UNSOM oo abaalmarisay saraakiil hawl-kar ah

Raisedon Zenenga, Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) ee Soomaaliya oo u xiraya biladda adeegga la taliye dhanka militariga Qaramada Midoobay intii lagu guda jiray xaflada abaalmarinta biladda shaqaalaha labisan ee Qaramada Midoobay, Moqdisho, 01 Febraayo 2017. QM Sawir

1 Feb 2017

UNSOM oo abaalmarisay saraakiil hawl-kar ah

Siddeed saraakiil boolis iyo milateri ayaa maanta helay billado iyo shahaadooyin lagu aqoonsanayay hawlihii heerka sare ee ay qabteen muddadii ay la taliyeyaasha u ahaayeen Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).

Raisedon Zenenga, Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa billadaha guddoonsiiyey saraakiisha, oo ka soo kala jeeda dalalka Sweden, Finland, Nepal iyo Mawali, kuwaas oo taliyeyaal boolis iyo milateri u ahaa Kooxda Hay’adaha Ammaanka iyo Sharciga iyo Kala Dambeynta ee UNSOM.

Saraakiishan ayaa dalalkooda waxay u xil saarteen inay la shaqeeyaan UNSOM muddo u dhaxeysa afar iyo lix bilood.

Isagoo ka hadlayay xafladda abaalmarinta, Mudane  Zenenga ayaa ku ammaanay saraakiisha shaqadooda, naf-hurnimadooda iyo daacadnimadooda oo ka caawiyay Hawlgalka inuu guto waajibaadkiisa Soomaaliya.

“Gacanta aad adinka iyo dalalkiinnaba siiseen hawlgalka inuu Soomaaliya u dhaqaajiyo dhanka nabadda iyo xasilloonida waa mid aan si wayn uga mahadcelinayno,” ayuu yiri.

Ku Xigeenka Madaxa Booliska UNSOM Richard Luhanga ayaa sheegay in billadaha la siiyay saraakiisha ay yihiin astaan muujinaysa ka go’naanshahooda shaqada iyo gacanta ay ka gaysteen baadidoonka loogu jiro nabadda Soomaaliya.

“Billaddan waxay mar kasta ahaan doontaa mid na xusuusisa inay noo taallo hawl u baahan in la dhammeystiro oo ku aaddan u adeegidda bini’aadannimada. Waxaan sidaas awgeed mahadnaq u dirayaa hoggaanka hawlgalka ee fursadda noo siiyay inaan ka mid noqonno qaddiyaddan sharafta leh,” ayuu yiri Mudane Luhanga.  

Wuxuu kalsooni ka muujiyay in nabad iyo amni ay ku soo laaban doonaan Soomaaliya.