Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamka oo wacad ku maray in ay soo af-jarayaan dhibaatooyinka bani’aaddinimada ee soo noqnoqda

30 Jan 2018

Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamka oo wacad ku maray in ay soo af-jarayaan dhibaatooyinka bani’aaddinimada ee soo noqnoqda

Muqdisho – Soomaaliya iyo bah-wadaagta caalamiga ah ayaa dib u xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan in la soo afjaro dhibaatooyinka dhinaca bani’aaddinimada ee soo laab-laabta iyo in ay sare u qaadaan horumarka dalka ee mustaqbalka, xilli lagu jiray shir-weyne maanta dhacay oo ku saabsanaa jawaab-celinta abaaraha iyo dib u kabsashada.

Kulankan oo uu furay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khaire, ayaa waxaa lagu daah-furay Qorshaha Jawaab-celinta Bani’aaddinimada ee 2018-ka, kaas oo lagu wado in lagu abaabulo lacag dhan 1.5 bilyan oo doolar si wax looga qabto baahiyada dad tiradooda ay gaareyso 5.4 milyan oo qof ee ku nool guud ahaan dalka. Natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay Qiimeynta Baahiyada Saameynta Abaaraha ayaa lagu soo bandhigay kulanka, iyada oo saameynta iyo khasaaraha ay geysteen abaaraha la filay in ay kor u dhaafaan lacag dhan 3.25 bilyan oo doolar.

Natiijooyinka qiimeynta baahiyada ayaa waxaa loo adeegsaday in lagu diyaariyo Hab-dhismeedka Dib u soo Kabsashada iyo Awoodda soo Kabsashada, kaas oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Xubnaha Maamul Goboleedyada u suurtagelin doonaa in ay xal muddo gaaban iyo xal waara ula yimaadaan sababaha keena in ay Soomaaliya u nuglaato abaaraha.

“Waxaan dooneynaa in anaga oo ah bah-wadaagta dhinaca samafalka iyo kuwa horumarinta aan wada-shaqeyno si aan iyada oo aan jawaab-celin ka bixineyno baahiyada bani’aaddinimada ee degdegga ah, in aan isla markana hirgelinno xalalka waara ee lagu dhisay awoodda soo kabsashada,” ayuu yiri Mark Lowcock oo ah Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Samafalka ahna Isku Duwaha Gargaarka Degdegga ah.

Mudane Lowcock ayaa walaac ka muujiyay in baahiyada bani’aaddinimada ee Soomaaliya ay sii socon doonaan, xilli uu dalka la tacaalayo abaaro dhaba dheeraaday iyo colaad hubeysan, kuwaas oo horseeday in dad ka badan labo milyan oo qof ay ka qaxaan guryahooda.

Waxaa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay go’aanka bah-wadaagta caalamiga ah in ay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan istaratiijiyaddeeda ku aaddan in ay horumariso dib u kabsasho waara ayna yareyso waxyaabaha keena in uu dalka u nuglaado abaaraha.

“Waxaan rabnaa in aan adeegsanno hab-dhismeed ay dejisay dowladda si aan ku heshiinno natiijooyin miisaaman ee la doonayo in la gaaro inta u dhaxeysa hadda iyo 2022-ka,” ayuu yiri.

Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Maamulaha Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Achim Steiner, ayaa boogaadiyay dadaallada lagu guuleystay ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ee sanadkii 2017-kii looga hortagay xaalad macluul ah, iyaga oo si weyn taageero ka helay beesha caalamka oo bixisay lacag dhan 1.3 bilyan oo doolar.

“Waa in aad dib u milicsataan idinka oo ku qanacsan, marka hore, maadaama aad muujiseen awoodda ay dowladda u leedahay in ay dalka ka bixiso xilligan oo dhibaatada badan lagu jiray, iyo awooddeeda ku aaddan in ay isku keento beesha caalamka ayna abaabusho dhaqaalaha si loola tacaalo arrintan,” ayuu xusay Mudane Steiner, oo markii ugu horreysay booqday Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay in uu noqdo madaxa UNDP sanadkii la soo dhaafay.

Ra’iisal Wasaare Khaire ayaa soo dhaweeyay bandhigga Hab-dhismeedka Soo kabsashada iyo Awoodda soo Kabsashada, oo ay sanadkii la soo dhaafay hormuud ka ahayd Dowladda Federaalka  iyada oo la kaashaneyso Maamul Goboleedyada, Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub.

“Iyada oo tiro weyn ee dadkeenna ka mid ah ay saameeyeen abaaraha 2016/20170, iyo iyada oo la filayo roob yari muddo bilooyin kaddib, iskama indha tiri karno baahida taagan ee u baahan  in aan dhammaanteen la nimaadno qorshe wax ku ool ah iyo dadaal dheeraad ah,” ayuu xusay Ra’iisal Wasaaraha. 

Waxaa uu u xaqiijiyay bah-wadaagta Soomaaliya ee dhinaca samafalka iyo kuwa horumarinta in Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada ay si hagar la’aan ah ku dadaali doonto in ay isku xirto dhammaan jilayaasha arrimaha samafalka iyo howlahooda.

Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating, ayaa ka digay in haddii dhibaatooyinka bani’aaddinimada xal wax ku ool ah loo heli waayo, ay halis ku noqonayaan xasilloonida laga dareemayo dalka. “Xaaladda ay la tacaalayaan bulshada ku nool dalkan waa mid dhab ahaantii aad u daran, gaar ahaan dadka laga tiro badan yahay iyo dadka dhowaan laga barakiciyay magaalooyinka, kuwaas oo ku nool dhul aan amni lahayn oo aan la isku hubin,” ayuu yiri Mudane Keating,

Hab-dhismeedka Dib u soo Kabsashada iyo Awoodda soo Kabsashada ayaa waxaa la filayaa in uu hago dadaallada dowladda Soomaaliya, bah-wadaagta iyo daneeyayaasha ay khuseyso ee ku aaddan dib u soo kabsashada. Waxaa sidoo kale loogu talagalay in uu suurtageliyo dadaallada wadajirka ah si loo hirgeliyo talooyinka Qiimeynta Baahiyada Saameynta Abaaraha ee ku aaddan sida loo gaari karo yoolka muddada dheer ee dhisidda awoodda soo kabsashada.