Hadalkii Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

23 Oct 2017

Hadalkii Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare

ii ogolow inaan ku billaabo inaan kuu hambalyeeyo, Madaxwayne Waare. Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn oo aad shacabka reer HirShabeelle ugu horseedo nabad iyo barwaaqo.

Munaasabadani waxay dhacasaa iyado uu dalku weli la daala dhacayo qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay magaalda Muqdisho 14kii Oktoobar oo ay ku dhinteen in ka badan 350 qof, in kale oo badana ku dhaawacmeen. Masiibadan aan horay loo arag waxay saameysey bulsho kasta, qoys kasta, qof kastoo Soomaali ah.

Gurmadka weerarka wuxuu ahaa mid muujinaya midnimo, laga soo billaabo geesinimadii dadkii ugu horeeyay ee gurmaday iyo dadka deegaanka ah iyo isgacan qabashada bulshada rayidka ah, hayadaha gobolka Banaadir iyo kuwa Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, ururrada aan dowliga hayn iyo ganacsatada, qurbo joogta iyo saaxiibada beesha caalamka.

Geerida dad aad u badan waa inaanay noqon mid micno darro ah.

Waqtigan midnimada qaran ee xilligan waxaa loo adeegsan karaa in lagu hormariyo ajandaha ay Soomaalidu aadka ugu baahan tahay, aadna u mudantahay: in lala dagaallamo lana jabiyo kooxaha xagjirka ah, in la xoojiyo hay'adaha qaran ee bixin kara adeegyada asaasiga ah ee bulshada oo ay ka midyihiin caddaaladda, caafimaadka iyo waxbarashada, iyo in la abuuro shaqooyin. Hadii si kale loo dhigo, in sida ugu ballaaran amaanka loo xoojiyo.

Weerarrada ayaa yimid waqti ay Soomaaliya sameynaysay horumar la taaban karo. Magaalada Muqdishu waxay isku bedaleysaa meel wanaagsan. Qaab dhismeedka dowladda goboleedyada federaalka ayaa la isla meeldhigay. Hannaankii doorashooyinka ee dhowaan la qabtay ayaa horseeday xilwareejin awoodeed oo si nabadgelyo ah ku dhamaatay, waxaana jira qorshayaal ah in doorashooyin guud ee ay dadka oo dhan codeeyaan la qabto 2020/21.  Waxaa la isku afgartay qorshaha horumarinta qaran iyo qorshaha qaabdhismeedka amniga qaran.

Kuwan oo dhan waxaa loogu baahan yahay si loo hormariyo tayada nolosha iyo mustaqbalka malaayiin ah, oo isugu jira rag, haween iyo gaar ahaan dhalinyarada. Laba ka mida saddexdi qof oo Soomaali ahba waxay maalin kasta halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cunto ku filan, iyadoo aysan jirin wax damaanad qaad ah xagga hab-nololeedka ama helidda caddaaladda. Tani waa wax aan la aqbali karin qarniga 21aad.

Horumarka Somaaliya, iyo sida weyn ee ay uga go’antahay dowlada federaalka inay wax ka qabato caqabadahan, ayaa soo jeetay taageero baaxad leh oo ka timid beesha caalamka. Waxaynu u baahanahay inaynu ilaashano arrintan, si loo xoojiyo amaanka, dhisidda hay’adaha, dakhli ururinta, horumarinta dhaqaalaha iyo gurmadka abaaraha.

Furaha horumarku ma aha taageero dibadda laga helo, inkastoo ay muhiim tahay.  Waa hogaanka iyo lahaanshaha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale u heellanaanta in si nabad ah lagu xalliyo colaadaha iyo khilaafaadka. Waxay u baahantahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ee niyada samida leh ay is yimaadaan si ay u jabiyaan kuwa adeegsada rabshadaha awaxashnimada ah si ay u gaadhaan ujeedooyin fikir.

Waxaynu ku sharfi karnaa oo aan xusuusan karnaa dhibbanayaashii weerarkii 14kii Oktoobar inagoo si wadajir ah ugu wada shaqeyna dareen midnimo si loo dardargaliyo amaanka bani’aadantinimo ee dhammaan dadka Somaaliyeed. Hogaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa kale waxay haystaan fursad iyo mas’uuliyad loogaga dayan karo arrintan, ha ku jiraan dowlada, ururrada bulshada ama ganacsiga gaarka loo leeyahay. Danta guud waa inay ka hormartaa danaha kooxaha iyo kuwa gaarka ah.

Aan wada hadalno waa aan Heshino.