Faadumo Ismaaciil Maxamed: “Waxaan arkay gabdho aad u badan oo u dhibban gudniinka, waxaana gartay inaan wax ka qabto”

29 Apr 2023

Faadumo Ismaaciil Maxamed: “Waxaan arkay gabdho aad u badan oo u dhibban gudniinka, waxaana gartay inaan wax ka qabto”

Muqdisho – Subaxnimo 2011-kii, Faadumo Ismaaciil Maxamed waxa ay dhiganaysey fasalkeeda 8-aad caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyada oo sugaysa inuu casharku u bilaabmo, markii ay si lama filaan ah saaxiibteed oo dhinaceeda fadhiday ay dhulka ku dhacday, iyada oo xanuun la galgalanaysa. 

Waqtigaas, ma ay fahmin waxa dhacayey.

Markii ay u sii gudubtey dugsiga dhexe, Faadumo waxay goobjoog u ahayd in badan oo saaxiibadeed ah oo wajahayey xanuun iyo murugo la mid ah xilliga caadada.

Ugu dambayntii waxa ay ogaatey in waayo aragnimadooda xanuunka badani ay ka dhasheen gudniinka kaas oo keeni kara dhiig caado oo xanuun badan, caadada oo aan joogto noqon iyo in dhiiga caadada ay adkaato inuu soo baxo. 

Aqoontaasi waxay Faadumo u diyaasiday u dhaqdhaqaaqidda xuquuqda iyo daryeelka gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed.

"Waxa aan arkay in badan oo saaxiibadeyda ah oo dhibtoonaya, waxa aanan garwaaqsaday in ay waajib ahayd in aan wax ka qabto," ayay tiri. " gudniinku waa xadgudub ka dhan ah xuquuqul insaanka ah gabdhaha, kaasoo sababa inay in ay silic maraan inta ka dhiman noloshooda - waa dembi ka qaadaya gabdhaha xuquuqdooda aasaasiga ah iyo sharaftooda." 

Laakiin gudniinka – oo ah in qayb ahaan ama gebi ahaanba qofka laga jaro qaybta sare ee xubinta taranka ee haweenka ama dhaawac kale oo kasoo gaara xubinta taranka haweenka sababo aan caafimaad la xiriirin – waa mid muddo dheer ka jirey Soomaaliya, inkasta oo ay yarayd, haddana Faadumo way garanaysey inay si wanaagsan ugu diyaar garowdo dagaallada soo socda.

"Waan ogaa in dagaalka aan kula jiro dhaqankan gabowga ah ee waxyeellada lihi uu u baahan yahay in aan ku bilaabo waxbarasho la aamini karo oo i siin doonta agabka iyo xirfadaha saxda ah si aan u noqdo gayfane wax ku ool ah," ayay tiri.

Faadumo waxay ku dhalatay Muqdisho sannadkii 1998-kii, xilligaasi oo ay waxbarashaddu ku adkayd gabdhaha, qayb ahaanna waxaa u sabab ahaa dagaalladii sokeeye, balse sidoo kale waxaa sabab u ahaa caadooyinkii la aaminsanaa ee in gabdhuhu ay guursadaan iyagoo yaryar oo qoysas dhistaan, sidaas darteed, waxbarashadu daruuri ma ahayn.

In kasta oo ay caqabado soo food saareen, taageero ay ka heshay qoyskeeda, ayay ku guulaystay. 2015-kii ayay ka qalin jebisay dugsiga sare, waxa ayna u sii gudubtay waxbarasho heer jaamacadeed ah. Waxa ay shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaadatay culuumta shaybaarka caafimaadka ee Jaamacadda Al-Hilaal sannadkii 2019-kii iyo shahaado kale oo heerka koowaad ah, oo markan ah xagga nafaqaynta iyo cuntada gaarka ah oo ay ka qaadatay Jaamacadda Caasimadda Soomaaliya ee CUS sannadkii 2022-kii.

Ka bilaw fasaladi ilaa xerooyinka

Intii ay ku guda jirtey waxbarashadeeda, Faadumo waxa ka go’nayd inay noqoto u doode diiddan gudniinka.

