Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya oo ka walaacsan dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

14 Dec 2018

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya oo ka walaacsan dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Muqdisho Saaxiibada Caalamka ee kala ah * (hoos ku qoran) waxay ka walaacsanyihiin dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyadeynaynaa geeridii ku timid xubin ka tirsanaa golaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha ka dhacay magaalada Baydhabo.  

Waxaan cambaaraynaynaa dhamaan rabshadaha iyo falal kasta ee sii daraya xaaladda bani’aadanimo. 

Beesha caalamka waxay hoosta ka xariiqaysaa in loo baahanyahay taageero mideysan oo loo muujiyo habka-shaqo ee lagu maamulayo doorashooyinka, waxayna ku boorinayaan dhammaan dhinacyada inay xushmeeyaan hufnaanta geedi-socodka doorashada.

Waxaan dhiiri-gelinaynaa wada-hadal wax dhisaya oo lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed waxna looga qabto caqabadaha kale si horay loogu socodsiiyo horumarka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee dalka.

* = Denmark, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiya, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, AMISOM iyo Qaramada Midoobay.