Saaxiibada caalamka oo ka dhur-sugaya in horumar siyaasadeed oo dheeraada ah lala yimaado kadib Shirka Heerka-sare ee Madasha Iskaashiga

3 Aug 2015

Saaxiibada caalamka oo ka dhur-sugaya in horumar siyaasadeed oo dheeraada ah lala yimaado kadib Shirka Heerka-sare ee Madasha Iskaashiga

Muqdisho – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, waxay soo wada dhoweynayaan ballanqaadyadii lagu sameeyay shirki Madasha Wadatashiga Heerka Saree ee ka dhacday Muqdisho. Soddon iyo Laba wufuud ayaa ka qayb gashay shirkaas taariikhiga ahaa, kaas oo ahaa shirkii ugu ballaarnaa ee caalamiga ahaa oo ka dhaca Soomaaliya muddo tobaneeyo sano ah.