Bannaanka fasalka, waxay si mutadawacnimo ah umuliso ahaan uga shaqaysay isbitaallada degaanka, waxayna sidoo kale xiisado xog-siin ah la yeelatay gabdhaha ku nool xeryaha barakacayaasha (IDPs) ee duleedka Muqdisho. Xiisadaha, waxay sahminaysey saamaynta gudniinka ee kasoo qaybgalayaasha, waxayna siinaysey dadka soo mutay meel ammaan ah oo ay kula wadaagaan khibradahooda iyo walaacooda. 

"Markii aan maqlay sheekadooda ayay igu dhalisay inaan waalidiinta ku dhiirigeliyo inay gabdhahooda ka ilaaliyaan gudniinka," ayay tiri. "Waxaan la hadlay hooyooyinka iyo aabbayaasha labadaba, anigoo ka baryaya inay gabdhahooda ka ilaaliyaan dhaqankan waxyeellada badan."

Laakin ma ahayn xubnaha qoyska oo kaliya kuwa ay 25 jirkan gayfanaha ihi ay la macaamilaysey

Wax ka qabashada arrintani waxay la macno tahay in lala kaashado umulisooyin dhaqameedka ka shaqeeya xeryaha barakacayaasha – oo ah koox isku xiran – oo aan isku dayo in lagu qanciyo inay joojiyaan howsha.

"Mar walba ma fududa in lagu qanciyo haweenka samaynayey gudniinka sannado badan inay joojiyaan waxaana ugu wacan caadooyin dhaqameedka iyo caqiidada daruuriga ka dhigaysey gudniinka, sida xaqiijinta daahirnimada gabadha, ayaa ahaa kuwo baahsan," ayay tiri Faadumo.

"Waxaan la fadhiistay qaar ka mid ah umulisooyinkan dhaqameedka waxaana u sharraxay xanuunka joogtada ah ee ay ku hayaan gabdhahan qaarkood," ayay raacisay. "Way adkayd in lagu qanciyo inay isbedelaan sababtoo ah waxay ku milnayd dhaqankeenna in xanuunku uu qayb ka yahay dumarnimada." 

Sheekooyinka dadka ka badbaadey

U heellanaanta Faadumo ee caqabadda joojinta gudniinka ee Soomaaliya ayaa ku kallifay inay buug ka qorto arrinta – ‘Hadimo Haween’ – kaasoo la daabacay 2022-kii. 

“Buugga waxaan u qoray inaan arkay ba’naanta xaaladda ay haweenku wajahayaan, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla duleedka Muqdisho. Waxaa uu ka hadlayaa dhacdooyinkii aan diiwaangelinayey muddo shan sano ah, lagasoo bilaabo 2016 ilaa 2021-kii, kuwaasoo ay ku jiraan sheekooyin badan oo gacan koowaad ah oo ku saabsan dadka ka badbaadey gudniinka ee noloshooda," ayay tiri.

"Waxaan aaminsan ahay in buuggani uu u noqon doono tas-hiilaad qiimo leh iyo dhaxal jiilalka soo socda si dhaqankan looga baabi'iyoSoomaaliya, iyo sida laga yaabo meelo kale oo adduunka ah," ayay tiri Faadumo. "Waa lagama maarmaan in wax laga qabto caqiidooyinka iyo dabeecadaha dhaqameed ee taageeraya dhaqanka. Gudniinku waa mid ka mid ah muujinta awood iyo xakamayn ku aaddan jirka gabdhaha iyo haweenka iyo jinsigooda. Waa dhaqan jinsi ku dhisan iyo waxyeello u baahan in sidaas loo fahmo lana joojiyo.”

Xadgudub ku salaysan jinsi

Shaqada Faadumo ee joojinta gudniinka waxay u nuglaysey caqabado kale oo ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan xadgudubyada ku salaysan jinsiga (GBV).

Sida ay qabto Qaramada Midoobay, xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha ayaa weli ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ugu baahsan adduunka. Kuwaas oo ay markii horeba ay kor u qaadday masiibada COVID-19, fiditaankiisa waxaa hadda uga sii daraya xasaradaha isla socda ee isbeddelka cimilada, iskahorimaadyada caalamiga ah, iyo xasillooni darrida dhaqaale.

