U ololeeya u jajaban horumarinta xuquuqda haweenka iyo dhallinyarada

15 Oct 2017

U ololeeya u jajaban horumarinta xuquuqda haweenka iyo dhallinyarada

Sahra Kooshin waa qof u ol’oleysa xuquuqda haweenka. Waxaa ay sidoo kale tahay gabyaa caan ah iyo qoraa. Waxaa ay haatan tahay Agaasime Ku xigeenka Fulinta iyo Maareeyaha Barnaamijyada oo ay ka tahay Somali Institute for Development and Research Analysis (SIDRA).

Sahra oo ku dhalatay Soomaaliya waxaa ay dalka ka tagtay ayada oo sagaal jir ah waxaana ay waxbarashadeeda ku dhammeysatay dalka Holland. Toban sano ka hor waxaa ay go’aansatay in ay Soomaaliya dib ugu laabato si ay wax u qabato dadkeeda.

“Waxaan dareemay in Soomaaliya aad la iiga baahan yahay marka loo eego Yurub. Waxaan gacan ka geysan karaa wanaagga iyo horumarinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dumarka iyo dhallinyarada,” ayay tiri.

Sahra waxaa ka go’aan in ay sare u qaaddo codka haweenka ku dhex nool Soomaaliyaa, oo ay ragga ka taliyaan, ayna ku dhiirrigeliso in ay ka qayb qaataan howlaha dhismaha nabadda iyo dib u dhiska dalka.

“Soomaaliya waa dal ay ka taliyaan ragga. Waxaa jira aragtiyo badan oo aan sax ahayn oo ay dadka ku dhaqan dhulalka miyiga ah ka qabaan haweenka, kuwaas oo ah in aysan sida ragga u karti badneyn, aysan go’aanno wax ku ool ah gaari karin, aysan noqon karin hoggaamiyeyaal hufan, iyo in aysan kaalin muhiim ah ciyaari karin. Tani waa midda ku khasbaya haweenka in ay u dagaalamaan xuquuqdooda iyo in la maqlo si ay kaalin weyn ka ciyaaraan siyaasadda, maamulka iyo hoggaaminta,” ayay tiri Sahra.

Rajada wanaagsan iyo firfircoonida haweenka Soomaaliyeed ayaa u horseeday in ay dalbadaan boqolkiba 30 kuraasta baarlamaanka federaalka ah inta lagu jiray geeddi-socodka doorashooyinka ee 2016-ka. Waxaa ay heleen wax ka yar hiigsiga ay lahaayeen, ayaga oo helay boqolkiba 24 ee kuraasta baarlamaanka. Hase yeeshee, Sahra waxaa ay aaminsan tahay in gabdhaha da’da yar ee Soomaaliyeed ay weli yeelan karaan riyooyin iyo hiigsi waaweyn, ayna gacan ka geysan karaan isbeddelka dalkooda.

“Haddii aan tusaalooyin ku siiyo, waxaa aan waayahan dambe aragnay haweenka ugu horreeyay ee u tartama xilka madaxweynenimada, qof dumar ah ayaa sidoo kale u tartantay xafiiska duqa magaalada (caasimadda Puntland) ee Garowe. Haweenka waxaa ay hadda diyaar u yihiin in ay qaataan dowrkooda iyo awooddooda ayna wax ka qabtaan qaab-dhismooyinka hadda jira,” ayay raacisay Sahra.

Sahra waxaa ay sidoo kale xoogga saartaa arrimaha xuquuqda dhallinyarada ee maamul-goboleedka Puntland.

“Farriinteyda aan maalin kasta u diro dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay isku kalsoonaadaan, ay aamiinaan suurtagalnimada mustaqbal weyn oo ay Soomaaliya yeelaato. Waxaa aan isleeyahay dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in mid waliba oo ayaga ka mid ah uu leeyahay dowr ay ciyaaraan. Balse waa in ay sidoo kale hubiyaan in wax walibo oo wanaagsan oo ay qabanayaan dhallinyarada, waa in ay waafaqsanaadaan heerka waaritaanka ayna noqdaan kuwa joogta ah si ay kaalintooda u noqdan kuwo saameyn xooggan leh,” ayay tiri.

“Jiilkeenna waxaa ay leeyihiin fursado badan. Haddii aad isku barbar-dhigto Soomaaliyada 20 sano ka hor iyo Soomaaliyada maanta, waxaa aad dareemi kartaa in uu u dhaxeeyo farqi weyn marka loo eego dhallinyarada sida weyn wax u bartay oo firfircoon ee jecel in ay gacan ka geystaan,” ayay raacisay.

“Sahra waxaa ay si tabarrucaad ah tababar iyo hagid siisaa dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed. Waxaa ay sidoo kale bixisaa la talin xirfadeed iyo barnaamijyo karti-dhis ah ee sare loogu qaado xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyaro badan ayaan ka caawiyay in ay noqdaan hoggaamiyeyaal wanaagsan ayaga oo helay aqoon badan oo ku saabsan sida ay wax waliba u shaqeeyaan, sida loo qoro araajida, sida loo raadsado shaqo, sida loogu guuleeysto wareysiyada shaqada iyo sida loo bandhigo fikradaha,” ayay tiri Sahra.

In kasta oo ay saldhiggeedu tahay Garowe, Sahra waxaa ay si firfircoon ula shaqeysaa kooxaha haweenka ee gobollada kale ee dalka.

“Waxaan xiriir dhow la leeyahay haweenka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada kala duwan ee dalka. Waxaan leennahay bog Facebook ah oo ay wadaagno aqoonta, aan iskala shaqeyno, aana abuurno sheekooyin. Waxaan sidoo kale aasaasay Barnaamijka Jinsiga iyo Tacliinta Sare ee SIDRA oo ay kooxo badan oo haween iyo shakhsiyaad ku kulmaan sanadkiiba mar si loo wadaago aqoonta iyo khibradda,” ayay ku dartay.