Sawirro iyo faallo: Maalin ka mid ah shaqo-maalmeedka Ergayga QM Michael Keating

18 Jan 2018

Sawirro iyo faallo: Maalin ka mid ah shaqo-maalmeedka Ergayga QM Michael Keating

Wakiilada Matala Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay mar walbo waxaa ay ku jiraan howl.

Maadaama waajibaadkoodu yahay hoggaaminta dadaalada QM ee qaybaha kala duwan ee adduunka, inta badanna waddamada la tacaalaya saameynta colaadda, caqabado siyaasadeed iyo mid bani’aadamnimo, waxaa ay shaqo maalmeedkooda ka kooban yihiin howlo badan.

Michael Keating oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya sidoo kale kama duwana.

Eeg sawirkani laga qaaday Ergayga QM maalin dhow isaga oo shaqo ku jira: 

WEDNESDAY, 17 JANUARY 2018

07:30 a.m. – Michael Keating waxaa uu subaxa Arbacada ah ugu baryay isaga oo diyaarad QM ay leedahay ugu ambabaxo Muqdisho, isagoo ku wajahan halkaa iyo waqooyiga ‘Somaliland’. Waxaa wehelinaya tiro yar oo ergo ah oo ka kooban la-taliyeyaal iyo saraakiil amni. Waxaa u qorsheysan in uu la kulmo hoggaankeeda si ay uga wada hadlaan arrimo badan. Marka uu ku sugan yahay caasimadda waddanka, ergayga QM ayaa ku dadaala in uu mar walbo tago qaybaha kala duwan ee dalka si uu ula kulmo mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha QM, uuna indhihiisa ugu soo arko xaaladda dhabta ah ee jirta. 

08:30 a.m. – Halka dad badan ay wakhtiga diyaaradda la saaran yahay u tahay wakhti la akhristo, hees la dhagaysto ama la iskaba seexdo, Mudane Keating intaasiba jadwalka uguma jiraan maadaama Wakiilada Gaarka ah ay shaqadooda tahay mid culus. Wakhtigani uu diyaaradda saaran yahay waxaa uu kala rog rogayaa dukumiintiyo iyo warbixinno khuseeya ‘Somaliland’ iyo Soomaaliya, si uu maalintani iskugu diyaariyo. 

08:45 a.m. – Xeebaha Bad-waynta Hindiya aad ayaa looga soo fogaaday, dhulwaynaha qalalan oona fidsan ee qayb ka ah Geeska Afrika ayaa muuqda. Maadaama mandaqadani cimilladeedu tahay mid oomane iyo saxare ah, abaaraha ma aha kuwa meesha ka maqan. Xilligaan la joogo, inkastoo roobabku ay ka bilowdeen Geeska Afrika haddana xilliyo badan oo abaar is xigxigay ah ayaa maalaayiin qof dhigay cunno la’aan ilaa laga gaaro xilliga xiga ee goosashada beeraha. Taasi ayaa ka mid noqon doonta mowduucyada ugu weyn ee ku jira ajandayaasha Mudane Keating kullamadiisa maanta. 

09:35 a.m. – Labo saac kaddib markii uu ka kacay Muqdisho, Mudane Keating waxaa uu ka dagay Hargeysa oo ah caasimadda iyo magaalada ugu weyn ‘Somaliland,’ oo gooni isku taagtay kaddib markii xukunka laga tuuray kaligii taliyihii Soomaaliyeed ee Siyaad Barre. Magaalada Hargeysa waxaa ay leedahay hidda soo jiray ilaa iyo boqolaal sano ka hor waqtigii Suldaaniyiinta ee Qarniyadii Dhexe, balse magaalada burbur xoog leh ayaa soo gaaray siddeetameeyadii iyo sagaashameeyadii xilligaasi oo kaligii taliye Siyaad Barre uu u adeegsaday xoogiisa militari si uu uga hortago dhaqdhaqaaq ay ‘Somaliland’ ku dooneysay madax-bannaani. Tan iyo waagaasi, dad badan ayaa soo laabtay, magaaladana goobo badan ayaa dib loo dhisay. 

09:40 a.m. – Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo uu Mudane Keating madaxa u yahay ayaa xafiis ku leh Hargeysa oo ay ka howlgalaan shaqaalo heer qaran iyo heer caalami ah. Kaddib markii uu soo dagay, isagoo ay la socdaan wafdigiisa, Mudane Keating waxaa uu la fadhiisanayaa qaar ka mid shaqaalaha si uu si dhakhsi ah u dulmaro jadwalkiisa, loona siiyo warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda meesha ka jirta, oo ay ka mid tahay wixi arrin ah oo khuseeya amniga. 

