Faalo Sawireed Maalin ka mid ah hawl-maalmeedka Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho

20 Nov 2021

Faalo Sawireed Maalin ka mid ah hawl-maalmeedka Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho

Anita Kiki Gbeho waa xubin hawl-wadeen muddo dheer ka shaqaynaysay Qaramada Midoobay, waxayna ku hoos shaqaynaysay calanka buluuga ah in ka badan 25 sano.

Siddeed bilood ka hor, waxay ku biirtay hawlgalka hay’adda caalamiga ah ee Soomaaliya, halkaas oo ay ka tahay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Marwo. Gbeho waxay kormeertaa shaqada siyaasadda, xuquuqda aadamaha, doorashada, isku xukunka sharciga iyo qaybaha amniga ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyada oo ay sii dheer tahay taageeridda Ergeyga Gaarka ah ee maareynta Hawlgalka.

Khibraddeedii hore waxaa ka mid ah hawlo ay ka qabatay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, iyo sidoo kale deegaanno ay colaado ka jiraan iyo ka soo baxay, sida:  Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, iyo Sudan. Waxa ay sidoo kale khibrad hore ugu yeelatay Soomaaliya iyada oo la shaqaynaysay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) intii u dhaxaysay 2007 – 2012.

Xaaladda amniga ee Soomaaliya ayaa nasiib darro ku soo rogi karta xaddidaad awoodda saraakiisha Qaramada Midoobay inay si xor ah ugu dhaqdhaqaaqi karaan. Si kastaba ha ahaatee, marka ay timaado fursad ay kaga soo kacaan miiska gadaashiisa ama qolka shirarka, oo ay heystaan. La falgalka qaybaha kala duwan ee bulshada waxay iyaga ka caawisaa inay si fiican u fahmaan dadka ay u adeegaan.

Sheeko sawireedka soo socota waxay bixinaysaa sawir ka mid ah fursadahan.

TALAADO, 19 OKTOOBAR 2021

07:00 a.m. – Laamiga Muqdisho: Maalintu waxay goor hore u billaabatay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, iyo wafdigeeda yar. Waxay ku kallaheen duulimaadka Qaramada Midoobay ee ku wajahan Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka ah ee maamul-goboleedka Jubaland.

Booqashadan, oo la qorsheeyay inay la kulanto hoggaanka Jubaland, mas’uuliyiinta doorashooyinka, iyo ururrada bulshada rayidka ah. Waxay ku faraxsantahay in ay baxdo.

“Waa booqashadeydii  ugu horreysay oo aan Kismaayo ku tago. Waa muhiim, maadaama aan halkaan u imid inaan u adeego Soomaaliya, aan ku wareego oo aan booqdo gobollada kala duwan oo aan fahmo waxa muhiimka u ah iyaga (Soomaalida),” ayay tiri Ms. Gbeho.

07:30 a.m. – Hawada Muqdisho: Duulimaadka Qaramada Midoobay ayaa kor u kacaya joogga sare ka dibna wuxuu bilaabay inuu ku dhaco wadada Kismaayo. Munaasabadda waxa ay fursad u siisay in ay kor ka aragto muuqaalka  il-qabadka leh ee  xeebaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Ms. Gbeho waxa ay u tahay fursad kale oo ay ku akhriso oo ay dib ugu eegto warbixinno kala duwan iyo dukumentiyo kale ka hor kulamadeeda goobta.

09:00 a.m. – Ka soo degista garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo: Ka dib saacad iyo afartan daqiiqo oo duullimaad ah, diyaaradda Antonov An-26-100 ayaa soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ka soo degtay Marwo Gbeho oo ay ku qaabilayaan saaxiibo ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee maxalliga ah iyo sidoo kale ciidamada nabad ilaalinta ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

09:05 a.m. – Warbixin amni: Wax yar ka dib markii ay soo degtay, shaqaalaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Ms. Gbeho siiyey warbixin amniga ka hor inta aysan u socdaalin magaalada Kismaayo, oo 11 KM u jirta garoonka diyaaradaha.

10:00 a.m. – Kulanka Madaxweynaha: Marwo Gbeho ayaa kulankeedii ugu horeeyey ee maalintaas waxaa loo gudbiyey aqalka madaxtooyada Jubaland, halkaas oo ay kula kulantay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’, ajandaheeda waxaa ka mid ah ka qaybgalka haweenka ee geedddi-socodka doorashada dalka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo ugu yaraan 30 boqolkiiba matalaaddooda baarlamaanka, si taasi waafaqsan,  soo dhoweyn aan caadi ahayn ayey la kulantay.

“Mid ka mid ah arrimaha aan doonayay in aan kala hadlo Madaxweynaha waxa uu ahaa arrinta ku saabsan ka qeybgalka haweenka ee hannaanka Aqalka Sare. Wuu ii ballanqaaday! Waxa uu ku dhawaaqay – aad baanu ugu faraxsanahay in aanu saaka warkaas maqalnay – laba kursi ayaa loo xiri doonaa haweenka, labada kursi ee hartayna haweeney ayaa ku tartami doonta mid ka mid ah kuraasta. Markaa war wanaagsan ayaa saaka ka imaanaya Jubaland,” ayay tiri Marwo Gbeho.

