Qorshaha ka-jawaabidda arrimaha gargaarka ee Soomaaliya waxa uu doonayaa $1.09 billion si loogu caawiyo dad gaaraya 4 milyan sanadkan 2021

17 Feb 2021

Qorshaha ka-jawaabidda arrimaha gargaarka ee Soomaaliya waxa uu doonayaa $1.09 billion si loogu caawiyo dad gaaraya 4 milyan sanadkan 2021

Muqdisho — Dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagteeda caalamka waxa ay raadinayaan $1.09 bilyan si taageero noloshooda lagu badbaadinayo loogu sameeyo dad tiradoodu ay gaareyso afar milyan oo aad u nugul kuwaas oo ay saameeyeen xaalada bani’aadannimo ee sii xumaaneysa ee guud ahaan dalka ka jirta.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa qorshaha ka jawaabidda arrimaha la xiriira gargaarka maaanta xilli ay Soomaaliya ku jirto marxad adag,” waxaa sidaas  Isiniintii caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka sheegay Adam Abdelmoula, isu duwaha arrimaha gargaarka bani’aadannimo ee Somaliya.

“Xaaladaha bani’aadannimo ee ba’an iyo dhibaatada ka jirta dhinaca ilaalinta kuwa nugul ee aan aragnay sanadihii u dambeeyey, waxaa si weyn u sii kordhaya baahiyaha ka jira guud ahaan dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray. Waxaan ugu baaqayaa deeq bixiyeyaasha in ay xilli hore qorshahan gacan ka geystaan si aan deg deg caawinaad lagu badbaadinayo noloshooda u siinno dad ay tiradoodu gaareyso afar milan oo aad nugul kuna nool guud ahaan Soomaaliya.”

$1.09 ee sanadkaan ayaa xoogaa ka badan $1.01 sanadkii hore ee 2020 , iyadoo dadka gargaarka u baahanaa sanadkii hore ay gaarayeen afar malyan oo qof. Dadka gargaar u baahanaya sandkaan ayaa la qisyaasayaa in ay gaari doonaan 5.9 malyan oo qof.

Sanadkii hore qorshaha arrimaha gargaarka la xiriira ayaa lagu doonayey in lagu caawiyo3 malyan oo qof, balse waxa ay caawisay dad gaaraya 2.3 malyan. Deeq bixiyeyaasha ayaa 82% ka bixiyey gargaarkii loo baahnaa.

Codsiga sanadkan 2021 waxa uu ujeedkiisu yahay in caawinaad nolosha dadka lagu badbaadinayo laga sameeyo guud ahaan Soomaaliya, taas oo isugu jiri doonta wax ka qabashada arrimaha deg degga ah sida waxbarashada, sugnaanta cuntada iyo nolosha dadka, caafmaadka, saadka, waxyaabaha aan raashinka ahayn iyo hoyga deg degga ah, nafaqeynta, biyaha, faya dhawrka iyo nadaafadda.

Iyadoo talada lagu darsanayo soo kabashada iyo hawrkarnimada Soomaaliya ee 2019-2021, HRP ayaa ku talo jirto qorsheynta sidii Soomaaliya ay uga kaaftoomi laheyd gargaarada bani’aadamnimo mustaqbalka fog – waxaa sidaa hoosta kaga xariiqay xaflada wakiilka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

 Xilli uu kaabayo Barnaamijka Soo kabashada iyo Adkeysiga Soomaaliya, hadana Qorshaha Ka jawaabidda Arrimaha Gargaarka la xiriira waxa uu doonayaa in uu sameeyo tallaabooyinka iyo haykalka sare loogu qaadayo awoodda ay ku adkeysan karaan Soomaalida muddo dheer si ay uga caawiso in ay u babac dhigaan waxyaabaha sababa in loo baahdo gargaar bani’aadannimo – qodobkaas waxaa ka dhawaajiyey wakiil ku matalayey Dowladda Federalka Soomaaliya shaacintii barnaamijkan.

“Qorshahan ka jawaabidda waxa uu si cad u muujinayaa go’aanka dowladda ee ah in baahiyaha arrimaha bani’aadannimo ee Soomaaliya in aan waxba looga qaban Karin kaliya in dadka laga taageero badbaadada noloshooda waxa ayna muujineysaa in ay jiraan fursado ay deeq bixiyeyaasha dhinaca horumarka waxtar uga geysan karaan si loo xoojiyo adkeysiga dadka Soomaaliyeed,” waxaa sidaas yiri agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka,” Axmed Abukar Axmed.