Soomaaliya gudaheeda, gudniinka ka sokow, GBV waa xaqiiqo kale oo naxdin leh oo si qoto dheer u saameeysa nolol maalmeedka haween iyo gabdho badan. Sanduuqa Dadwaynaha ee Qaramada Midoobey (UNFPA) ayaa waxay xustay in, laga bilaabo 2019 ilaa 2022-kii, 74 boqolkiiba ka mid ah ka badbaadayaasha helay adeegyada kahortagga iyo taageerada GBV ay ahaayeen barokacayaal, kuwaasoo leh 93 boqolkiiba ka mid ihi ay dumar ahaayeen, iyadoo ay xaaladda uga sii dartay abaarta socota ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay xogta UNFPA, sanadka 2023 waxaa shan boqolkiiba kordhay kiisaska kufsiga lasoo sheegay bishii Febraayo marka loo eego Janaayo. Xogtu waxay sidoo kale muujisay koror lix boqolkiiba ah dhanka kiisaska cunfiga qoysaska ee la soo sheegay bishii Febraayo marka la barbardhigo Janaayo, iyo koror dhan boqolkiiba afar guud ahaan 2023-ka.

Iyadoo la shaqaynaysa hay'ado ay ka mid yihiin Ifrah Foundation, oo ah hay'ad aan dowli ahayn (NGO) oo diiradda saarta ciribtirka gudniinka, Faadumo waxay siisaa tababarka kahortagga GBV xubnaha bulshada iyo sidoo kale goobo ammaan ah iyo adeegyo la-talineed oo loogu talagalay dadka dhibku soo maray. Waxay hadda la shaqaysaa Northern Frontier Youth League (NoFYL), oo ah NGO, isna diiradda saara taageerada waxbarashada, bixinta ilaalin la siiyo dadka nugul, la dagaallanka GBV, iyo horumarinta adeegyada daryeelka caafimaadka.

"NoFYL-ka waxaan kala shaqeeyaa mashruucyo kala duwan, oo ay ku jiraan maaraynta kiisaska GBV iyo bixinta la-talin iyo taageero nafsaani ah iyo mid bulsho oo la siiyo dadka ka badbaadey GBV," ayay tiri Faadumo.

Intii ay ku guda jirtey la macaamilka badbaadayaasha GBV, waxa ay la kulantay xaqiiqada adag ee dumarka aan la tirin karin ee ay ku dhibaataysan gacanta tacaddiyeyaashooda, gudaha iyo dibedda qoysaskooda labadaba.  

Faadumo waxay xasuusataa hal dhacdo: “Qiso qalbigayga taabatay horraantii sanadkan waxay ahayd mid ka mid ah gabar 18-jir ah oo ku nool xero barakacayaal oo ku taalla magaalada Muqdisho. Waa la kufsaday, haatanna taa darted waxay leedahay uur siddeed bilood ah; waxay iiga qisayay sida uu kufsigu u saameeyey nolosheeda.”

Waxay sheegtay in la falgalka dad dhibkan oo kale ka badbaadey ay indhaha u fureen sida noocyada kala duwan ee GBV-ga ee lagu hayo haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya. 

"Waxaan si qoto dheer u fahmay dabeecadda naxdinta leh ee xadgudubka haweenka. Sheekooyinkoodu waxay muujinayaan saamaynta xun ee kufsiga, guurka khasabka ah iyo gudniinka,” ayay tiri Faadumo. Wadahadalladani waa xasuusin xoog leh oo ku saabsan sababta shaqadaydu ay muhim u tahay, waxayna xoojiyeen go'aankayga ah inaan sii wado dagaalka aan ugu jiro xuquuqda haweenka kuwaas oo la kulma noocyada kala duwan ee xadgudubyada jinsiga ku salaysan."

Qorshayaasha mustaqbalka fog

Si ay si wax ku ool ah gacan uga gaysato kahortagga gudniinka iyo GBV, Faadumo waxay hadda waddaa shahaadada mastarka ee culuunta caafimaadka iyadoo diiradda saaraysa dhanka maaraynta adeegyada caafimaadka. 

Waxay rajaynaysaa in ay cilmi-baaris ku samayso xalalka waara ee dhanka arrimaha haweenka soo wajaha oo ay isu diyaariso inay door hoggaamineed ku yeelato isbitaal maxalli ah.