10:20 a.m. – Waxyar kaddib, isagoo la socda kolonyo yar, Mudane Keating waxaa uu u jiheystay kulankiisii ugu horreeyey ee booqashadiisa oo uu la yeelanayo Madaxweynaha ‘Somaliland’ Muuse Cabdi Biixi. Waa kulankoodii ugu horreeyey tan iyo markii la doortay Mudane Biixi bishii Nofeembar sanadkii la soo dhaafay. Kullankoodu waxaa ay kaga wada hadlayaan waxyaabaha mudnaanta u ah dowladda cusub iyo sidoo kale arrimaha amniga – maalmo un ka hor, waxaa jiray xisaado kaddib markii la soo sheegay isku-dhacyo u dhaxeeya ciidamada ammaanka ee gobolka Sool oo ah qayb lagu muransan yahay oo ay ‘Somaliland’ iyo maamul goboleedka Puntland labaduba sheegtaan, oo dhacda waqooyiga bari ee Geeska Afrika. 

12:15 p.m. –“Aad ayaan ugu farxay waxaanna aad ugu mahad celinayaa Madaxwaynaha  sida ay uga go’anayd taas oo ka dhallatay khibradiisa gaarka ah ee tobaneeyada sano ee ku aaddan muhiimada ay leedahay in dhibaatooyinka loo helo xal nabadeed iyo in ay mudnaan noqoto in la isku dayo oo laga hortago qalalaase nooc weliba ah, haddii ay tahay gudaha Soomaliland’ ama haddii ay u dhexeeysaba Somaliland iyo kuwa kaleba,” Mudane Keating ayaa yiri kaddib markii uu la kulmay Madaxwaynaha. Halkan, ergayga Qaramada Midoobay waxaa uu wadahadallo qoota dheer ah u la leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee ‘Somaliland’ Sacad Cali Shire, iyaga oo u sii socdo in ay kulan wadajir ah la yeeshan warbaahinta maxalliga ah kaddib markii ay la kulmeen madaxwaynaha.

12:25 p.m.- “Anaga qaybteenna waa in aan isku dayno in aan dejinno xiisadaha aanna dardargelinno wada xaajoodka labada dhinac si markaasi haddii ay jiraan is faham la’aan, la caddeeyo - Haddii ay jiraan kala duwanaansho dhab ah, marka waa in si deg deg ah looga wada xaajoodo. Laakin haddii loo weecdo xal militari iyo dagaal ma ahan waddada lagu xalin karo dhibaatooyinkan,” Mudane Keating ayaa ka sheegay kulan wayn oo ay isugu yimaaden bahda warbaahinta xilliga uu qabanaayay shirka jaraa’id ee wadajirka ah. Baaqiisa ku aaddan in la dejiyo xiisadaha iyo in la wada-hadlo ayaa si wayn looga baahiyay warbaahinta gudaha iyo kuwa gobolka. 

01:05 p.m.- Kaddib shirkii jaraa’id, ergayga Qaramada Midoobay ayaa waxaa loo kaxeeyay goobta xigta ee u tagi doono. Isaga oo ay wehlinaayeen mas’uuliyiin ka soo jeeday deegaanka, waxaa la geeynaya xafiisyada dowladda halkaas oo lagu wado in u kula kulmo dhowr wasiir. Qayb ka mid ah waajibaadka UNSOM ayaa ah taageerida dadaalada ‘Somaliland ay ku dooneyso in ay ku horumariso siyaasad degan iyo nidaam dimuqraaddi ah ee u hoggaansan mabaadi’da dowlad wanaaga.

01:10 p.m.- Kadib markii is barashada ay soo idlaatay, Mudane Keating iyo kooxdiisa ayaa waxaa ay la fadhiisten wasiirada si ay u gala hadlaan dhowr mowduuc oo xiisa leh. Shaqada ergayga Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay dhaaftay arrimaha siyaasadda, waxaana mowduucyada ka mid ahaa waxbarashada, caafimaadka, amniga, saameynta abaaraha iyo shaqaaleynta, iyo sida Qaramada Midoobay ay sida ugu wanaagsan ugu taageeri karto wax ka qabashada caqabadaha dhanka arrimaha bani’aadannimada iyo horumarka ee goobahan.     

