Faallo iyo Sawirro: Haddii ay xaqirnaayeen hadda waa la xushmeeyaa

3 Dec 2018

Faallo iyo Sawirro: Haddii ay xaqirnaayeen hadda waa la xushmeeyaa

In ka badan hal bilyan oo qof oo ku nool adduunka ayaa qaba noocyo kala duwan oo naafanimo ah – 80 boqolkiiba waxay ku nool yihiin waddamada soo korayo.

Soomaaliya, lama hayo tirakoob lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan tirada dadka laxaadkoodu aan dhannayn. Hase yeeshee khubaradu ayaa ku qiyaasa in tirada ay ka badan tahay isku-celceliska caalamka ee ah in 15 boqolkiiba dadweynaha ay naafo yihiin, waxaana arrintan loo aaneeyaa colaadda daba-dheeraatay ee ka jirta dalka.

Waayoaragnimada qofku ka qabi karo naafanimada waxaa qaabeeya xaqaa’iq sida xaaladaha caafimaad, xaaladahooda shakhsi ahaaneed, awoodda bulshadooda deegaanka ay u leedahay inay fahanto isla markaasna kula dhaqanto si xushmad leh.

Boqollaal kun oo Soomaali ah oo laxaadkoodu dhannayn, waxaa muhiim u ah inay helaan daryeel caafimaad oo ku filan, agab, waxbarasho, fursado shaqo iyo aqbalaad bulsho.

Inkastoo naafanimada Soomaaliya ay noocyo dhowr ah u qaybsanto, haddana ka curyaamidda addimmada, oo ay sabab u yihiin dagaalka sokeeye iyo ficillada kale ee rabshadaha, ayaa ah tan ugu badan. Tusaale ahaan, tan iyo 1982, Xarunta Daryeelka Bisha Cas ee Soomaaliya waxay sameysay in ka badan 15,000 oo addimmo gacan-ku-samays ah, kuwaas oo badankood la sameeyey muddadii uu socday dagaalka.

Hase yeeshee gargaarka ay u baahan yihiin dadka aan laxaadkoodu dhannayn wuu ka baaxad wayn yahay bixinta tasiilaad iyo qalabka sida wayn loogu baahan yahay. Waxay u baahan yihiin in laga taageero xuquuqdooda, rajooyinkooda iyo yoolkooda.

Basiira Cabdi Maxamed waa ilmaha kaliya ee naafo ka ah durriyad sagaal ka kooban markii la dhalay sanadkii 1992. Waxay mar arday ka ahayd Iskuulka Al-Nuur ee Dadka Aragga La’ ee ku nool Muqdisho, waxay hadda la shaqeysaa jiilka ayada ka da’da yar ee carruurta aan laxaadkooda u dhannayn, iyadoo ka caawisa inay ka guulaystaan caqabadaha ay wajahayaan, iyo inay wax bartaan.

“Aad ayay ugu adag tahay dadka aan laxaadkooda dhannayn inay helaan waxbarasho, ka faa’iidaystaan xarumo gaar ah, isla markaana noloshoodu noqoto mid caadi ah,” ayay tiri Basiira.

Iskuulka Al-Nuur ee Dadka Aragga La’ waxaa la furay sanadkii 2005, wuxuuna waxbarasho gaar ah oo bilaash ah iyo tababarro xirfadeed siiyaa carruurta aragga beelay. Iskuulku wuxuu leeyahay 87 arday wuxuuna shaqaaleysiiyey 25 shaqaale, oo ay ku jiraan toban macallin oo tababaran.

Iskuulku wuxuu baddalay nolosha Basra.

“Aqoontu way i dhistay waxayna iga dhigtay qofka aan maanta ahay,” ayay tiri Basiira. “Waxaan jeclaan lahaa in horumar laga sameeyo tayada waxbarashada ay helayaan dadka naafada ah. Waxaan jeclaan lahaa inaan dib boorka uga jafo xarumihii naafada ee jiray dagaalka ka hor, inaan dayactiro si ay ugu suurtagasho inay mar kale billaabaan diiwaangelinta dadka waxbarashada u baahan.”

Basiira waxay isu aqoonsan tahay inay tahay “u dhaqdhaqaaqe hormuud ah” oo ka shaqeysa xuquuqda dadka naafada ah, gaar ahaan gabdhaha iyo haweenka.  Iyadoo ka hawlgasha Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ka tahay Isku Duwaha Arrimaha Dadka Naafada ah, Basiira waxay degsatay himilooyin hankoodu wayn yihiin: “Saaxiibbada aan shaqo wadaagta nahay iyo aniga waxaan qorsheyneynaa inaan booqanno dhammaan degmooyinka Muqdisho. Waxaan samayn doonnaa wixii karaankeenna ah si aan u keenno isbaddal ay ka faa’iidi doonaan dadka naafada ah.”

“Waxaan aamminsan ahay in arag la’aantu tahay Qaddar Alle. Marka dadka indhahooda laga qaaday nuurka, waxaa macquul ah in Alle ugu baddalo awoodo kale si ay u qabtaan waxyaabo cajiib ah,” ayay tiri Basiira.

“Bulshadu way xaqirtaa dadka naafada ah. Halkii na laga siin lahaa caawimaad la taaban karo, waxaa na la siiiyaa wax aan macno wayn lahayn. Bulshadu waxay noqon kartaa mid aad u xaqirta dadka naafada ah.”

“Farriinta aan u dirayo dadka aragga lagu mannaystay: “Qofka aragga la’ waa adiga oo kale. Kaliya nuurka aragtida ayaa ka maqan. Arag beeliddu lama tagto caqliga, aqoonta ama awoodda qofku leeyahay.”

“Waxaan kula talinayaa dadka naafada ah, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha – dhallinyaro, waayeel, xaas ah, ama aan wali la guursan – inay higsadaan sidii ay wax u baran lahaayeen. Waxbarashadu waxay ka caawin doontaa inay ka guulaystaan caqabado badan oo nolosha ku xeeran,” ayay tiri Basiira.