UNSOM oo ka taageertay 60 weriye tababar dhanka tabinta ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda

previous next
30 Jun 2021

UNSOM oo ka taageertay 60 weriye tababar dhanka tabinta ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda

Muqdisho – Tababar dhanka mareegta Internet-ka ah oo socday muddo saddex bilood ah oo uu maalgeliyey Xafiiska Howlgalka Kaalmada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayna si wadajir ah u fududeeyeen Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SWJO) iyo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (FESOJ) ayaa la soo gabagabeeyey 17-kii Juun.

Lixdanka (60) weriye oo ka kala yimid Muqdisho, Puntland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Jubaland ayaa la tababaray. Saxafiyiinta la tababaray badankood waxay ahaayeen dumar - boqolkiiba 60 [oo ah 36 saxafiyiin haween ah].

Tababarradan ayuu ujeedkiisu ahaa kordhinta xirfadaha suxufiyiinta Soomaaliyeed ee u doodista iyo u ololeynta ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda iyo in la xoojiyo tabinta warbaahinta ee haweenka musharrixiinta ah ama kuwa hanka siyaasadeed ka leh doorashooyinka soo socda ee 2021.

Saxafiyiinta xirfadlayaasha ah ee aqoonta leh waxa ay muhiim u yihiin kobcinta iyo xoojinta kaalinta kaqeybgalka haweenka ee siyaasadda iyo geedi socodka go'aan gaaridda arrimaha Soomaaliya.

“Aqoon-isweydaarsiyadani waxa ay ku saabsanyihiin kaqeybgalka haweenka ee siyaasadda iyo doorka ay warbaahintu ka qaadan karto arrinkaa. Kala bar dadka Soomaaliyeed waa dumar halka barka kalena ay yihiin kuwii ay soo koriyeen, sidaa darteed muhiim ayey ku yihiin bulshada. Soddonkii sano ee la soo dhaafay, habluhu waxa ay laf dhabar u ahaayeen bulshada Soomaaliyeed, balse tiro yar ayaa ka qeyb qaadatay oo xaadirtay goobaha go’aan-qaadashada, waana taas sababta aan u go’aansannay in aan tababarro u fidino saxafiyiinta si kor loogu qaado wacyiga haweenka loona kordhiyo ka qeyb galkooda siyaasadda’’  ayuu yiri Guddoomiyaha FESOJ Abaadir Cabdulqaadir Cilmi.

Masuuliyadda warbaahinta

Kaalinta warbaahintu ku leedahay u qareemidd wax ku oolka ku ah howlahan iyo dhisida xirfadaha warbaahinta ee haweenka ku loolamaya siyaasadda ayaa sidoo kale carrabka loogu adkeeyey.

Marwo. Xaniifa Maxamed Ibraahin, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, oo uga qeybgashay aqoon-isweydaarsiga khadka Zoom-ka lana hadleysay, kaqaybgalayaasha, ayaa xustay in intii lagu gudajiray doorashadii 2016 ay warbaahintu door muhiim ah ka qaadatay xaqiijinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 24- ay hadda haweenku ka heystaan baarlamaanka.

“Weriyeyaasha Soomaaliya waxa ay door weyn ka ciyaaraan taageeridda haweenka, waana taas sababta aan ugu guuleysanay boqolkiiba 24 matalaada haweenka ee baarlamaanka. Markan, 2021, waxaan rajeynaynaa inaan gaarno boqolkiiba 30, doorka warbaahintuna aad ayuu muhiim u yahay. Warbaahinta ayaa siyaabo badan uga qeyb qaadata faafinta iyo ka warqabka shaqada haweenka ee bulshada iyo ka qeyb galkooda siyaasadeed,” ayay tiri.

Dhinaceeda, Farxiyo Maxamed Kheyre, Gudoomiyaha SWJO, waxa ay sheegtay in doorka saxafiyiinta ee ololaha kaqeybgalka haweenka ay siyaasadda ay keeneen guulo wax ku ool ah.

“Si aan ugu qareemno kaqeybgalka haweenka ee siyaasadda, waxaan ku heshiinay in aan ka faa;iidesanno khibradda weriyeyaasha, maadaama ay yihiin laf dhabarta bulshada ayna awoodaan in ay adeegsadaan saameyntooda si ay u xoojiyaan ololaha u doodista ka qeybgalka siyaasadda ee haweenka. Dumar badan ayaa diyaar u ah in ay kaqeyb galaan siyaasadda, balse nasiib darro, kama helaan taageero fiican bulshada. Sidaa darteed waxaan rabnaa in warbaahintu ay door muhiim ah ka qaadato muujinta iyo kor u qaadida doorka haweenka ee siyaasada, ayay tiri.