11:00 a.m. – La kulanka mas’uuliyiinta doorashada: Marka uu dhamaado kulanka ay la yeelanayso madaxweynaha, sarkaalka Qaramada Midoobay ayaa si toos ah u galaysa kulankeeda xiga ee Aqalka Madaxtooyada, markan waxa ay la kulmeysaa guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada dowlad goboleedka (SEIT), Siyaad Maxamed Mursal.

“Kani waa amin, goortaasoo aan dhexda ka galnay hannaanka [doorashada], waxaana rabnay in aan xaqiijinno in hannaanka Aqalka Sare lagu soo gabagabeeyo halkan Jubaland, kadibna aan u gudubno geeddi-socodkii Golaha Shacabka,” ayay tiri Marwo. Gbeho ayaa tiri.

Jubbaland ayaa waxa ay  ahayd maamulkii ugu horreyay ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ee billaaba qabashada doorashada Aqalka Sare. Afar kursi ayaa horay loo soo buuxiyay, waxaana maamulka uu goor hore oo ku beegan maalinta booqashada ku dhawaaqay in dabayaaqada toddobaadka la soo gabagabeyn doono doorashada afarta kursi ee ka harsan Aqalka Sare.

12:00 p.m. – Dhex Gooshidda Kismaayo: Iyada oo kulamadii ay ku lahayd aqalka madaxtooyada Jubaland ay u dhamaadeen, Marwo Gbeho iyo kooxdeedu waxay baabuur ku tageen xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Kismaayo, taasoo leh taariikh ku noqoneysa muddo fog, isla markaana ay haatanna ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay dhawr boqol oo kun oo dadka deegaanka ah. Intii ay dagaalada sokeeye ka socdeen Soomaaliya, magaalada waxa ay ahayd goob dagaal culus ka dhacay, iyadoo mar ay muddo dhowr sano ah gacanta ku hayeen Al-shabaab ka hor inta aan dib loogala wareegin.

12:30 p.m. – Imaanshaha Dhismaha QM: Qiyaastii dhowr iyo toban kiiloo-mitir bannaanka magaalada Kismaayo ayey ku taal xarunta gobol ee QM, oo hoy u ah xubnaha howlwadeennada QM iyo ciidanka AMISOM. Marki ay halkaa gaartay, waxaa Marwo Anita ku salaamay saaxiibbadeeda shaqo ee maxalliga ah.

12:40 p.m. – Qado shaqo:  Si ay uga faa’iideysato wakhtigeeda ay Kismaayo ku sugan tahay, qadada Marwo Anita waxa ay aheyd mid lagu dul shaqeyo, taas oo u suura gelisay in xog gacan-koobaad ah ka hesho shaqaala, taas oo ku saabsaneyd shaqada ay Qaramada Midoobay  ka heyso Jubbaland ee kala duwan sida taageeradda sarreynta sharciga, doorashooyinka iyo xuquuqda aadanaha, iyo sidoo kale in ay hesho ra’yiyadooda kala duwan ee ksu baasanka caqabadaha ay wajahayaan iyo in xogo  ku saabsan horumarka  la sameynayo.

01:20 p.m. – Wakhtiga Sawir: Marka la eego culeyska shaqadooda ma fududa in maalin walbo shaqaalaha ku kala sugan xafiisyada kala duwan in ay fursad u helaan in ay shaqadooda toos ugala hadlaan sharaakiisa sarsare. Marwo Anita ay maadaama ay mar sidooda oo kale ahaan jirtay billowga shaqadeeda, iyada oo meelo fog ka soo shaqeysay, waxa ay fahmeysaa caqabadaha xaaladaha shaqo

Ee ay ku howl-galaan, waxa ayna ka mahad-naqaysaa xiisahooda. Sidaa darted, codsi sawir koooxeed marna dhib ma aha.

01:30 p.m. – Wakhtigi la dhaqaaqi lahaa: Hayse ahaatee wakhtiga ayaa ciriiri ah. Wakhti aanan ka fogeen kulanki ay la yeelatay howlwadeenada, waxa ay Marwo Anita u degdegtay kulankeeda xigay: ee ay la laheed wakiillada ururrada maxalliga ah ee bulshada rayidka. Xarumaha QM ayaa sidooda badan dib-u-dhis ku socdaa si loogu soo daro kuwo cusub ama la dayac tiro kuwi hore, xarunta Kismaayana kama duwana.

01:40 p.m. – La kulanka Bulshada rayidka ah: Marka laga soo tago kulamada saraakiisha dowladda iyo hay’adaha kale, waxa ay saraakiisha QM mar walbi xiiseeyaan in ay la shiraan  bulshada rayidka ah maadaama ay kaalin muuqato ka ciyaaraan bulshooyinka maxalliga ah, gaar ahaan kuwa sugan goobaha ay colaadaha ka jiraan ama ka soo kabanaya.

