Soomaaliya oo martigelisay madasha tamarta waarta

8 Nov 2017

Soomaaliya oo martigelisay madasha tamarta waarta

Muqdisho – Shir labo maalin socon doono oo ay iskugu imaanayaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, bahda ganacsatada iyo bah-wadaagta caalamiga kaasi oo lagu doonayo in lagu qiimeeyo fursadaha iyo caqadaha maalgashiga tamarta waarta ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. 

Ka soo qaybgalayaasha ayaa xusay in inkasta oo tamartu ay udub-dhexaad u tahay waddan kasta oo soo koraya, in qaybta tamarta Soomaaliya ay aad u liidato maadaama dalka uu ku soo jiray 25 sano oo xasillooni-darro, colaad, maamul la’aan iyo musiibooyin dabiici ah. 

Xilli uu daahfurka munaasabadda hadlayey ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u fadhiya Soomaaliya ayaa seddaxda koox ku amaanay imaatinkooda si ay wax uga qabtaan caqabadaha haysta tamarta Soomaaliya.

“Kulanka maanta waxaa uu ku saabsan yahay isku keenidda daneeyayaasha waaweyn ee ku lug leh helitaanka tamar, tamarta la cusbooneysiiyo ee Soomaaliya, dhammaanteenna waxaa aan aad u daneyneynaa in aan taasi ka shaqeysiinno,” ayuu yiri mudane Keating.

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan ee laga dhaliyo tamarta kuwaas oo loo adeegsan karo in wax laga qabto caqabadaha dhinaca caafimaadka, waxbarashada, bulshada, deegaanka iyo sidoo kale nabadgelyada ee uu dalka la kulmayo. Hase yeeshe, waxaa uu ka xumaaday in qaybta tamarta ay shaqeyneyso ayada oo aan lahayn nidaam ayna ku jirto gacanta ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

“Xilligaan la joogo, inta badan lama nidaamiyo, haddana in kasta oo ay ganacsiyada qaar ay faa’iido ka sameeyaan, faa’iidada laga helo waa ay ka yar tahay haddii aad loo nidaamin lahaa,” ayuu yiri Keating.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Salim Caliyow Ibrow, ayaa ku raacay hadalka uu soo jeediyay Wakiilka Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay asaga oo xusay in dowladda ay waddo hannaanka lagu diyaarin lagaa xeerka hagi lahaa maalgashiga qaybta tamarta. Waxaa uu intaasi ku daray in ay jirto baahi loo qabo in dalka uu u gudbo isticmaalka tamarta la cusbooneysiiyo.

“Waddanka waxaa uu u baahan yahay in uu maalgashi ku sameeyo in tamar laga dhaliyo qorraxda, biyaha iyo dabeysha. Maalgashiga waxaa uu horumarin doonaa warshadaha iyo ganacsiyada, sidaasna waxaa uu abuuri doonaa shaqo,” ayuu yiri Wasiirka.

Ku Xigeenka Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan, oo ku hadlayo magaca ganacsatada, ayaa ku kulanka ku tilmaamay mid la qabtay xilliga loo baahnaa, asaga oo intaasi ku daray in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay adeegsato tamarta waarta.

“Waxaan si dhab ah u aaminsannahay in kulankani la qabto xilliga ugu habboonaa waxaana ku baaqeynaa in la taageero hindisahan,” ayuu yiri Ku Xigeenka Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in dowladda ay wada shaqeyneyso si loo xaqiijiyo in dalka uu leeyahay koronto ku filan, oo lagu bixiyo qiimo jaban.

Andrew Morton oo ah khabiirka Qaramada Midoobay ee tamarta la cusbooneysiiyo ayaa asna ku raacay in qaybta tamarta ee Soomaaliya ay ku jirto gacmaha ganacsatada gaarka ah, iyaga oo taabbagelin ka helaya beesha caalamka.

“Balse si koboc dhab ah loo helo, waxaa ay u baahan tahay in ay keento maalgelin, waxaa ay u baahan tahay in ay keento deen, si taasi loo helana waxaa aan u baahannahay in aan sameyno jawi habboon, waxaa aan u baahannahay in aan sameyno mashruucyo xiisa leh iyo ganacsiyo xiisa leh ee ay shirkadaha maalgashan karaan,” ayuu ku daray Morton.

Kulankan oo maalinta berri ah ku eg waxaa laga wada hadli doona caqabadaha dalka uu la kulmayo ee dhinaca tamarta oo ay ka mid yihiin maalgelin hooseeysa iyo kharashka badan ee ku baxa tamarta, taasi oo kharashka korontada ee qoysaska ka dhigay kuwa ugu sarreeya adduunka. Waxaa sidoo kale la isla eegi doonaa fursadaha maalgelinta shidaalka iyo gaaska iyo sidoo kale tamarta la cusbooneysiiyo sida dabeysha, qorraxda iyo biyaha.