2:30 p.m.- Sida warbaahinta gudaha ay u daneyneeysay booqashada ergayga Qaramada Midoobay ayaa sida caadada ahba ahayd mid xooggan, iyada oo ‘Somaliland’ ay leedahay warbaahin firfircoon. Wax yar kaddib markii uu la kulmay wasiirada, isaga oo ku sii wajahnaa baabuurkiisa, ayaa waxaa istaajiyay wariye la shaqeeya warbaahinta gudaha kaas oo doonaayay in uu ogaado waxyaabaha looga hadlay kulanka. 

3:00 p.m.- Iyada oo booqashada noocan oo kale ah oo dhaqsa ah ay inta badan ka buuxaan wada hadalladaas oo kale, marmar waxaa suuraggal ah in ay soo gasho arrin ku saabsan horumar iyo hiddo. Tusaale ahaan, waxaa qayb ka ah hal saac oo loo safraayo waqoyi bari Hargeysa iyada oo loo safraayo goobta loo yaqaano Laas Geel, waxaa ku yaalaa dhagaxan iyo godad oo caan ku ah farshaxan kuwaas oo la sawiray kumanaan sano ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, khabiirrada ayaa sheegay in farshaxanka uu tilmaamayo hab-nololeed xoola dhaqasho ah uu ka jiray Geeska Afrika kumanaan sano ka hor inta aysan dhaqankaasi ka gaarin Galbeedka Yurub.        

03:30 p.m. – Hase ahaatee, xataa haddii ay jiraan qorshe si wanaagsan loo dejiyay, ayaa waxaa ay noqon karaan si ka duwan sida la qorsheeyay. Jidka aadayo Laas Geel ayaa ah mid wasakheysan oo leh caqabada u gaar ah, xitaa baaburka adag ee loo yaqaanno four wheel ayaa dhacday in mid ka mid ah cagtii ay banjarto taas oo daahisay safarka oo horeyba ka dambeeyay jadwalka ergayga Qaramada Midoobay.    


04:00 p.m. – Dhagaxaanta la farshaxanka leh iyo godadka ayaa waxaa loo aqoonsan yahay in ay yihiin mid ka mid ah goobaha ugu da’da wayn ee ku yaallo Afrika iyo goobta ugu muhiimsan ee qadiimiga ah ee ku taallo Soomaaliland. Laas Geel ayaa micnaheedu yahay “halka ay geela biyaha ka helan.” Iyadoo hadda degaanka u yahay mid qalalan oo aan soo jiidanin xoolihii horay uu yimaadi jiray in ay daaq iyo biyo ka helan, goobta ayaa ku taallaa agagaarka goob isku xirta laba webi oo qalalan. Cilmi baarayaal Faransiis ah ayaa ka soo kor dhacay goobtan xilli ay sameynaayen sahan la xiriira taarikhda bani’aadanka sannadii 2002-dii. Sida ku xusan warbixinada, dadka degaanka ayaa goobtan ogaa muddo qarniyo ah balse wey iska ilaalin jireen iyagoo tani u aaneynaayay joogitaanka jinniyo iyo waxyaaba shar wata.  

04:15 p.m. – “Mid ka mid ah sababaha aan u doonayay in aan halkan imid waxaa ka mid ah in ay tahay wax fiican in la is xusuusiyo in maadaama sawirka qaybtani adduunkani ka mid ah laga heysto uu yahay mid colaadeed, rajo-xumi iyo dhibaatooyin, waxaa sidoo kale uu yahay aasaaska ilbaxnimada,” ayuu yiri Mudane Keating. “Inkastoo ay adduunka khayraad u tahay, waxaa ay haddana sidoo kale muhiim u tahay in Soomaalida ay ogaadaan in ay ku nool yihin dhul leh taariikh iyo dhaqan soo-jireen ah kuwaasi oo isbaddelaya.” 

04.20 pm. - Sawirrada qadiimka ah waxaa ka muuqda xayawaano duur joog ah, xoolaha la dhaqdo iyo xoola dhaqatada oo si qurux badan loo sawiray. Waxaa la aaminsan yahay in ay tilmaam u yihiin in Geeska Afrika uu ahaan jiray dhul doog ah oo cagaaran uuna hoy u ahaa xayaawano badan oo duur joog ah. Qaar ka mid ah hoyga ka samaysan dhagaxa ayaa waxaa ay leeyihiin tobaneeyo sawirro oo gooni gooni ah. Sida laga soo xigtay baaritaanada qaarkood, waxaa jira goobo badan oo noocan oo kale ah oo farshaxanno leh oo ku wareegsan gobolka oo dhan, oo loo baahan yahay in la baaro.  

