Soomaaliya, dadka ka badbaadey tacaddiyada jinsiga ee la xiriira coolaadaha oo ka hadlay xanuun iyo rajo

23 Jun 2021

Soomaaliya, dadka ka badbaadey tacaddiyada jinsiga ee la xiriira coolaadaha oo ka hadlay xanuun iyo rajo

Muqdisho - Waxay ahayd casar liiq Axad ah, Agoosto 2020, markii uu kala dhacay caalamka Batuulo Haaruun Aamiin oo 42-jir ah.

Waxay xaabo ka doontay xero ay barakacayaashu deggan yihiin oo ku taalla afaafka Muqdisho iyadoo uu wehlinayo wiilkeeda 8-jirka ah, waxaa jidka u galay 4 nin - 2 ka mid ihi waxay xirnaayeen tuutaha ciidanka - oo 3 saacadood ku hor kufsanayey wiilkeeda hortiisa.

"Waxay xireen wiilkayga kahor intaysan dhulka igu celin meel kayn ah," ayay tiri iyadoo gocatay mashaqadii ay martay oo indheheeda murug laga dheehanayo. "Xilli uu wiilkaygu dhulka jiiga isaga oo ooyaya ayay fayl i saareen. Iyagoo ii nasanayey oo igu soo noqonayey muddo 3 saacadood ah."

Kaddib markii ay ka bogteen waxay galeen duurka, iyagoo gabadhii werwersanayd uga tegey inay meesha ka hilhilato, isla markaana ay xarigga ay ku xireen ka furto wiilkeeda yar ee walaacsan isagoo arkayey tacaddiga hooyadii lagu falay, kaddibna gurigii ayay aadeen.

Markii ay gurigii tagtay, Batuulo oo ah hooyo carmal ah, waxaa sugaya 5 carruur ah oo uu weliba midkood naafo yahay. Balse mashaqadii ay martay ayaa cabsi ku beertay ilaa maantana saamayn ayay ku leedahay inay aragto tuutaha ciidamada waayo waxay xusuusinaysaa kuwii silciyey. Waxay moodaysaa inay iyagii yihiin.

Xarun maxalli ah oo taageerta, Batuulo waxay heshaa gargaar dawo oo lagula tacaalo cudurrada galmada la isku qaadsiiyo, waxaana la siiyey dawada Prophylaxis si loo yareeyo fursadda ay ku qaadi karto HIV. 

Waa la dhacay oo la kufsaday

Tobannaan sano oo dagaal iyo khilaaf ah waxaa Somalia ku barakacay malaayiin dad ah. Kumannaan ayaana weli ku dhaqan xeryaha barakacayaasha, halkaasoo ay haweenka iyo gabdhuhu ay u bandhigan oo baylah u yihiin in la kufsado ama lagula kaco tacaddiyo kale oo jinsi maadaama uu nugul yahay amaanka xeryaha barakacayaashu oo aanay jirin tillaabooyin kahortag ah oo dowladeed, galaangalka cadaaladda oo kooban iyo ilaalinta qabiilka oo liidata.

Naciima Saciid Cali, oo ku nool Xerada Barakacaayaasha Geedo ee Kaxda, oo sidoo kale Muqdisho ka tirsan, ayaa la dhacay lana kufsaday iyadoo shaqo ka timid bishii Abriil sanadkan. Nimanka xoogey waxay ku qabteen qoryo.

"Nin baa i kufsaday iyadoo uu mid kale qori igu hayo. Markii uu dhamaystay wuxuu qabsaday qorigii si uu kan kale ii kufsado. Waan ooyey waxaana ka baryey inaysan i dilin. Markii ay dhamaysteen waxay ku ordeen mugdiga iyagoo iga tegey anigoo dhulka aalla." Ayay tiri Niciimo oo weli gacanteeda uu ka muuqda dhaawac baynaad lagu dhuftay.

"Kaddib dhacdadan, waxaan guriga ku jirey 2 maalmood anigoo aan cidna la hadlin oo aan rabin inaan cidna arko. Waan caalwaysnaa. Waxaan ka fikirayey inay ii fiican tahay inaan meel kale u dalaabo, meel aad u fog, oo aanu qofna iga aqoonin. Balse ma aqoon oo ma haysan meel aan aado."

“Markii ay taasi dhacday, guriga ayaan iska joogay laba maalmood aniga oo aan cidna la hadlin, rabin in aan arko dad. Aad ayaan u dhibannaa. Waxaan ka fakaray in xaaladeydu wanaagsanaaneyso haddii aan aado meel kale oo fog oo uusan qofna iga aqoon. Ma jirinse meel aan aado.”

Maarso 21-keedii warbixintii Xadgudubka Jinsiga ee La Xiriira Colaadaha ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxa ay caddeysay kiisas tacayo jinsi oo loo geystay 400 oo gabdhood, 12 haween iyo todobo wiil, kuwaas oo lala xiririyey arrimo qabiil iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Codadka Cambaareynta

Codadka lagu cambaareynayo iyo baaqyada lagu doonayo in tallaabo lagu joojinayo xadgudubka jinsiga ee haweenka Soomaaliyeed loo geysto ayaa sare u kacay in muddo ah haatan, taas oo ay xataa culimaa u diiin la qadariyo ay ugu baaqeen dowladda in ay tallaabo qaado. Shiekh Cabdulxayyi Aadan, waa wadaad aad looga qadariyo Muqdisho, kaas oo inta badan khudbadihiisa jimcaha ee caanka ah ka dira baaqyo la xiriira qadarinta iyo ilaalinta gabdhaha iyo haweenka.

Waxaan kula kulannay madasha Haweenka iyo daryeelka cunuga (SWCCA), hay’ad maxali ah taas oo is-kaashi la leh Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si ay uga taageeraan xuquuqda haweenka iyo kuwa ka badbaaday xadgudubka jinsiga, sida Batuulo iyo Naciima.

“Islaamka, diinteena, gebi’ahaanba wey ka soo horjeeddaa ku xadgudubka haweenka,” ayuu yiri. “Dhaqankeenna Soomaaliyeed wuu ka soo horjeedaa ku xadgudubka shaqsiyaadka nugul sida gabdhaha iyo haweenka, waxa ay ku suntan yihiin marka dhaqankeena loo eego ‘Biri ma geydo” markaa ma aha in sidannaba loo waxyeeleeyo balse waa in la ilaaliyo,” ayuu ku daray Shiekh Cabdixayyi.

Shiekh Cabdixayi waxa uu qabaa in ansixinta sharciga ka dhanka ah Xeerka Tacadiyada Jinsiga (Sexual Offences Bill) uu noqon doono mid si weyn u horistaaga tacadiyada jinsiga. Doorka uu sharciga ka ciyaari karo waxaa la eegay bishii Maarso 2019 kaddib markii shan ciyaal da’doodu 20-ka ka yartahay oo ku nool waqooyi bari, maamulka Puntland la horkeenay maxkamad kaddibna loo xukumay in ay kufsadeen gabadh 16 sano jir ah.

Soomaaliya wali ma ansixin Xeerka Xadgudubka jinsiga, kaas oo haddii la meelmariyo dambi ka dhigi doona dhammaan noocyada xadgudubka jinsiga oo ay ka mid yihiin kufsiga, gacan ka hadalka galmada, tahriibinta iyo guurka carruurta.

Hase yeeshee, dad badan oo ka soo badbaaday kufsi iyo qoysaskooda uma dhiiranna sida Batuulo iyo Naciima marka ay timaado ka hadalka iyo raadinta in la caawiyo. Kuwa badan ayaa ka cabsi qaba in ay si shaarac ah bannaanka u keenaan kuwa soo weeraray, iyaga oo ka cabsi qaba in ay dhib ka soo gaarto ama waxaa sabab u ah in ay ceeb ka cararayaan iyo in lagu takooro. Inta badan, bulshada Soomaaliyeed, kuwa ka badbaada kufsiga waxaa lagu shaabadeeyaa in aysan mudneen guur dambe, taas oo ku qasabta kuwa ka badbaaday in ay qaabilaan laba xanuun; tan kowaad tacadigii hore iyo in lagu qasbay in ay aamusaan.

