War-bixin kooban oo ku saabsan UNSOM

3 Jun 2014

War-bixin kooban oo ku saabsan UNSOM

Sameynta iyo waajibka
Golaha Amaanka ee QM ayaa aasaasay UNSOM 2dii May 2013, waxaana la howl geliyey 3dii Juun 2013. Kaalinta ugu weyn ee UNSOM waa in uu noqto mid gacan ka geysata abuuridda iyo diyaarinta jawiga siyaasadeed iyo istaraatejiyadii lagu heli lahaa xasillooni iyo nabadayn, taas oo ay ka mid tahay inuu soo abaabulo qaybaha kale ee Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkaba. UNSOM wuxuu taageerayaa ajendaha nabadda, amniga iyo dhismaha qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna dalka ku kaalmeyn doonaa inuu horey u socdo si uu u gaaro doorashooyin xor iyo xaqba ah lana qabto sannadka 2016. Wuxuu xafiiska xilkiisa u gudanayaa asaga oo ku dhaqmaya mabaadi'da kala ah: lahaansho Soomaaliyeed ( wa in ay taladu leedahay Soomaalida), dabacsanaan, wadashaqayn iyo iskaashi. Wuxuu wadashaqeyn dhow la leeyahay saaxiibada muhimka ah sida Midowga Afrika iyo Urur-Goboleedka IGAD. Wuxuu kaloo fulin doonaa rabitaanka Dowladda oo ah in uu noqdo "Irrid keliya oo Qaramada Midoobay laga galo"

Hoggaanka iyo qaab-dhismeedka
UNSOM waxaa hoggaamiyo Nicholas Kay, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, iyo labo ku-xigeen: Fatiha Serour, iyo Philippe Lazzarini; mas’uulkan dambe waxaa kale uu yahay isku xiraha hey’adaha QM ee dalka ka howlgala iyo isku-duwaha gargaarka beni’aadanimo ee Soomaaliya.

UNSOM wuxuu ka koobanyahay dhowr qeeybood: Kooxda Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta; Kooxda Ku dhaqanka sharciga & laamaha amniga; Xuquuqul-adanaha, Xiriirka Istiraatiijiga ah & Wargelinta Dadweynaha iyo Wadajirka & Wax-ku-oolnimada. Sidoo kale UNSOM waxay leedahay lataliyeyaal kala taliyo arrimaha Jinsiga (Ragga iyo Haweenka), Ilaalinta Dumarka iyo Ilaalinta Caruurta.

Goobta

Xarunta UNSOM waa magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya. Howlgalku wuxuu sidoo kale xafiisyo ku leeyahay Garowe, caasimada dowlad goboleedka woqooyiga Soomaaliya ee Puntland, magaalooyinka bariga iyo bartamaha ee Kismaayo iyo Baydhabo, iyo gudaha Hargeysa, caasimada Soomaaliland. Intaas waxaa sii dheer in UNSOM uu xafiis iskuxir ah ku leeyahay Nairobi, Kenya.

Howlgalku wuxuu hadda qorshaynayaa inuu isku baahiyo Soomaaliya, iyadoo la eegayo xaaladda amaanka iyo midda qalabka iyo agabka.

Miisaaniyadda & shaqaalaynta
UNSOM wuxuu leeyahay ilaa 90 shaqaale heer qaran iyo heer caalami iskugu jiro, badankooduna ay xarun u tahay Muqdisho; miisaaniyad holwleeedka sanadlaha ah ee Howlgalka waa US$48 malyan.

Sawirka Guud ee Howlaha:
Dowlad-wanaagga – UNSOM wuxuu fududeeyn joogto ah u sameeyey dadaallo dhexdhexaadin ah oo Soomalida hoggaanka u hayaan oo laga dhex sameeyey jilaayeyaasha siyaasadda taasoo qeyb ka ah waajibka xagga dhsimaha nabadda iyo qaranka. Wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay doorashadii aan tooska ahayn ee guusha ku dhamaatay ee ka dhacday dowlad goboleedka woqooyiga Soomaaliya ee Puntland bishii Janaayo 2014, wuxuuna sii wadaa inuu kaalin ka qaato taageerada loo fidinaayo fulinta Heshiiskii Addis Ababa ee Maamulka Kumeelgaarka Jubba, iyo sidoo kale geedisocodka maamulo loogu sameeynaayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

UNSOM wuxuu kaloo taageerayaa dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah, geedisocodka federaalka iyo tubta lugu gaaraayo doorasho si dimoqoraadi ah u dhacda 2016, taas oo UNSOM uga qeyb qaadanaayo bixinta istiraatiijiyadda loo maraayo, talo siyaasadeed, kaalmo farsamo iyo dhiirigelinta wadahadal qaran oo loo dhanyahay.

