Soomaaliya oo dhaarisay xubnaha cusub ee baarlamaanka ee 283da ah

Baarlamaanka cusub ayaa ku dhaartay xafladdii furitaanka ah ee xubnaha Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Soomaaliya, Muqdisho, 27 Desembar 2016. QM Sawir

27 Dec 2016

Soomaaliya oo dhaarisay xubnaha cusub ee baarlamaanka ee 283da ah

Baarlamaanka tobnaad ee Soomaaliya ayaa maanta lagu caleemo saaray xaflad iyadoo 283 xubnaha baarlamaanka (MPs) ay qaataan dhaarta xilka.

Afartan iyo hal xildhibaan ayaa kamid noqonaya Aqalka Sare, halka 242 ay noqon doonaan xubno ka mid ah Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa lagu dhaariyay Xarunta booliska ee General Kaahiye (Xarunta School Polizio) munaasabad uu guddominaayay Guddoomiyaha xilka ka dhamaaday ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay madaxda sare ee Dowladda sida Ra'iisal Wasaaraha xilkiisu dhamaaday Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, oo loo doortay xubin kamid ah Aqalka Sare, iyo Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xilkiisu dhamaaday Maxamed Cumar Carte, oo ku guuleystay kursi kamid ah Golaha Shacabka .

Martida lagu casuumay waxaaka mid ahaa xubnaha ergooyinka diblomaasiyadeed, Mas'uuliyiin ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ay hoggaaminaysay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Lydia Wanyoto, iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee heerka federaal Omar Mohamed Abdulle.

Kooxo kooxo ka kooban 30 xubnaha baarlamaanka ayaa gacanta midigka ah saaray Qur’aanka Kariimka ah iyagoo qaaday dhaarta xilka. Labo guddoomiyeyaal kumeel-gaar ah ayaa loo doortay labada aqal ee baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamaanka ee xilkiisu dhamaaday Maxamed Cismaan Jawaari ayaa xaflad maanta ku tilmaamay mid guul ah ee taariikhda Soomaaliya.

"Waxaan arkeynaa baarlamaan cusub oo xilka kala wareegaya baarlamaankii hore. Waxaan doonayaa in aan fursaddan uga faa’ideysto inaan salaamo xubnaha baarlamaanka kuwaas oo dib loo doortay. Tani waa masuuliyad aad u wayn oo ay idiin dhiibteen dadweynaha, waana codka kalsooni ah, "ayuu yiri Jawaari.

Waxa uu ugu baaqay xildhibaanada inay gutaan waajibaadkooda si hufan oo xishmad ku jirto isagoo xusay in mustaqbalka iyo guusho dalka iyaga ku xirantahay.

Guddoomiyaha FIEIT Omar Mohamed Abdulle ayaa caleemo saarka ku tilmaamay mid marag u ah in Soomaaliya ay awood u leedahay inay qabato doorashooyin, wuxuuna u mahad celiyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay doorka ay ku lahaayeen inta lagu guda jiray hannaanka doorashada.

"Waxaan sidoo kale doonayaa inaan u mahadceliyo ciidamada Soomaaliya, AMISOM iyo beesha caalamka oo bixiyay taageero farsamo iyo mid dhaqaale labadaba, iyada oo aan taas la’anteed doorasho dhici lahayn," Cabdulle ayaa sheegay, isagoo intaa ku daray in wadar ahaan 293 xildhibaan la doortay ilaa iyo hadda kuraasta labada aqal ee baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in kororka tirada dumarka oo kamid noqon doona baarlamaanka tobnaad ay sababtay dadaalka FIEIT iyo xeerarka ay dejiyeen Hoggaanka Madaxa Qaranka.

Qaar badan oo ka mid ah xildhibaanada waxay ka dhawaajiyeen xamaasad iyagoo yididiilo ka muujiyay afarta sano ee soo socota. "Waxaan ku faraxsanahay inaan matalo dadka iyo in la i dhaariyo si an ugu adeego dadka iyo dalka," ayaa tiri Nimco Maxamed Gacal, oo ah xildhibaan laga soo doortay Galmudug. "Waxaan rajeynayaa inaan arki doono isbedel ka dhaca dalka."

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay mudnaanta siiyaan danaha dadka Soomaaliyeed.

"Waxaan u mahadcelinayaa dadka deegaankeyga ee i doortay iyo kuwa suurta galiyay doorashada. Annagu waxaannu u adeegi doonnaa dadkeena si dadaal iyo midnimo ku jirto, "ayuu Cabdulle sheegay.

Maxamud Xayir Ibraahim oo ka soo jeeda Puntland ayaa dib loo doortay inuu kamid noqodo baarlamaanka wuxuuna xusay farqiga u dhexeeya habka doorashada sanadkan iyo midkii lagu soo doortay baarlamaanka sagaalaad ee afartii sano ee la soo dhaafay.

"Maanta waa ka duwantahay 2012, sababtoo ah xildhibaanadan waxaa lagu so doortay gobolada ay ka soo jeedaan," ayuu yiri. "Waxa ay leeyihiin dad deegaan oo dhab ah. Soomaaliya horay ayay u socotaa, dadka Soomaaliyeedna way bislaanayaan. "

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Lydia Wanyoto ayaa soo dhaweysay caleema saarka iyo dhaarinta xubnaha baarlamaanka iyadoo xustay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si loo hubiyo in hannaanka doorashada uu jawi nabad ah ku qabsoomo.

"Maanta waxaannu aragnay Xubnaha Baarlamaanka oo la caleemo saaray oo la dhaariyay iyo wareejinta xilka guddoomiyaha baarlamaanka  lagu wareejinaayo qofka ugu da’da weyn ee baarlamaanka si uu u maareeyo wajiga labaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, oo isna dusha kala socon doono doorashada madaxweynaha," ayay tiri Wanyoto.