Taageerida Dadka Badbaaday

Meelaha qaar waxaa jira rajo iyo taageero loogu talogalay dadka badbaaday.

Bishii Janaayo ee sannadkan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa billawday hab loogu talogalay qorshe hawleed qaran oo cusub oo lagu dhameenayo xadgudubka jinsiga ee xiliga colaada. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay taageerayso Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale sameenaya siyaasada anshaxa iyo edaabta loogu talogalay la dagaallanka xadgudubyada ku salaysan jinsiga.

Ururka Haweenka iyo Daryeelka Carruur (SWCCA) ayaa Muqdisho, Baydhabo iyo Jowhar ka bixiyay la talin, taageero maskaxeed iyo kaalmo daawayn bilaash ah oo loogu talagalay dadka ka badbaaday Xadgudub ku salaysan Jinsiga, kufsi iyo gacan ka hadal galmo.

Sarkaalka Ilaalinta ee SWCCA Faadumo Ismaaciil Nuur ayaa sheegtay in ilaa iyo sannadkaan ay gudaha Muqdisho 40 qof oo kufsi ka badbaaday ku caawiyeen la talin, dawayn, tababaro ganacsi iyo deeq lacageed si ay ganacsi yar u samaystaan.

“Tirada rasmiga ah kiisaska kufsiga ayaa aad u badan runtii. Kiisas badan ayaa la soo gudbin sababo la xiriira cabsi aargudasho, cuqdad, isla xisaabtan la’aan, iyo caddaalad la’aan ay la kulmaan qoyska dhibanayaasha ah. Caqabadda ugu wayn ee na qabsata marka aan kiis dad kufsi ka badbaaday la falgalayno ayaa ah inaan la helin cadaymo ku filan si loo qaado shakiya,” ayey tiri Faadumo.

Kiisaska Batuulo iyo Naciimo, halka labada hablood ay geesiyaal ahaayeen inay ku wargeliyaan masuuliyiinta, kiisaskooda way qaboobeen sababtoo ah ma jirto caddayn ku filan oo labada haweenba ma aqoonsan karaan cidda weerartay. Kiiskii Batuulo kuwii weerarka soo qaaday waxay xirteen maasgaraati halka Naciima ay ahayd luuq habeen madow ah.

Balse Batuula oo ah badbaade tusaale mudan. Iyadoo taageero ka helaydsa SWCCA, waxay ku guulaysatay inay sameesato ganacsi yar oo ay ku daryeeli karto nafteeda iyo tan carruurteeda. Wax qoryo oo ay dabku shidato ma raadiso hadda.

Helitaanka Cadaalada

In dadka ka badbaaday Xadgudubka la xiriira Colaada ee gudaha Soomaaliya ay helaan cadaalad waliba marka la joogo miyiga way adagtahay sababo la xiriira eedeesanaha oo meel fog jooga, dhaqanka dadka u degan, amniga, ka baqashada in laga aarguto, nidaamka cadaaladda oo gacmaha ka xiran, dhaqaalo xumi, kalsooni lagu qabin sharciga iyo kufsiga oo wax caadi ah iska noqday iyo sida ay qabiilada wax u xalsadaan.

Maaddaama ay Soomaaliya u dhaqaaqday in ay yeelato qodobbo ku saabsan xadgudubka jinsiga oo loo qaabeeyay qorshe-hawleedkeeda sharci, hadda waxaa jira ururo badan oo adeegyo u fidiya dadka ka badbaaday xadgudubka jinsiga oo ay taageerayaan hay'adaha QM.

Waa iyadoo loo marayo ururada qaar kuwaasoo dadka badbaaday ay ka helaan rajo iyo soo kabasho.