04.30 p.m- Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maxalliga ah, ilaa 200 qof oo ka kala yimid gobolka iyo dibaddaba ayaa goobta safar ku taga bil walba in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin iyo walaac xagga amniga ah. “Taasi waxaa ay xaqiiqdii muujineysaa in fursadaha mustaqabalka ay aad u sarreeyaan, oo aysan ku koobnayn godadka buuraha kaliya,” ayuu xusay Mudane Keating. “Waxaa ay leedahay bay’o dabiici ah, xeebaheedana waa kuwo cajiib ah, fursaddeeda dhinaca dalxiiskana waa mid aad u weyn.”  Waxaa jiray walaac la muujiyay sanadihii ugu dambeeyay oo ah in sawirrada goobta ay halis ugu jiraan in ay baaba’aan sababo la xiriira kimikada iyo xoolaha dadka ku dhaqan deegaanka.

5:30 p.m- Booqashadii LaasGeel kaddib, Wakiilka Gaarka ah wuxuu ku soo laabtay Hargeysa waqti qorraxda ay sii dhacayso, isaga oo weli ay maskaxdiisu ka guuxeyso fursadaha dhinaca dalxiiska ee goobta. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee loo soo gaabiyo UNESCO ayaa waxaa ay dirtay guddi dib u eegis ku soo sameeya goobta sannadkii 2016-ka. Waxaa ay soo saartay talooyin ku aaddan sida ugu habboon oo loo ilaalin karo goobta, waxaa ayna la shaqaynaysaa mas’uuliyiinta deegaanka sidii loo meel marin lahaa tallaabooyinkaas. Mudane Keating ku soo laabashadiisa magaalada uma aha fursad uu ku nasanayo laakiin Ergayga Qaramada Midoobay waxa uu leeyahay kulamo kale oo rasmi ah, oo ay ka mid tahay casho rasmi ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiinta maxalliga ah.

 

KHAMIIS, 18 JANAAYO 2018

09:30 a.m- Subaxa soo socda ayaa ah subax aad u mashquul badan. Mudane Keating ayaa wuxuu maalintiisa ku billaabayaa shir uu la leeyahay wakiillada ururada bulshada rayidka ah ee Hargeysa, kaasoo looga hadlayo mowduucyo la mid ah kuwii shalay looga hadlay shirkii uu la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda. Qaramada Midoobay ahaan, bulshada rayidka waa “qaybta saddexaad” ee bulshada, oo ay weheliyaan dowladda iyo ganacsiga, waxaa ayna aqoonsansan tahay muhiimadda ay leedahay in lala shaqeeyo kooxahaas si ay u hormariso mabaadii’deeda ayna u taageerto shaqadeeda.

11:05 a.m- Sida badanaa dhacdaba, shirarka waxay qaataan muddo ka badan intii la filayay, iyagoo keena in la beddelo qorshayaasha iyo jadwallada. Iyada oo ay sidaasi tahay, Ergayga Qaramada Midoobay wuxuu isku dayayaa in uu wakhti u helo shir uu la leeyahay shaqaalaha UNSOM ee Hargeysa ku sugan, isaga oo uga mahad naqaya dadaalkooda ku aaddan taageeridda safarkiisa labada maalin iyo sidoo kale shaqadoodii muddada dheer ay ka shaqaynayeen goobta.

11:50 a.m- Iyadoo waqtiga uu ku dhow yahay duhur, ayaa Mudane Keating uu ku guulaystay in uu ka gudbo mashquulka waddooyinka Hargeysa wuxuuna haleelay waddada laamiga ah ee garoonka diyaaradaha halkaas oo ay Diyaaradda Qaramada Midoobay ay ku sugaysay si dib ay ugu celiso Muqdisho. Waxaa ay ahayd 36 saacadood oo aad u adag, laakiin booqasho wax ku ool ah ayay ahayd.

01:00 p.m- Si kastaba ha ahaatee, dib ugu noqoshadiisa Muqdisho, ma ahayn mid aad uga duwan ka bixitaankiisii - maadaama uu ku mashquulsanaa akhrinta diiwaankiisa, ka hadalka hawlaha iyo arrimaha soo socda, iyo isu diyaarinta shaqooyinka sugayaa markii uu diyaaradda ka dago.