Samsam Siciid Maxamed: Wacyigelinta xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Puntland

previous next
13 Nov 2021

Samsam Siciid Maxamed: Wacyigelinta xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Puntland

Garowe – Samsam Siciid Maxamed waxay xilli hore oo aysan da’adeedu sidaa usii waynaynba garowsanayd in xaaladda ay haweenka Soomaaliyeed kunool yihiin aysan ahayn sidii loo baahnaa, ayadana uu saaran yahay waajib ay kaga qayb qaadan karto horumarinta haweenka.

Waxay sidoo kale garowsatay in haween badani aysan aadba ugu baraarugsanayn xuquuqdii aasasiga ahayd ee ay xaqa u lahaayeen, taasina waxay saamaysay awooddoodii ahayd inay qaataan doorkii muhiimka ahaa ee ay bulshada Soomaaliyeed ku lahaayeen.

"Haweenay, ama gabar aan qudheedu aqoon xuquuqdeeda uma dagaallami karto inay xaqa ka maqan soo ceshato, ee waa inay marka hore ay barato xaqeeda – Arintaan waxaan u arkayay arin muhiim ah. Bulshada guud ahaan ayaa cilladaas oo kale ka jirtaa oo si buuxda uma fahansana muhiimadda awoodsiinta iyo sinaanta jisniga, xataa haddii aad kala hadashid mawduucyadan dadka qaybtood, waxaad dareemi kartaa inuu yahay mid wali laga gabbado ama ceeb loo arko,” ayay tiri Samsam Maxamed.

Arimahaas aan kor kusoo sheegnay waxay gabadhan da’ada yar ku dhalisay inay horay u mariso xirafaddeeda iyo mustaqbalkeeda ku aaddan u qareemidda haweenka, gaar ahaan ayadoo diiradda saaraysa kobcinta aqoonta haweenka ee ku aaddan xuquuqda aasaasiga ah ee ay leeyihiin, ayna tahay tallaabada ugu horaysa ee laga bilaabayo kobcinta aqoonsiinta haweenka ee dhinacyada xirfadda iyo waxabrashada si ay uga qayb galaan bulshada.

Ujeeddo fog oo horumarineed

Samsam Maxamed, waxay ku dhalatay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Markii ay dhamaystay waxbarashadeeda dugsiga hoose/sare, waxay sanadkii 2009 bilowday waxbarashadeedii koowaad ee Jaamacadda, waxayna bilowday Jaamacadda Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ee Puntland, waxayna saddex sano ka kadib qaadatay shahaadadii darajada koowaad ee Jaamacadda, oo ay ku diyaarisay Dhaqqaalaha. Intaa kadib waxay horay usii qaadday marinkii horumarka ee ay hiigsanaysay, waxayna 2014 ka qalin jabisay Jaamacadda Caalamiga ah ee Kampala oo ay ka diyaarisay shahaadada labaad ee Siyaasadda iyo Qorshaha Dhaqaalaha.

Qalinjabinteeda kadib, waxay durba ku biirtay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha qoyska Puntland si ay uga dhabayso riyadii ahayd inay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta haweenka, una caawiso, si ay u xaqiijiso in haweenku helaan xaqooda ka qaybgalka dhamaan dhinac walba dalka Soomaaliya, ka bilow dhaqaalaha kuna xiji tacliinta iyo siyaasadda.

“Lataliye dhinaca Jinsiga ahaan, kana tirsan Wasaaradda Haweenka Puntland, waxaan qayb ka ahaa haween da’yar oo maddaalayaal ah saamaynna ku leh bulshada, kuwaasoo u kacay inay is baddal ku sameeyaan hab fakarka bulshaa ee ku aaddan horumarinta awoodda aqooneed, waxaana si gaar ah xoogga u saaraynay horumarinta haweenka hammiga leh, iyo musharixiinta, anagoo ka dhisaynay dhinaca tacliinta iyo xirfadda,” ayay tiri Samsam.

 “Dadka siyaabo kaladuwan ayaan ku gaarnaa waxna ula qabanaa, waxaana kamid ah inaan kulamo ku qabto aniga iyo kooxaha ila shaqeeya deegaanno fog fog oo gobollada Puntland oo dhan ka mid ah,” ayay intaa raacisay. “Waxaan sare u qaadnaa kobcinta wacyiga haweenka anagoo isticmaalna warbaahinta sida raadiyaha, talefishinka iyo baraha bulshada ee ay hormuudka u yihiin Facebook iyo Twitter.”

Dadaallada dheeriga ah

Dadaalka Samsam ay samayso kuma eka la shaqayta Dawladda Puntland.

