Somalia iyo QM oo doonayaan kaalmo aadminimo si ay ooga hor tagaan cunto-yarida

4 Feb 2020

Somalia iyo QM oo doonayaan kaalmo aadminimo si ay ooga hor tagaan cunto-yarida

Muqdisho, DF Somalia iyo QM ayaa diray qayladhaan ku aaddan baahida loo qabo kaalmo deg deg ah oo aadminnimo si loo baajiyo xaalad cunno xumo oo halis gelin karta malaayiin dad ah.
 
Baaqay ayaa la sameeyay fasalka Dayrta kaddib (Oktoobar - Diseembar) taasoo qayb ka ah qiimaynta amaanka cuntada Somalia Isniintii.
 
Qiimaynta xilliyaysan ayaa waxaa sanadkiiba 2 jeer sameeysa qaybta Falanqaynta Amaanka Cuntada (FSNAU) iyo Shabakadda Dirista Digniinta Hore (FEWSNET), kuwaasoo ay wada maamusho hay'adda QM ugu qabysan Cunnada iyo Beeraha (FAO), iyadoo lala kaashanayo dhowr jaal iyo dowlado.
 
Qiyaastu waxay muujinaysaa in ilaa 1.3 milyan oo qofi ay wajahayaan xaalad cunno xumo ayna u baahan yihiin kaalmo aadminnimo. Isla markaa, in ka badan 690,000 carruur ah oo 5 jir ka hooseeya ayay nafaqa darro xumi ku dhufan kartaa dabayaaqada sanadka.
 
Isu duwaha QM ee aadminnimada Somalia, Adam Cabdulmowla, ayaa sheegay in waloow uu Dayrtii roob fiicani da'ay oo taasi wanaajinayso amaanka cunnada ay misna jirto baahi aadminimo.
 
"Qiyaastii 4.1 milyan oo qof oo Somalia ku nool ayaa wajahaya xaalad ba'an oo cunno xumo ah ilaa bartanaha 2020, kuwaasoo ay ku jiraan 1.3 milyan oo u baahan gargaar aadminnimo oo deg deg ah. In ka badan 962,000 carruur ah ayaa iyaguna la tacaalaya nafaqa darri ba'an, waxaana ka mid ah 162,000 oo sanadkan si xun u macluulaya, haddii aan baahidooda meel la saarin," ayuu yiri Md Cabdulmowla.
 
Wuxuu sidoo kale tusmeeyay in duullaankii ugu dambeeyay ee ayaxu ku qaaday Somalia la xakameeyay, balse uu dalag badan burburin karo.
 
"Walaacyadani waxay kusii darsamayaan dhibaatooyinkii adkaa ee wax ka mid ah xaaladaha deg degga ah ee ugu daran dunida. Qiyaastii 2.6 milyan oo qof oo barakacayaal ah ayaa aad u macluulsan. Waxay u baahan yihiin in si wanaagsan loo ilaaliyo laguna taageero si loo helo xal waara," ayuu raaciyey.
 
Wasiir Xigeenka Beeraha iyo Waraabka Somalia, Xaamud Cali Xasan, ayaa caqabadaha cuntada wax ka saaray wax ka baxsan is rog rogga cilimada.
"Dhibaatada Somalia roob la'aan oo qura maaha. Waxaa qayb ka ah amaan xumi iyo kaabayaashii oo aan jirin, taasoo xadideysa isu socodka dadyowga ee gobollada. Amaan darraddu waa qodob kaga sii daraya," ayuu yiri Wasiir Xigeenka oo kaalmo ka dalbay beesha caalamka.
 
Wakiilka FAO ee Somalia, Etienne Peterschmitt, ayaa sheegay in dalku uu wajahayo caqabado badan sida roob xumadii guga (min Abriil ilaa Juun) oo ay ku darsameen duullaankii ugu dambeeyay ee ayaxa lama degaanka. Mr Peterschmitt ayaa tilmaamay in xaaladdan adagi u baahan tahay in lagu xakameeyo dadaal wada jira.
 
"Haddii (duullaanka) ayaxu uu ku dhufan lahaa dhulalka dalagga iyo daaqsinka xilliga ugu daran, dhibku wuu waynaan lahaa ilaa 100 boqol," ayuu yiri Md Peterschmitt.
 
Wuxuu raaciyey in waloow ayaxa haatan la xakameeyay misna dhinacyada oo idil looga baahan yahay in ay diyaar ahaadaan.
 
Daniel Molla, Madaxa Farsamada FSNAU, ayaa hoosta ka xarriiqay in IGAD ay saadaalisay in sanadkan uu Gu fiicani ka da'i doono Somalia, marka laga reebo woqooyi galbeed Somaliland, kuwaasoo celcelis ahaan heli doona roob intii hore ka yar oo saamayn kara wax soo saarka xoolaha nool iyo dalagga.
 
"Waxay tahay in aannu sidoo kale ka baaraan degno rajada fasalka Guga soo aaddan; iyadoo ay saadaasha IGAD muujinayso in roob intii la filayay la eg ama ka badani ka da'i doono inta badan Somalia," ayuu yiri Molla.