Taageerada howlgallada & xasilinta ay sida wadajirka ah u fuliyaan AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya – Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM waxay si wadajir ah u billaabeen howlgal milatari oo kadhan ah Al Shabaab bishii Maarso 2014; howlgalka ilaa iyo hadda waxaa lugusoo celiyey 10 degmo. Taageerada lasiiyo xoogagga aan ahayn QM oo shuruud looga dhigo u hogaansanka Siyaasadda Daryeelka Waajibka ah ee Xuquuqda Aadanaha, Xafiiska QM ee Taageeridda AMISOM (UNSOA) wuxuu ciidanka ku taageeraa qalab aan wax lugu dilin.

UNSOM wuxuu lashaqeeyaa AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) si ay u fuliyaan Siyaasadda Daryeelka Waajibka ah ee Xuquuqda Aadanaha, taasoo loo maraayo qabashada tababarro xuquuqda aadanaha kusaabsan oo loo qabanaayo ciidanka AMISOM iyo SNA kahor inta aan la kenin dalka.

Ergadda (xafiiska)waxaa kale oo uu taageerayaa dadaallada dowladda ay ku dooneyso inay gaarsiiso awoodeeda iyo dhismaha dowladnimo goobaha dhowaan dib loogu qabtay howlgalka ciidan ee wadajirka ah.

Kudhaqanka Sharciga – Ayadoo ay qeyb ka tahay xoojinta qeybta amaanka ee Soomaaliya, oo lala kaashanaayo AMISOM, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo deeq bixiyeyaasha, QM kala shaqeyneysaa AMISOM, Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed iyo deeq bixiyeyaasha qorista 2,300 askar cusub ah. Ayadoo la kaashanaayo taageerada dowladaha Japan iyo Mareykanka, QM waxay dayactir kusameeysay afar saldhig boolis oo Muqdisho kuyaal iyo in ay ku wareejisay Xoogga Booliska Soomaaliya 12 saldhig boolis oo horay loo dayactiray. QM waxay

sidoo kale ay siisay tiro saldhigyo boolis ah qalab xafiis, kombuyuutarro iyo qalab kale. Intaas waxaa dheer, QM waxay isku- dubaridaa lacag siinta 5,700 ciidaka booliska ah.

UNSOM waxaa kale oo uu qeyb ka ahaa tayeeynta ciidanka asluubta ee dalka, waxaana kamid ah tababarro lasiiyo ciidanka ilaalada xabsiyada iyo fududeeynta helitaanka labiskooda.

Ayada oo loo soo maraayo Guddiga Arrimaha Difaaca, UNSOM wuxuu taageerayaa xoojinta tayada Ciidanka Qaranka Soomaaliya. UNSOM waxaa kale oo uu ka qeyb qaadadanayaa dadaalka Dowladda Federaalka ay ku joojinayso burcad badeedda saldhigatay Soomaaliya. Taageeradaas waxaa kamid ah dhismaha tayada hey’adeheeda sharci fulinta si ay wax uga qabtaan burcad badeednimada, waxaa kale oo kamid ah tageerada lagu horumariyo qaab dhsimeed sharci iyo istiraatiijiyada ku saabsan marin biyoodyadda- ama arrimaha badda.

Xuquuqda Aadanaha – Ayadoo waajibaadka UNSOM kamid tahay dhisidda tayada Dowladda Federaalka ah si loo xoojiyo tixgelinta xuquuqda aadanaha iyo awoodsiinta dumarka, xoojinta ilaalinta caruurta, kahortagga xadgudubka galmo ee la xiriira colaadda iyo xadgudubka kusaleysan takoorka (u kala eexashada raga iyo dumarka), iyo xoojinta hey’adaha cadaaladda, UNSOM waxay taageereysaa wadatashiyo dalka oo dhan ah oo laga yeelanaayo Qorshaha Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha iyo dadaallada lugu dhisaayo Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha.

Hiigsiga Cusub – Heshiiska ku saabsan Soomaaliya - oo ay isla ogolaadeen Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka waqtigii Shirkii Brussels ee September 2013, ayaa ah goob lugu dhameeystiray qaabkii wax looga qaban lahaa mudnaan-siinta dhisidda nabadda iyo qaranka inta u dhexeeyso 2014 iyo 2016.

Joogitaanka QM ee Soomaaliya wuxuu taageerayaa Dowladda Federaalka ah sidii ay garwadeen ugu noqon lahayd fulinta Heshiiska dhamaan qeybihiisa, oo ay kamid tahay hannaanka siyaasadda iyo wadahadalka lala gelaayo saaxiibada caalamka. “Shirka Iskaashiga Heerka Sare”, oo ka shidaal qaadanayo siddii lagu fulin laha Qorsha Hiigsiga Cusub, ayaa waxaa wada gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo SRSG Kay. QM waxay go’aansatay in ay waafajiso taageeradeeda ku adaan Soomaaliya Qorsshaha Hiigsiga cusub, baahidda mudnaanta kale leh ee Dowladda, kuwaas oo ay ka midyihiin wadahadalo loo wada dhanyahay; amaanka; cadaaladda; asaaska dhaqaale iyo dakhliga & adeegyada.


Waxaa la cusbooneeysiiyey 15 Abriil 2014