Shir heer-sare ah oo ku saabsan amniga oo lagu baaqay dardargelinta dib u habeynta qaybta amniga ee Soomaaliya

4 Dec 2017

Shir heer-sare ah oo ku saabsan amniga oo lagu baaqay dardargelinta dib u habeynta qaybta amniga ee Soomaaliya

Muqdisho – Shir heer sare oo looga hadlayey amniga Soomaaliya ayaa maanta lagu baaqay in “si degdeg ah loo sameeyo qorshe xilwareejin ah oo macquul ah kuna saleysan shuruudo”, si mas’uuliyadda koowaad ee amniga qaranka laga wareejiyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) laguna wareejiyo ciidamada ammaanka ee dalka.

“Qorshahani waa in uu hago xukunka sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha waana in uu ku jiro ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, xasilinta iyo dowladnimada”, ayaa ku xusan war-murtiyeed la soo saaray dhammaadkii shirka, oo uu akhriyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda  Federaalka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Dadka ka soo qaybgalay shirkani oo ahaa shir heer sare oo ku saabsan amniga oo lagu qabto caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khaire, xubno muhiim oo tirsan golaha wasiirada federaalka iyo wakiillo sarsare oo ka socda Beesha Caalamka.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay, waxaa sidoo kale shirka la iskula qaatay in dhammaadka bishan la gabagabeeyo hannaan lagu sameynayo qorshe xil-wareejin ah “iyada oo laga gol leeyahay in la dhammeystiro qorshaha xil-wareejinta oo qabyada ah” ka hor dib u eegista wadajirka ee AMISOM ee sanadka xiga oo ay codsadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xil-wareejinta waa in laga hela “ciidamo la awoodi karo, lala xisaabtami karo lana oggolaan karo” kuwaasi oo awood u leh in ay sugaan amniga guud ahaan Soomaaliya.

Isaga oo hoosta ka xarriiqay horumarka laga gaaray fulinta dib u habeynta muhiimka ah ee dhinaca amniga ayuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” khudbaddiisa furitaanka shirka ku ballan-qaaday in wax uu wax ka qabanayo dulduleelka dhinaca amniga ka hor inta aan mas’uuliyadda amniga si buuxa looga wareejinin AMISOM laguna wareejinin ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Qiimeynta Diyaar-garowga Howlgalka waa la dhaammeystiray waxaana ogaannay awoodaha, dulduleelka iyo casharrada ee ku aaddan ciidamada Booliska iyo kuwa Xoogga Dalka. Waxaan tani u adeegsan doonnaa in aan ku aqoonsanno aanna ku fulinno dib u habeynta loo baahan yahay”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Michael Keating oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay mar waliba diyaar u tahay in ay la shaqayso waddanka iyo daneeyayaasha caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha kala duwan ee dhinaca ammaanka ee haysta Soomaaliya.

“Soomaalida waxaa ay beesha caalamka ka mudan yihiin taageerro isku xiran. Habka dhammeystiran ee loo wajahayo amniga waxaa uu bixinaya hannaan isku keenaya dadka oo dhan si ay idin la shaqeeyaan idinka iyo asxaabtiinna si horay loogu socdo, oo ay ka mid tahay dhinaca maalgelinta,” ayuu yiri.

Waxaa uu Mudane Keating sidoo kale xusay in kulanka uu bixiyay fursado dib loogu eegayo waxqabadka dowladda Farmaajo, iyo in la isla afgarto waxyaabaha mudnaanta ah mustaqbalka.

“Xaqiiqdii qorshe xilwareejin ah oo shuruudo ku saleysan waa lagama maarmaan hadda. Waddamada Ciidamada deeqay waa ay u baahan yihiin, AMISOM-na waa ay u baahan tahay sababtoo ah waxaa ay u baahan yihiin bah-wadaag si ay u qabtaan dhulalka iyo in ay ka shaqeeyaan howlahooda. Balse sidoo kale maadaama aysan waligood joogi karin Soomaaliya, ayna u baahan yihiin jid go’an,” ayuu yiri. 

Shirka amniga ayaa waxaa looga gol lahaa in dib u eegis loogu sameeyo horumarka laga gaaray dhinaca dib u habaynta qaybta amniga iyo fulinta Qaab-dhismeedka Amniga Qaran kaasi oo bishii Abriil ay ansixiyeen hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Ka soo qaybgaleyaasha waxaa ay sidoo kale ku baaqeen in la sii wado taageerrada beesha caalamka si loo dhiso awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo laamaha amniga.