“Haweenka Soomaaliya waxa ay la kulmaan caqabado badan, gaar ahaan dhinacyada ay ka midka yihiin daryeelka caafimaadka, oo ay naga maqan yihiin fursado marka loo eego ragga. Si kastaba ha ahaatee, anigoo sii wata waxbarashadayda oo kor u qaadaya xirfadayda iyo aqoontayda, waxaan ku kalsoon ahay inaan wax wayn ka bedeli karo nolosha haweenka Soomaaliyeed,” ayay tiri Faadumo. 

Dhaqan baahsan

Caalamiyan, in ka badan 200 milyan oo haween iyo gabdho ah ayaa la nool cawaaqibka gudniinka.

Soomaaliya, 99 boqolkiiba gabdhaha iyo haweenka ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 jir waxaa lagu sameeyay gudniinka, iyadoo badi la gudey da'da shanta ilaa sagaal jir, marka loo eego Sahanka Caafimaadka iyo Dadwaynaha Soomaaliyeed ee 2020-kii. 

Gabdhaha iyo haweenka lagu sameeyo gudniinka waxay inta badan la kulmaan cawaaqib caafimaad oo waqti dheer ah, kuwaasoo ay ku jiraan nabarrayn, kolmo dhiig fadhiyo, nabarro maali fadhido, iyo dhaawac kale oo dhanka nudayaasha ah, dhalmo la'aan, iyo u nuglaansho caabuqyada ah. Waxaa laga yaabaa inay la kulmaan dhibaato iyo xanuun marka ay caadadu ka imanayso, ay kaadinayaan, ama galmo samaynayaan.

Intaa waxaa dheer, cawaaqibku aad ayuu uga sii badan yahay midka jireed. Gudniinka waxa uu gooni u soocaa haweenka waxa uuna xoojiyaa sinnaan la'aanta jinsiga iyadoo la sii wado fikradaha xun ee jinsiga la xiriira ee xaddidaya awoodda suurtagalka ah ee haweenka. 

Hay’adda UNFPA ayaa xustay in inkastoo qaraarka Qaramada Midoobay uu ku baaqay in la joojiyo gudniinka, haddana dhaqankani uu weli yahay mid ku dhow mid guud ahaan ka jira Soomaaliya, iyadoo qiyaasihii u dambaysey ee la sameeyey lagu sheegay in in ka badan 2.1 milyan oo gabdho ah oo ku nool Soomaaliya ay khatar ugu jiraan gudniinka intii u dhaxaysey 2015-kii iyo 2030-ka.

Soomaaliya, UNFPA waxay la shaqaysaa Faadumo iyo dadka kale ee la midka ah si ay wax uga qabato baahiyaha haweenka iyo gabdhaha uu saameeyey gudniinka iyo noocyada kale ee xadgudubyada GBV iyadoo la siinayo goobo ammaan ah, daryeel caafimaad, iyo adeegyo bulsho iyo mid nafsiyeed.

Intaa waxaa dheer, in UNFPA iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobey (UNICEF) ayaa ka wada shaqaynayaan sidii hal fac gudihiis loogu joojin lahaa gudniinka. Hindisahani waxa uu ku xidhan yahay SDG 5, kaas oo ku baaqaya in la joojiyo dhammaan dhaqamadan waxyeellada leh marka la gaaro 2030-ka.

Si looga jiba keeno SDG5, barnaamijka UNFPA-UNICEF waxa uu qaatay habab dhinacyo badan leh. Marka hore, waxa ay doonayaan inay bedelaan caadooyinka bulsheed ee bulshooyinka ay arrintani saamaysay iyadoo kor loo qaadayo wacyiga ku saabsan waxyeellada gudniinka iyo horumarinta dhaqamada kale ee bidaalka ah. Midda labaad, waxay la kaashanayaan dowladaha si loo dejiyo habab waxqabasho heer qaran oo waxtar leh si looga hortago loogana hadlo kiisaska gudniinka. Ugu dambayn, waxay mudnaan siinayaan dhismaha dhaqdhaqaaq caalami ah oo ay yeeshaan xulafada u heellan ciribtirka gudniinka, gaar ahaan dal sida Soomaaliya oo kale ah.