Soomaaliya waxay maraysaa "meel wanaagsan" ayay tiri madaxa UNDP Helen Clark

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud QM u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Michael Keeting, oo soo dhaweynaya Maamulaha hay’adda  Barnaamijka Horumarinta  Qaramada Midoobay, Helen Clark, kolkii ay kasoo dagaysay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, 24-ta Agoosto 2016. Sawir QM

24 Aug 2016

Soomaaliya waxay maraysaa "meel wanaagsan" ayay tiri madaxa UNDP Helen Clark

Madaxa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey ee UNDP, Helen Clark, ayaa xaaladda dalku maanta marayo ku tilmaantay mid “yididiilo wacan leh”, ka dib booqasho ay caasimadda Soomaaliya ku timid.

Ms. Clark ayaa booqasho maalin qaadatay ku bixisay wadaxaajood ay la yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo madax kale oo dowladda ka mid ah, ku waas oo ay kala hadashay hannaanka doorashada Soomaaliya. Madaxa UNDP waxay kale oo madaxda Soomaalida isla soo qaadeen qoondada haweenka laga siiyey matalaadda siyaasadda Soomaaliya ee 30%, iyo daahfurka qorshaha qaranka ee lugu wado in dalka laga hirgeliyo markii ugu horreysey muddo 25 sano ah.

Ms. Clark waxaa booqashadeeda ku wehliyey Kuxigeen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq. Waftigan waxaa gegida diyaaradaha ku soo dhaweeyey Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, iyo saraakiil sarsare oo Qaramada Midoobey ka tirsan.

Waxaa sidoo kale waftiga Ms. Clark wax ka soo dhaweysey Ku xigeenka Wakiilka Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Lydia Wanyoto.

Madaxa UNDP waxay goor dambe la kulantay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, saraakiil ka socota Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha iyo shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey.

Clark ayaa ujeedada socdaalkeeda ku sheegay mid ay ugu kuurgaleysey xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya, islamarkaana lugu muujinayey “in aan kaalinta nooga aadden ka ciyaareyno taabbagelinta horumarka Soomaaliya ku tillaabsaneyso.”

Maamulaha UNDP waxay si xooggan u taageertay go’aanka lugu gaarey in 30% kuraasta Labada Aqal ee Baarlamaanka soo socda loo qoondeeyo haweenka.

 “UNDP waxay aad ugu lug leedahay taakuleynta doorashooyinka, waxaan si gaar ah u taageersanahay in haweenku ka dhex muuqdaan siyaasadda iyo hoggaanka dalka,” ayey tiri Clark, oo intaas ku dartay; “Doorashooyinku wey soo socdaan, waxaana rajo weyn ka qabaa in guulo wax ku ool ah la gaari doono.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa Ms. Clark uga mahadceliyey taageerada QM u fidiso Soomaaliya, wuxuuna warfidiyeenka u sheegay in uu madaxa UNDP uga xogwarramay horumarka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tillaabsaday, caqabadaha ku hor gudban iyo doorka muuqda ee UNDP ka ciyaareyso isbeddel dalka ka dhaca.

 “Hadda waxaa markii ugu horreeyey la diyaariyey Qorshihii Horumarinta Qaran ee dalku yeesho tan iyo horraantii Siddeetameeyadii. Waxaan rabnaa in aan qabanno doorashooyin UNDP ay door muhiim ah ka ciyaareyso oo dalka ka dhaca,” ayuu yiri Xasan Shekh.

 “Maanta siyaasadda Soomaaliya waxaa looga xaajoodaa meelo Muqdisho ka baxsan. Maalin walba waxaa sii kordhaya tirade dadka Soomaaliyeed ee ka qaybqaadanaya ka tashiga aayaha siyaasadda Soomaaliya. Waxaana noo muuqda rajo muujineysa inaan ku dhanahay meesha aan u soconno, taas oo ah doorsho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta marka la gaaro sannadka 2020, ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku soo gunaanudey.

Wakiillada ururrada bulshada rayidka ayaa walaac ka muujiyey ka libkeenidda qoondada haweenka marka la gaaro doorashada soo socota. Xubnahaas waxaa ka mid ahaa Danjire sharafeedyo uu Madaxweynuhu u magacaabay in ay u ololeeyaan sidii haweenku xaquuqdooda uga heli lahaayeen sharci dajinta.