Aragtida kaqeybgalayaasha

Qodobbada ugu waawayn ee laga hadlay intii ay socdeen tababaradan khadka Internet-ka ah waxaa la falanqeeyey hababka qoraalka, gaar ahaan sheekooyinka muuqaalka leh, maqaallada wararka, iyo qaybaha fikradaha, xoojinta ku lug lahaanshaha haweenka ee dib u habeynta qaabdhismeedka iyo in hay'adaha haweenku ay qeyb ka noqdaan, siyaabaha lagu gaari karo kaqeybgal buuxa ee haweenka iyo sidoo kale caqabadaha kaqeybgalkooda siyaasadeed iyo doorka haweenka ee maamul wanaaga.

“Kaqeybgalka haweenka ee siyaasadda waxaa wajahaya caqabado. Hablaha qaarkood waxa ay gaareen horumar. kuwa la kulmaya caqabadaha waxaa in ay muujiyaan caqabadda heysata - si loo xaliyo. Sidoo kale, kuwa shaqeeyay 20 sano ama ka badan - sheekooyinkooda waa muhiim in la wadaago - si ay tusaale ugu noqoto haweenka kale ee doonaya in ay ka qeyb galaan siyaasadda,” ayay tiri Zamzam Maxamed, oo ah Weriye ka tirsan warbaahinta Mustaqbal Media ee saldhigeedu yahay Muqdisho.

Ka qeybgalayaashu waxa ay sidoo kale bogaadiyeen tababarka.

“Kani wuxuu ahaa tababarkii ugu horreeyay ee aan kaqeybqaato, kaqeybgalka haweenka ee siyaasadda, iyo doorka ay warbaahintu ku leedahay muujin-tooda. Intii tababarku socday waxaan baranay sida loo sameeyo warbixinnada, wareysiyada iyo falanqeyntoodaba, taas oo diiradda lagu saaray ka qeybgalka siyaasadda. Anagoo adeegsanayna xirfadaheenna suxufinimo si aan usoo saarno haween badan oo kaqeybgala siyaasadda,”ayay tiri Shukri Ismaaciil, oo ah weriye ka howlgasha Raadiyaha Warsan, ee magaalada Baydhabo.

Isagoo dib u milicsanahay dareenka Shukri, ka qaybgale kale, Cabdullaahi Maxamed Sheekh-doon, oo ah Weriye ka tirsan SBC TV ee Garoowe, waxa uu sheegay inuu u gudbin doono xirfadaha iyo aqoonta uu ka bartay asxaabtiisa kale.

“Seddexdii maalmood ee ugu dambeysay tababarka, waxaan ka faa’iideysanay si aad ah. Dhammaan wixii aan soo baranay bulshada ayaan dib ugula soo noqon doonnaa Insha’Allaah. Tusaale ahaan, waxa aan bartay waa in warbaahintu ay kordhiso tabinta wararka haweenka ku jira siyaasadda oo lagu dhiirrigeliyo ka qaybgalkooda siyaasadda, ”ayuu yiri.

Tababarro badan ayaa loo baahday

Ugu dambeyntiina, qabanqaabiyeyaashu waxay u mahadceliyeen UNSOM waxayna ku boorriyeen ka qaybgalayaasha in ay qoraan sheekooyin si ballaaran uga hadlaya haweenka hanka siyaasadeed leh.

Mowduucyada badan ee lagu bartay tababaradan waxaa ka mid ahaa in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay qoraan sheekooyin dheeri ah oo ku saabsan ka qeyb galka haweenka ee siyaasadda. Waxaa loo baahnaa tababbar noocan ah, ha ahaato mid shaqsiyaad saxafiyiin ah ama xarumahooda warbaahineed. Waxaan runtii uga mahadcelineynaa UNSOM taageerada ay na siisay, iyo sida ay nooga caawisay soo saarista saxafiyiin xirfad leh oo karti u leh qorista sheekooyinka tayada leh, gaar ahaan kuwa khuseeya ka qayb galka haweenka ee siyaasadda, ”ayay tiri Nasriin Maxamed Ibraahim, Ku-xigeenka Guddoomiyaha SWJO.

Taageerada Qaramada Midoobay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (FGS) oo kaashanaysa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo saaxiibbadeeda kale ayaa soo saaray hindisayaal lagu hubinayo in qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba la taageero oo si buuxda loo dhaqan geliyo.

Saraakiisha sar-sare ee Qaramada Midoobay, AMISOM, Midowga Yurub iyo IGAD ee ku sugan Soommaaliya waxa ay la kulmayeen dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha xubnaha ka ah federaalka iyagoo ku boorrinaya in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 doorashooyinka soo socda ee 2021.