Soomaaliya: QM ayaa ka digtay hoos-udhac wax-soosaarka dalagga tan iyo sanadkii 2011

2 Sep 2019

Soomaaliya: QM ayaa ka digtay hoos-udhac wax-soosaarka dalagga tan iyo sanadkii 2011

Muqdisho - Roobab aan xiriir ahayn soona daahay oo da'ay intii lagu jiray xiliga Guga ee Soomaaliya (Abriil-Juun) oo keenay biyaha webiga oo heerkoodu uu hooseeyo ayaa horseeday in dalagyadii beeraha kasoo go'ayay ay noqdaan kuwii ugu liitay tan iyo abaartii dhacday sanadkii 2011, isla mar ahaan taana ay khatar geliso xaalada nugul ee haysashada cuno badan "food security" ee hadaba ka jirto dalka.

Sida lagu sheegay xogta 'wixii ka dambeeyay Guga sanadka 2019 ' ayna soo aruurisay Hay'aada Cunada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Unuga Falanqaynta Haysashada Cuno badan iyo Quudinta iyo Shabakadda Nidaamka Digniinta Hore ee Macaluusha, soo goosadkii dalagyadu wuxuu dhanaa ilaa boqolkiiba 70% oo ah mid hooseeyo isku celcelis ahaan dhulka koonfurta marka loo fiiriyo xiliga Guga ee sanadka '2019'. Natiijada hoos u dhacaysa ayaa la xiriirto qiimaha aan caadiga ahayn ee masagada/haruurka oo gaartay meel sare intii lagu guda jiray xili sanadeedka dhamaantiisba. Warbixinta Farsamo ee soo baxday maanta kana hadlayso wixii ka dambeeyay xiliga Guga ee sanadka 2019 ayaa tilmaamaysa, in maqnaanshaha gargaar bani'aadamnimo, ay ilaa 2.1 milyan oo qof oo ku kala nool daafaha Soomaaliya ay wajahayaan gaajo daran marka la gaaro bisha Disembar 2019, aydoo ay noqonayso tirada guud ahaaneed ee Soomaalida la filayo inay baahi cuno la'aaneed soo food saarto dhamaadka sanadka ilaa 6.3 milyan.

Dhibaatooyinka cimilada oo ay weheliyaan sabool nimo baahsan iyo nuglaan ayaa ah arrimaha ugu waaweyn ee malaayiin qof oo Soomaali ah ku qabtay gaajo daran (IPC wajiga 3, "dhibaato" "xaalad degdeg ah" iyo wajiga IPC 4, "xaalad degdeg ah" iyo nafaqo dari.)

Dad lagu qiyaasay 2.6 milyan ayaa ku barakacsan dalka daafihiisa, kuna kala firirsan bulshooyin baadiya ku nool oo marti ay u yihiiin ama ku nool degmooyin rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn oo kuyaalo daafaha degaano iska magaaloobay. Nafaqo xumi baahsan ayaa ka jirto daafaha dalka, 1 milyan oo caruur ah ayaana la saadaalinayaa inay nafaqo xumi daran qabsato sanadka dambe, oo ay ku jiraan 180,000 oo qof oo ay u badan tahay inay nafaqo xumi aad u daran qabsan doonto, waa hadii aan la soo fara gelin.

Dhibaatooyinka Cimilada ayaa ah kuwa sii xumaynayo baahida.  Si kasta, dhibaatooyin kaas waa inaanay noqon kuwo horseedo musiibo balaaran. Waa inaan sii wadno shaqo wadareedka si aan u xoojino awooda ay Soomaaliya u leedahay iska caabinta dhibaatooyinka cimilada, xal waarana ay ugu heli lahayd.
Marka aan qaab wadareed ugu baaqayno wax ka qabashada baahida daran ee deg-degtana ah ee bani'aadam nimada, waxaa waajib nagu ah inaan sii wadno sidii loo maal gelin lahaa dadaalada lagu ogaanayo xal waaro". Ayuu yiri Xamza Saciid Xamza, Wasiirka Arrimaha Bini'aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xiliga wax beerashada Dayrta ee soo socdo (Oktoobar-Disembar), oo la filayo inuu noqon doono mid ka qoyaan badan sidii caadiga ahaan jirtay dhulalka badan kooda, ayaa waxaa muhiim noqon doonto in laga fogaado siidii aanay ugasii dari lahayn xaalada cunto haysashada ee Soomaaliya. Saadaasha roobka di'i doono waxay muujineysa in 45 ilaa 55 boqolkiiba suurtagal nimada inay ka sarayn doonaan sidii dhex dhexaadka ahaan jirtay inta badan qaybaha dalka. Xadiga roobabka di'i doono waxaa ka faa'iideysan doono bulshooyinka xoola dhaqatada ah iyo kuwa isku dhaqdo beeraha iyo xoolaha.  Si kastaba, waxay u badan tahay in roobabku ay sababi doonaan daadad ka fataho wabiyada waaweyn ee Jubba iyo Shabelle ee ku yaalo dalka, kuwaas oo si xun u dhaawici karo dalaga isla mar ahaan taana saameyn ku yeelan karo wax yaabaha la soo goosto.

Marka laga soo tago waxaas aan kusoo bidhaaminay, howlgalka bina-aadamnimada Soomaaliya wuxuu wali sii ahaanayaa maal gelinta uu helay mid ay hoosayso, ayadoo Qorshaha Kajawaabista Banii-adamnimada ee sanadka 2019 ilaa iyo hada waxa la helay uu yahay US$ 487 milyan - kaasoo ah mid ka yar kala bar wixii loo baahnaa.  Dowladda Federaalka iyo bulshada bina-aadamnimadu waxay bilaabeen Qorshaha Kajawaabista Saameynta Abaarta, kaasoo daboolayo bilaha Juun ilaa Diseembar ee sanadkan 2019.

“Waxaan uga mahad celinayaa bulshada deeq bixiyeyaasha ah taageerada degdegta ah ee ay u fidiyeen hay'adda 'DIRP', taas oo u fududaysay hay'adaha gargaarka inay kor dhiyaan kajawaabista iyo ka fogaynta 1 milyan oo qof sidii ay uga bixi lahaayeen baahi cuno yaraan inta lagu jiro bisha Sebtember 2019. Si kastaba, hay'adda "DIRP" ilaa hada lacagta maal gelinta ah ee ay heshay waxay ka yartahay boqolkiiba 50, haddii aanan la helin lacago dheeraad ah iyo kajawaabis wadareedna, dad dhan 2.1 milyan ayaa waxaa soo wajihi doonto cuno yari daran Bisha December dhamaan teedba. Bah-wadaagta bani'aadamnimada waxay diyaar u yihiiin soo faragelin, laakiin sidaas ma samayn karaan haddii aanay haynin  lacago ku filan.  Waxaan ku boorinayaa dhamaan deeq bixiye yaasha inay sii wadaan dardar gelinta taagerada, si loo suurta geliyo kaalmada naf-badbaadinta ah ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed oo tiro badan, sida ba'ana ugu baahan gargaarka. ”Ayuu yiri George Conway, kusimaha Isuduwaha Howlaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya.