Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhamaan umadda Soomaaliyeed u diraysaa hambalyo diiran oo ku aaddan bilashada bisha Ramadaan

13 Apr 2021

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhamaan umadda Soomaaliyeed u diraysaa hambalyo diiran oo ku aaddan bilashada bisha Ramadaan

Muqdisho –  Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed u diray hanbalyo diiran oo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri Md. Swan.

“Bisha Ramadaan ee sanadkan ayaa bilatay iyadoo dadka Soomaaliyeed dib u billaabayaan soo celinta xiriirka ku qotoma qiyamka soojireenka ah ee wadajirka, isu-dulqaadashada, is-cafinta iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo aan rajeynayno inay sidoo kale hagi doonto madaxda Soomaaliyeed. Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee ka-fikirka xaaladaha uu idiin horseedo farxad iyo midnimo! Ramadaan kariim! Soon wanaagsan!”