“Waxa aan si gaar ah u weydiistay in aan la kulmo bulshada rayidka ah waayo waxa aan aamin sanahay in ay qeyb libaax leeyihiin. Maadaama aan howlgal siyaasadeed nahay,  shaqada ugu badan waxa aan la qabanaa dowladda iyo sidoo kale kuwa sameeya sharciyada ka lagu maamulo  howlaheenna marka hore loo socdo.” Ayey tiri Marwo Anita.

“Wakiilada bulshada rayidka ah waa kuwa ay middidoodu soofeysan tahay: waa shaqsiyaadka dadka aadka ula mucaamalooda dadka si maalinle ah” ayey ku dartay, “In lala shaqeyo waxa ay caawineysaa in la helo run biyo-kama-dhibcaan ah wax ayna iga caawineyaa inaan fahmo in aan leenahay saameyn iyo in kale. Waxa ay naga caawineysaa in aan fahanno waxa ay u arkaan in ay muhiim u tahay Soomaaliya, maxaa yeelay, ugu dambeyn, wax walba oo aan qabanno waxa aa u qabannaa Soomaaliya."

02:40 p.m. – Wakhtiga Sawirrada: Jadwalladu marar dhif ah ayey ku socdaan sida loo qorsheeyey waxaana had iyo jeer jira wakhti dheeri ah loogu tala galaa waxyaabaha lama filaanka ah. Tanina aad bay muhiim u aheyd maadaama kulamada ka dib Marwo Anita la weydiisanayey in ay ka qeyb gasho sawirro is xig-xigay.

3:00 p.m. – Xiriirka: Nalalka, Dhaqaaqa iyo Kaamirada! Qaramada Midowbay waxa ay u taagan yihiin in ay u adeegto dadka Soomaaliyeed tanina waxaa qeyb ka ah in ay shacab weynaha la wadaagto howlaha ay qabato si ay taasi gacan uga geysato horumarinta fahamka iyo aqbalaadda. Markan, waxa ay Marwo Anita wareysi kooban siineysaa kaamirada kooxda xiriirka ee QM kuwaas oo Iyana marka dambe soo saari doona barnaamijyo xiriir ah oo loo baahin doono dhageystayaasha Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah.

03:20 p.m. – Bixitaanka: Deeto markii ay kulamadeedii dhammaadeen, Marwo Anita waxay si degdeg ah ugu laabatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo halkaas oo iyada iyo wafdigeedu ay ka raaceen diyaarad sugaysay oo Antonov An-26-100 si ay dib ugu noqoto Muqdisho.

04:50 p.m. – Ku noqodkii Muqdisho: 90 daqiiqadood kaddib, duullimaadkii QM waxa uu taagan yahay dhabbaha dayuuradaha, isagoo dejiyey Marwo Anita maalin dheer oo mashquul badan balse ay wax badani kasoo bexeen waxna la iskugu sheegay kaddib.

"Waxaan had iyo goor jeclaan lahaa inuu jiro waqti dheeri ah oo aan kula kulmo dad badan oo aan ka dhegeysto wax ku saabsan Qaramada Midoobay iyo waxa ay awood u leedahay iyo inay sameyso si ay dadkaa u caawiso," ayay tiri. "Marka, in kasta oo booqashooyinka noocaan ah ay yihiin kuwo degdeg ah oo ciriiri ah, haddana waxay iga caawinayaan inaan helo dareen wanaagsan oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee aan u taageeri karno Soomaalida, taasina waxay muhiim u tahay shaqadayda iyo tan asxaabteyda."

05:20 p.m. – Shaqadu way sii socotaa: Marka lagu soo laabtat xarunta QM ee Muqdisho, weli howshu ma joogto inay ku noqoto goobteeda si ay u nasato maalin dheer kaddib. Taa kaba foge, dhab ahaantii beddelkeeda, Marwo Anita waxay ku noqotay xafiiskeeda si ay ugu kuur gasho booqashadeedii Kismaayo, iyo sidoo kale inay ka gaarsiiso shaqooyin kale oo sugaya. Weli ma jiro wax cabasho ah oo ka soo baxay sarkaalkan ka tirsan Qaramada Midoobay.

"Waxaan ka imid asal-horumar bini'aadannimo taasina waxay ka dhigaysa habkayga mid shakhsi ah waxayna sidoo kale i siinaysaa fahamka habkeenna hay'ad ahaan, si aan u hubinno waxa aan samayno inay yihiin kuwo dadku dhextaal u yihiin. Waxay ku saabsan tahay dadka aan u adeegno,” ayay tiri. "Maalinta aad illowdo inay ku saabsan tahay dadka waa maalinta aan aaminsan ahay inaan ka lunnay jidkeenna. Markaa aniga shaqsi ahaan iyo ka wakiil ahaan ururka QM waxa muhiim ah in aan miiskayga gadaashiisa ka soo kaco oo aan la falgalo dadka aanu u shaqaynayno.”

 

Sawirro badan oo ku saabsan booqashadan, halkan ka eeg.