Saaxiibbada beesha caalamka oo soo dhoweeyay dhameystirka Doorashooyinka Aqalka Sare ee Soomaliya

15 Nov 2021

Saaxiibbada beesha caalamka oo soo dhoweeyay dhameystirka Doorashooyinka Aqalka Sare ee Soomaliya

Muqdishu –Saaxiibbada Caalamiga* ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee daba socotay kulanki Golaha Wadatashiga Qaran ee 11 ka Nofeembar iyo ballan qaadka hoggaamiyeyaasha ee dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ugu dambeyn dhammaadka Diseembar 2021.

Si kastaba ha ahaatee, Saaxiibbada Caalamiga ahi waxa ay weli si weyn uga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid waxa ayna ku boorrinayaan hoggaanka Soomaalida, ee dhammaan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka. Waxa aan xusuuusan nahay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha caalamka, durbaba la heli karo si loo dhammeystiro qeyb weyn oo ka mida doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxa aan sii wadeynaa in aan ku baaqno doorashooyin lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, wakhtigoodana ku qabsooma, kuwaas oo joogteya hufnaanta geeddi-socodka doorashada. Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebteembar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad.

Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.