Xaaladda oo ka sii dareysa

Xaaladda bani'aadamnimada ee Soomaaliya waxaa la filayaa in ay ka sii darto sannadka 2021. Arrintan waxaa u sabab ah qodobadii jiray sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu suntay waxa loogu yeero Saddexda masiibo' sida COVID-19, ayaxa, cimilada aan la saadaalin Karin iyo masiibooyinka cimilada oo ay ka midka yihin abaaro iyo daadad baaxad leh. Kuwani waxa ay sdheeri ku yihiin saameynta colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

"Cunno yarida ayaa la filayaa in ay ka sii darto, taas oo ay ugu wacan tahay  saameynta fatahaadaha, roobab ka hooseeya celcelis ahaan intii caadiga ahayd iyo duullaanka  ayaxa ee ka sii daraya, xilli la filayo 2.7 milyan oo qof in ay la kulmaan dhibaato ama xaalad deg-deg ah oo la xiriirta cunto la'aan bartamaha sanadkan 2021,”waxaa sidaas yiri Mr. Abdelmoula, kaas oo sidoo kale ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xogyaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

"Xaaladaha cimilo ee aan la saadaalin karn waxaa la filayaa inay sii socdaan 2021-ka taas oo ay ka mid tahay cimilada loo yaqaan ‘La Nina’ ee la sugayo bilowga sanadkan,taas oo ay suurtagal tahay in ay ka dhalato abaar,” ayuu hadalkiisa raaciyey. “Durbo xaaladaha ka soo horreeya abaaraha ayaa laga soo wariyey dhawr maamul gobolleed.”

2021 HRP waxay mudnaanta siisaa  caawinta dadka nugul, oo ay ku jiraan hal milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano kuwaas oo halis ugu jira nafaqo-xumo ba'an.

Taageerada waxaa ka mid ah bixinta gargaarka cuntada ee nolosha lagu badbaadiyo ee 3.1 milyan oo dad gudaha ku barakacay ah iyo dadka ay haystaan dhiibatooyinka iyo marxalada deg degga ah ee cunto yarida, xilli sidoo kale sare loo qaadayo fursadaha ay u heli karaan adeegyada aasaasiga ah iyo taageerada nolosha.

Isuduwaha Hawlaha Bina-aadamnimada ee Gobolka Geeska Afrika, Marieke Denissen, oo ka hadlaysay furitaanka iyada oo loo marayo shir fiidiyoow ah iyada oo ku hadlaysa deeq-bixiyeyaasha bani'aadamnimada, ayaa carabka ku adkeysay baahida loo qabo in la ilaaliyo bulshooyinka nugul iyo kuwa halista ku jira.

Iyadoo u hadlaysa deeq-bixiyeyaasha arrimaha gargaarka, furitaanka shir fogaan-arag ah, Isuduwaha Hawlaha Bina-aadamnimada Gobolka Geeska Afrika ee dalka Netherland, Marieke Denissen, ayaa carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in la ilaaliyo bulshooyinka nugul iyo kuwa halista ku jira.

"Waxaan wali ka walwalsan nahay kahortagga xadgudubyada ka jira Soomaaliya, taas oo ku qasbeysa dadka in ay qaxaan, iyaga oo u wajahaya khataro badan, oo ay ka mid yihiin xadgudubyada jinsiga, iyo kuwa hore u soo barakacay, waxaan aragnaa kiisas hoy ka saaris ah oo keenay xitaa nuglaansho baahsan," ayay tiri.

Iyadoo ay weheliyaan barnaamjyo kale oo bani'aadamnimo, qorshaha arrimaha gargaarka waxa uu sidoo kale u qaabeysan yahay in uu gacan ka gaysto  fududeynta jawi suurta gelinaya bixinta howlaha bani'aadamnimada. 

Qorshaha bani’aadanimada ee sannadka 2021 waxa uu tilmaamayaa iyada oo ay jiraan dhibaatooyin badan oo kala duwan sida kooxaha hubeysan, kaabayaasha dhaqaalaha oo liita iyo nabadgelyo xumo baahsan in ay caqabad ku yihiin karaanka ay hawl wadeenada bani'aadamnimada ku gaarsiin karaan dadka barnaamijyada ay ku talagaleen, qorsheyaashii hore ee arrimaha bani’aadanimada kala bar uun  ayaa la bixiyey.

Sannadkii 2020-ka, howgallada jawaabidda arrimaha bani'aadamnimada ee Soomaaliya waxaa saamayn weyn ku yeeshay amni-xumo. Waxaa jirey 255 dhacdo oo la soo wariyey kuwaas oo lagu diley 15 shaqaale samafal ah, waxa ay si taban saameyn ugu yeelatay gaarsiinta gargaarka dadka aadka ugu baahan. Intaa waxaa dheer, nabadgelyo xumada ayaa caqabad ku noqotay bixinta gargaarka taas oo ka dhigan in aan la mari Karin wadooyinka ugu muhiimsan taas oo ku qasabtay saaxiibada in ay ku tiirsanaadaan gadiidka circa si loo gaaro dadka nugul.