Waqtiyadeeda qaybtood gaar ahaan marka ay firaaqo hesho, waxay si mutadawacnimo ah ku qabataa shaqooyin la xiriira horumarinta haweenka oo ay kamid yihiin tabobarka iyo hagidda haweenka iyo gabdhaha kunool Puntland ayadoo la adeegsanayo habka fogaan aragga iyo hab toos ah.

Intii u dhaxaysay 2015 iyo 2020 waxay bare ka noqotay jaamacado ku yaalla Puntland oo ay kamid yihiin  Jaamacadda Puntland State University iyo Jaamacadda Mogadishu University fareceeda Boosaaso. Aqoon kordhinta ay Samsam bulshada Soomaaliyeed u samayso waa mid aan ku ekayn ardayda jaamacadaha balse waxay gaarsiisaa odayaasha dhaqanka.

“Waqti dheer ayay qaadan kartaa in guul laga gaaro yoolasha muhiimka ah ee lagu kordhinayo tirada haweenka ee siyaasadda iyo go’aan gaaridda ka qayb qaadanaya,” ayay intaa raacisay Samsam Maxamed. “Waxaan ku dhiiri galiyaa haweenka inay marka hore ayagu taageero isku muujiyaan, xilliyada doorashada, sidoo kalana xilliyada codaynta ay codkooda isku taageeraan. Waa nasiib darro inay dhacdo haween rag u codaynaya, haddana ka cabanaya in raggu meel walba ka qaadeen doorashooyinka.”

Dadaaladda aqoon kordhinta ee ay bulshada u samayso waxaa ku jira tabobaro ay siiso odayaal dhaqameedyada oo ay qudhooda mar mar kala kulanto jawaabo diidmo ah, halka mar marna ay dhacdo ay ku eedeeyaan inay gabdhohooda ka mashquulinayso, balse taas Samsam waxay ka qaadday dhiiri galin iyo inay kobciso fikirka iyo aqoonta bulshada ee ku aaddan haweenka.

“Mar marka qaybtood waxaa iga horyimaada odayaasha, oo isku daya inay iga hor istaagaan shaqooyin aan meelo ka wado, tani waligay ima niyad jabin, igamana joojin dadaalkii aan waday ee la xiriiray wacyi galinta  iyo kobcinta aqoonta gabdhaha iyo haweenka,” ayay tiri.

Jid-dheer baa harsan

Samsam waxay garowsan tahay in la sameeyo isbaddal baaxad leh ay ka horayso waddo dheer oo u baahan dadaal iyo is gacan qabsi, waxayse ku rajo wayntahay in hab fakarka bulshada ee ku aaddan haweenka uu kama danbaysta is abddali doono.

“Matalaadda haweenka ee Baarlamaanka iyo Golaha wasiirada Puntland waa mid aad u hooseeya. Haweenku waxay 66-da xildhibaan ee Puntland ku leeyiiin 2 kursi oo kaliya, halka golaha wasiirada oo ah wadarta 54 ay ku leeyihiin lix kursi kaliya,” ayay tiri.

“Laakiin aniga iyo u qareemayaasha haweenka ee wada shaqayntu naga dhaxayso, waxaan qabanaa olole baaxad wayn oo aan la qabano, dawladda, iyo odayaasha, waxaana diiradda ku saarnaa in haweenka Puntland fursad loo siiyo ka qayb gal balaaran oo dhanka hoggaanka Puntland ah,” ayay intaasi raacisay. “Intaan wadno ololeheena, waxaan ku niyad sannahay in haweenka soo galaya doorashada baarlamaanka federaalka ay kor u kacdo,” ayay carabka ku adkaysay.

Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay si xooggan  ugu  u ololaysay in haweenka si weyn looga qayb galiyo siyaasadda dalka iyo qaybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, waxayna ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in la helo qoondada ugu yar ee boqolkiiba 30-ka ah ee matalaadda haweenka ee doorashooyinka baarlamaanka qaranka ee hadda socda.

"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan kuwa ay khuseyso inay laba jibbaaraan dadaalkooda si loo gaaro qoondada doorashada Golaha Shacabka ee soo socota," Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu dhawaan qabtay.

Bishii Sebtembar, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina J. Mohammed ayaa booqasho ku timid Soomaaliya si ay u garab istaagto baaqyada haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka-qaybgal buuxa oo loo siman yahay ee dhinaca nolosha siyaasadda. Waxay si adag u iftiimisay doorashooyinka baarlamaanka ee hadda dalka ka socda inay fursad u tahay in lagu sii amba qaado horumarka laga sameeyay ka qaybgalka siyaasadda haweenka, waxayna carrabka ku dhufatay in haweenka si buuxda uga mid noqdaan dhammaan qaybaha bulshada ay gacan ka geysan doonto dib u soo kabashada, nabadda iyo xasilloonida.