax ka badan 100,000 oo qof.

Dabcan, dhibaatada jirto waxaa waaye in adeeg ama gargaar la gaarsiyo dadka waa mid aad u adag. Sidaa darted, hadda oo aan hadleyno, waxan run ahaanto joognaa dhulka iyada oo ay na weheliyaan saaxibadeen waxaan isku dayeynaa inaan adeeg gaarsiino dadka  haddii  ay noqon lahayn fayadhowrka,nadaafadda iyo sidoo kale cunno. 

Laakin waa mid aad u xaddidan sababtoo ah,sidan uu  hore u sheegay dhaqaalaheenna iyo hantideenaa waa kuwo xaddidan. WAKIILKA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta cisbitaallada la saameeyey,sidoo kale taasi waxay  micno tahay helitaanka dadka ee daryeel caafimaad oo yaraado goobaha qaar,Guriceel gaar ahaan.

Sidoo kale, WAKIILKA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD wuxu ka hadlay mid kamid ah saaxibadeena wax nala fuliya oo Hay’ad maxalli ah oo si toos ah loo beegsaday oo ay saameyn ku yeelatay, waxaa kaloo ka muhiimsan in ay ku waayeen mid kamid ah shaqaalohooda. Waxaas oo dhan waxay la micno tahay dhab ahaanti waxaa jira dhowr caqabadood iyo waxyaabo xaddidaya si dadka wax loo gaarsiiyo iyo in la siiyo adeegyada aan hadda bixin karno.

Waxaa dhamaanteen isku keen duwaya OCHA ,waxaan shaqeynaa maalin iyo habeen si loo xaqqiijiyo  in dadka aan siin karno adeegyada aan bixino sidaan hore u sheegay dhinacyada fayadhowrka, caafimaadka intii suurtogal ah iyo sidoo kale dhinaca cunnada ee goobta.

JAMES SWAN: Haddii aan soo qaato saameynta ay ku leedahay dib u dhaca doorashooyinka. Tani waxay qayb ka tahay walaac guud in ay jiraan doorashooyin dib u dhacay oo kaga jira qayb dhexe dareenka hoggaamineed ee dalka waqtigan taasao nassib daarro sababeysa waxyaabo kale mudnaan muhiim ah leh in ay dib u dhacaan, si guud ayan u fiirin karnaa ajandayaasha horumarineed. 

Waxan eegi karnaa in shaqadi dhaqanka ahayd laga qabtay amniga. Waxaan eegi karnaa waxyaabaha mudnaanta leh ee dhasmaha dowladda  ee ku xeeran dastuurka, ku xeeran aasaasidda hay’adaha sarreynta sharciga,hay’adaha garsoorka, ee ku saabsan dhismaha nidaam waxtar leh oo loogu talo galay dib u heshiisiin qaran. 

Intaas oo dhan, nasiib darro, dib ayaa noola dhigayey waxaana sabab u ah in xoog diiradda loo saaro doorashooyinka qaranka, waxaa kaloo jira caqabado la taaban karo oo ay kamid tahay, sida ay Jocelyn xustay dib u dhaca taageerada lacageed ee ay bixiyaan deeq bixiyayaasha dibada sababtuna waxay tahay walaaca geeddi socodka doorashada dabadheeratay.

Mar labaad, waxan rumeysannahay tani in ay la jaanqaadeyso rabitaanka iyo niyadda dadka Soomaaliyeed, waxaan boorrineynaa in geeddi socodkan doorashada si deg deg ah hore loo wado,si lagu kalsoonnaan karo ee nidaam loo dhanyahay,si ixtiraam leh iyo sidoo kale in la xaqiijiyo baahida loo qabo ka qaybgalka haweenka,dhalinyarda,iyo kooxaha taarikhiyan la faquuqay si dalka ugu socdo in wax laga qabto waxyaabaha kale ee muhiimadda iyo mudnaanta leh sida ugu dhaqsiyaha badan. 
 

*****