Shamsa Cabdullahi Bybook: Haweeney u ololeeysa xuquuqda caafimaadka taranka ee haweenka Soomaaliyeed

14 Feb 2018

Shamsa Cabdullahi Bybook: Haweeney u ololeeysa xuquuqda caafimaadka taranka ee haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho - Shamsa Cabdullaahi Bybook waxaa ay ahayd kalkaaliso da’ yar oo ku jirta da’da labaatanaad markii ay dalka ka qaxday, kaddib markii xiisadaha ka jiray Muqdisho ay sii xoogeeysteen sanadkii 1989-kii, si ay nolol cusub uga bilowdo Boqortooyada Ingiriiska. Waxaa ay ummuliso khibrad leh ka noqotay isbitaalka Waqooyiga London iyadoo markaasina haysatay shahaadada mastarka oo ay ka qaadatay Jaamacadda Middlesex, waxaana ay halkaasi ku yeelatay qoys.

Balse weligeed ma aysan illaawin Soomaaliya. Marmar ayey booqasho ku tageysay dalkeeda hooyo, hooyadan leh6-da carruurta ah, waxaa ay aad uga xumaatay xaladaha liita ee xarumaha caafimaad ee u furan haweenka xaamilada ah, iyo tirada badan ee haweenka umul raacday.

“Waxaan aragnay dhibaatooyinka ay hooyooyink marayeen,” ayay tiri haweeneydan 59 sano jirka ah ee ka soo jeedo magaalada Kismaayo. “Carruurta ayaa iyagana iska dhimanaayay; waayo waxaan jirin habraac fudud oo lagu magacaabo dib u soo kabasho iyo hawada oxygen-ka ah.”

Sannadkii 2016-ka ayaa waxaa ay go’aansatay in ay wax ka qabato arrintan. Shamsa iyo seygeeda ayaa soo guuray iyagoona dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho si ay halkaasi uga dhisaan isbitaalka dhalmada oo ay haweenka Soomaaliyeed ka heli karaan adeegyo dhalmo oo tayeeysan-Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Bybook.

Shamso waxaa ay si buuxda u dareensaneyd halista ay leedahay in ay dalkeeda dib ugu soo laabato. Waxaa ay ka shaqeyn jirtay magaalada London iyada oo qayb ka mid ah wakhtigeeda warar u akhrin jirtay laanta afka Soomaaliga ee BBC, kaddib markii loo diray magaalada Kismaayo sanadkii 1997-dii, halkaas oo ay muddo gaaban u afduubneyd maleeshiyo hubeysan.

Bilooyin uun kaddib markii ay magaalada Muqdisho ku soo laabatay ayaa waxaa ay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ka furtay degmada Hodan ee caasimadda Soomaaliya bishii Oktoobar ee 2017-da. Isbitaalkan ayaa waxaa uu bixiyaa adeegyo dhowr ah oo la siiyo bukaan socodka iyo bukaan jiifka oo ay ka mid yihiin in si bad-qabta looga dhalliyo haweenka, caafimaadka iyo daryeelka carruurta, la talin dhanka gudniinka fircooniga ah baaritaanka casriga ah ee uur ku jirta, daryeelka dhalmada kadib iyo daryeelka dhalmo la’aanta.

“Waxaan go’aansannay in aan kuwa kale ka duwanaano inagoo si aad ah diirada u saareyno daryeel tayeeysan. Tusaale ahaan, waxaan hubinnay in uusan jiri doonin canug u dhinta hawo la’aan ama la’aanta qalabka soo kabsashada amaba xitaa dhallooyinka caruurta la geliyo.  Tani muhiim ayay u tahay dalka,” ayay tiri, waxaana ay intaas ku dartay in ay sidoo kale daaha ka rogtay ol’ole diiradda lagu saarayo muhiimadda ay leedahay in lagu dhalo baaldi oo ay ku jiraan biyo qandac ah si loo yareeyo tirada carruurta ee dhimata kaddib markii ay dhashaan.      

Muhiimadda ay xarumo caafimaad oo tayadooda ay aad u sareeyso u leedahay Soomaalida ma ahan mid la soo koobi karo. Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF), heerka dhimashada dhallaanka ee carruurta Soomaaliyeed ayaa ah midda ugu sarreeysa dunida oo dhan. 7-dii caruur oo Soomaali ahba mid ka mid ah ayaadhinta ka hor inta uusan 5 sano gaarin, taas oo ka turjumeeysa heerka dhimashada ee ah 137 canug 1000-kii canug ee dhalataba. Heerka dhimashada hooyooyinka ayaa sidoo kale ah mid aad u sareeya iyadoo UNICEF ay sheegtay in 12-kii hooyaba ee mid kamid ah u dhimato arrimo la xiriira uurka- iyadoo heerka dhimashadu uu yahay 732 hooyo ee 100,000kii wax dhashaba.

Isbitaalkan hooyada iyo dhallaanka ah oo ay yaalaan 45 sariir ayaa waxaa qiyaas ahaan bishiiba si badqab ah ugu dhala 50 qof, waxaana sidoo kale uu daweeya carruurta ku dhalata dhibaatooyinka qaadashada hawada. Amaanta loo jeedinayo isbitaalkan ayaa aad u faaftay iyadoona gaartay meelo fog, iyadoo haweenka uurka leh ay ka yimaadaan magaalooyinka fog sida Afgooye iyo Jowhar.

“Iyadoo ay sabab u tahay dadaaladeena aadka u wanaagsan, dad badan ayaa waxaa ay hadda ka war qabaan adeegyadeenna,” ayay tiri Shamsa. “Xitaa haweenka waxbarashadoodu hooseyso waxaa ay ii sheegaan in ay maqleen inaan leenahay qalab gaar ah oo ka caawinaaya hooyooyinka iyo caruurta ay dhalaan in ay badbaadan.”

Si kastaba ha ahaatee, hirgalin la’aanta xeerar xakameeya waaxda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa walaac weyn abuurta ayey tiri Shamsa. Tababar xumo iyo in uusan jirin qalab ku filan ayay u aaneyneysaa Shamsa in ay sababaan dhibaatada jismi iyo dhimashada mar waliba ah

“Shaqaalaha ka shaqeeya isbitaalladu ma ahan kuwo si wanaagsan loo soo tababaray,” ayay tiri Shamsa “Dhibka jiraa  waa inaan cidna xaqiijinin tayada waxbarashada iyo adeegyada la bixiyo.”

UNICEF ayaa xustay in Soomaaliya uu ragaadiyay hannaan  aad u liita oo la xiriira bixinta daryeel wanaagsan oo cafimaad, oo ay bixiyaan maamullada cafimaadku, xarumo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay iyo hay’ado caalami ah iyo kuwo heer qaran ah oo aan dowli ahayn. Haweeneydan horay u soo ahaan jirtay kalkaaliso cafimaad ayaa ku boorrineysa Soomaalida doonaya in ay wanaajiyan xaladda cafimaad ee dalkooda in ay ku takhasuusan cafimaadka islamar ahaantaana ay ballaariyan tirada isbitaallada si loo badbaadiyo nolosha dadka.

“Seygeyga iyo anigu waxaan ka soo tagnay carruurteena iyo carruurta ay sii dhaleen si aan u dhisno isbitaalkan hooyada iyo dhallaanka ah islamarkaasina aan cawimaad u fidinno dadka u baahan adeegyadeenna,” ayay tiri. “Waxaan kula talin lahaa qof welibo oo leh higsigaas oo kale in uu ku dhaqaaqo maxaa yeelay innagu xitaa waan soo marnay. Ha ka joogsan, ha noqonin qof qalbi jaban.”